Connect with us

somalilandtoday.com

“Marka Horeba Xadhigiisu Sharci Muu Ahayn Ee Cid Ayuu Ka Cadhaysiiyay…” Siyaasi Cali Guray Oo Ka Hadlay Abwaan Cabdiraxmaan Abees Xorriyadiisa Dib U Helay

focus

“Marka Horeba Xadhigiisu Sharci Muu Ahayn Ee Cid Ayuu Ka Cadhaysiiyay…” Siyaasi Cali Guray Oo Ka Hadlay Abwaan Cabdiraxmaan Abees Xorriyadiisa Dib U Helay

(SLT-Hargeysa)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo ka mid ah xisbi xaakimka KULMIYE ayaa waxa uu ka hadlay Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo maanta xorriyadiisa dib u helay.


Siyaasi Cali Guray ayaa waxa uu sheegay in markii hore uu xadhigiisu ahaa sharci-darro, sababta loo xidhayna ay ahayd cid uu ka cadhaysiiyay.


Cali Guray ayaa qoraal uu arrintaa kaga soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook waxa uu ku yidhi:

“MAXKAMADDA GOBOLKA WAAN HAMBALYAYNAYAA
Marka horeba xadhigiisu sharci muu ahayn ee cid ayuu ka cadhaysiiyay waana lagu cadho-burburay. Markaa xaq buu u lahaa inu xoriyadiisa dib u helo. Waxa fiican in sharcigu sareeyo sharcigana loo wada sinaado mar kasta si xukunku u noqdo qaynuunka. Go’aanka Maxkamadda Gobolku waa mid sharci oo cadaalad ah”

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top