Connect with us

somalilandtoday.com

Manchester United Oo Hakisay Liverpool Iyo Hanashadii Horyaalka Ingiriiska Oo Cidhiidhi Galay.

advertise

Manchester United Oo Hakisay Liverpool Iyo Hanashadii Horyaalka Ingiriiska Oo Cidhiidhi Galay.


(SLT-Manchester ) Manchester United iyo Liverpool ayaa barbaro gool la’aan ah ku galay Old Trafford kulan laysku caajisay isla markaana dhaawacyo badani qaybtii hore ka dhaceen. Man United ayaa qaybtii hore ee kulankan ku wayday Herrera, Mata iyo Lingard oo isla qaybtii hore badal ciyaarta ku soo galay

.

Sidoo kale Liverpool ayaa isla qaybtii hore ee kulankan ku wayday Roberto Firmino kaas oo gabi ahaanba ay Reds u jabtay maadaama oo uu ahaa xidiga bilawgii ciyaarta Liverpool kubabda hal abuurka leh u qaabilsanaa waxayna Liverpool gabi ahaanba lumisay in ay hal abuur fiican samayso.

Liverpool waxay lumisay laba dhibcood, halka Man United lafteedu ay laba dhibcood ku seegtay kaalintii afraad ee ay ku soo jirtay. Liverpool iyo Man United ayaa markii ugu horaysay kulan Old Trafford ah oo horyaalka Ingiriiska ah barbaro gool la’aan ah ku galay tan iyo waqtigii magaca Premier league la bixiyay 1992 kii.

Haddaba waxaanu halkan idiinku haynaa qiimayntii ciyaartoyda labada ee kooxood ee kulankii Old Trafford ee ay labada kooxood barbaraha gool la’aanta ah ku kala baxeen.

Xidigii Garoonka: Goolhaye Allison Becker ayaa noqday xidigii garoonka ugu fiicnaa kadib markii uu joojiyay fursado halis ahaa oo ay Man United hwshay laakiin waxa uu xidigii garoonka ugu fiicnaa ku noqday in aanu jirin xidig kale oo bandhig fiican sameeyay taas oo muujinaysa heerka uu kulankani u liitay.

Allison Becker ayaa sameeyay saddex gool badbaadin, waxa uu sameeyay taakal uu ahaa ninkii ugu danbeeyay, waxa uu haystay baas bixin booqlkiiba 91% ah taas oo ka dhigtay xidigii garoonka ugu fiicnaa.

Laakiin waxaa kulankan ku fashilmay Mohamed Salah kaas oo wax badan laga filayay iyada oo Klopp uu ciyaarta badal kaga saaray si uu ugu muujiyo in aanu booska iska yeelan karin haddii aanu bandhig fiican samayn waxaana Salah si buuxda ula degay Luka Shaw oo caawin ka helay difaaca iyo khadka dhexe ee kooxdiisa United.

Mata, Herrera, Firmino, Lingard oo dhamaantood dhaawacyo ku baxay ayaa qiimayn hoose helay halka Pual Pogba iyo Luka shaw ay yihiin labada xidig ee ugu qiimaynta sareeya Man United.

Qiimaynta Ciyaartoyda Man United iyo Liverpool.

Man Utd: De Gea (6), Young (6), Smalling (7), Lindelof (7), Shaw (8), Herrera (5), McTominay (7), Pogba (8), Mata (5), Rashford (7), Lukaku (6).

Badalkii: Pereira (7), Lingard (5), Sanchez (6).

Liverpool: Alisson (8), Milner (6), Van Dijk (7), Matip (6), Robertson (6), Fabinho (6), Henderson (6), Wijnaldum (6), Firmino (5), Mane (6), Salah (5).

Badalkii: Sturridge (5), Shaqiri (n/a), Origi (n/a).

Maxaa Labada Kooxood u Xigi Doona?: Man United waxay arbacada u safri doontaa kooxda Crystal Palace halka Liverpool ay soo dhawayn doonto kooxda Watford.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in advertise

To Top