Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Biixi Iyo Golaha Guurtida Oo Looga Digay Inay Meel-mariyaan Golaha Culimada Oo La Sheegay Inay 80% Ku Jiraan Urur-diimeedyo Iska Soo Horjeeda

advertise

Madaxweyne Biixi Iyo Golaha Guurtida Oo Looga Digay Inay Meel-mariyaan Golaha Culimada Oo La Sheegay Inay 80% Ku Jiraan Urur-diimeedyo Iska Soo Horjeeda

Muxuu Dastuurku ka odhanayaa Golaha Culimada, Maxayse u aasaasi waayeen Madaxweyne Cigaal Iyo Madaxweyne Rayaale intii ay Talada Dalka Hayeen ?

(SLT-Hargeysa)-Badhasaabkii hore ee Gobolka Maroodi-jeex, Maxamed Cabdi Daa’uud oo sidoo kalena ka mid ah Culimada Somaliland ayaa ka digay in Golaha Guurtida la hor-geeyo Guddiga Culimada Qaran oo Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Axmed-siilaanyo Magacaabay, kuwaasi oo la sheegay in la doonayo in Guurtida la hor-geeyo si ay u ansixiyaan.

Guddiga Culimada oo ka kooban 11 Xubnood ayaa waxa in la sameeyo fasaxaya Dastuurka Qaranka Somaliland, balse Maxamed Cabdi Daa’uud ayaa sheegay inaan Somaliland u baahnayn Guddigaasi, isagoo xusay in Dastuurku samaynta Guddigan ku xidhayo Shuruudo ay ka mid tahay in Cidda Guddigaa ka mid noqonaysaa aanay ka mid ahayn Urur-diimeed, balse wuxuu sheegay in 11 Sheekh ee Madaxweynihii hore u xulay inay noqdaan Guddiga Culimada Qaranku ay 80% ku jiraan Urur-diimeedyo, haddii la ansixiyana ay Dalka u horseedi karaan Khilaaf Diimeed.

Maxamed Cabdi Daa’uud oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Guddiga Culimadu waxay ku qoran yihiin Dastuurka, laakiin Madaxweynayaashii hore ee Somaliland way maageen (aasaaskooda), Maxamed Ibraahim Cigaal oo Aabbihii Dastuurka ahaa muu samaynin (Guddiga Culimada), Ina Rayaale ma samaynin, sababta ugu weynina waxa weeyaan, markii hore Somaliland si bay ahayd, laakiin waxa ina soo galay ururro Diini ah oo samaysmay toddobaatanaadkii iyo siddeetanaadkii, Ururradaa oo aaminsan wixii Dadku aaminsanaayeen (Wax ka duwan) oo qaarkood ay Dadka ku sheegayaan Mushrikiin oo gaalaysiinaya Muslimiintii oo Muslimiintii kala qaybinaya.”

Maxamed oo u warramay Telefiishanka Eryal oo Wargeyska Himilo uu Warkan ka soo xigtay ayaa xusay qaar ka mid ah Urur-diimeedyada Dalka ka jira “ Ururradaa waxa ka mid ah Ururkii Al-itaxaad la odhan jiray, Itixaadkii wuxuu dhalay Ictisaam, waxa ka mid ah Islaax, waxa ka mid ah Salafiya Jadiida oo Yemen ka timid, Ururradaasi dhammaantood waa ururro Diiniya, Wadaaddadan imika la hadal-hayaana 80% Ururradaa ayay ka mid yihiin (Guddiga Culimada ee Madaxweyne Siilaanyo sameeyay)…” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Ictisaam oo kale waxa ka madax ah Bashiir Axmed Salaad oo Xamar deggan oo ah Nin Soomaaliya ah, dhallinyarada Ictisaamka ku jirta iyo Odayaashooduba Ninkaas ayay u dhaarteen, Waayo? Qofka Ictisaam ma geli karo, hadduu gelana waa in Bayco laga qaadaa oo looga qaadayo Ninkaa (Madaxda ka ah), Islaaxuna waa la mid ah.”

Maxamed Cabdi Daa’uud oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay sababta keentay in Dastuurka lagu qoro Guddiga Culimada ah ee loogu talo-galay “Dalkan Dastuur baa u yaalla, Dastuurka haku qornaadaan (in la sameeyo Guddiga Culimada ah) oo 11 ah laakiin, waxaana loogu talo-galay markii aynu Nidaamka Dimuqraadiga qaadanay in khaladaadka Dimuqraadiyaddu leedahay inaga xakameeyaan (Culimadu) oo khaladaadka Dimuqraadiyadda inaga hagaajiyaan..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Qodobka 18-aad ee Dastuurka, Farqaddiisa koowaad wuxuu leeyahay ‘Waxa ka reebban Xubnaha Culimada (ee Guddiga noqonaya) inay ka tirsanaadaan Urur diimeed iyo Xisbiyada Siyaasiga ah, markaa haddii Raggani urur diimeed ku wada jiraan waxaanu Madaxda Dalka haysata Maanta leenahay sidii Madaxdii hore uga joogeen uga jooga…”

Maxamed Cabdi Daa’uud oo la waydiiyey inay jiraan Culimo aan ka mid ahayn Ururrada Diiniga oo Guddigan loo Xuli karo, ayaa ku jawaabay “Haa….way jiraan Dad ka Madax-bannaan (Urur-diimeedyada), Anigan kula hadlayaaba kuma jiro sidii Dalka soo galay (Urur Diimeed)..Laakiin berigii Af-weyne (Dawladdii Soomaaliya) Mucaarad baanu ahayn oo Ninkaas ayaanu la dagaalamayney oo Urur Waxdad la yidhaahdo ayaanu lahayn oo Ninkaas (Af-weyne) ayaanu iska celinaynay, laakiin sidii Somaliland u xorrowday ee Dadku Madaxdoodii u soo doorteen waan iska dhigay (inaan Urur ka mid noqdo), urur aan ku jiray Maalintaa laga bilaabo illaa Maanta ma jiro, Dad badan oo Aniga ila mid ahina way jiraan..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu farriin u diray Madaxweynaha iyo Golaha Guurtida “Madaxweynaha, Guddoomiyaha Guurtida iyo Guurtida oo dhan waxaanu leenahay waar khilaaf uma taag hayno ee khilaaf Diiniya ha innaga gelinina…”

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in advertise

To Top