Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump Oo Xaalad Deg-deg Ah Ku Soo Rogay Dalkiisa

focus

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump Oo Xaalad Deg-deg Ah Ku Soo Rogay Dalkiisa

(SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa goor dhow ku dhawaaqay xaalad deg deg ah oo Qaran, iyadoo tallaabadan aheyd mid aad loo hadal hayay saacadihii u dambeeyay.

Donald Trump ayaa doonaya inuu lacag u helo darbiga uu ka dhisayo Mareykanka iyo Mexico, isagoo aan ogolaansho ka helin Aqalka Congress-ka.

“Waxaa duulaan nagu ah dad fara badan iyo daroogo sharci darro ah oo ku soo qulqulaya xuduuda, waa in aan joojino oo aan ka hor istaagno dambiilayaasha inay soo galaan dalkeen”ayuu yiri Donald Trump.

Sidoo kale xaalada degdeg ah ayaa waxaa uu awood siin doonaa hirgelinta sharciga socdaalka oo uu horay u soo saaray.

Waxaa uu sheegay in Madaxweynayaal isaga ka horeeyay ay xaalad degdeg ah ku dhawaaqeen, isagana uu sidaas sameynayo sida uu yiri.

Aqalka Congress-ka Mareykanka ayaa saacado ka hor ansixiyay miisaaniyadda dowladda oo aanay ku jirin lacagta uu dalbaday Trump ee uu doonayo inuu darbiga ku dhiso.

Qorshaha Xaalada degdega ee uu Donald Trump ku soo rogay Mareykanka ayaa waxaa uu caqabad kala kulmi karaa Dimoqraadiyiinta oo ka dacwadeynaya Maxkamadaha dalka.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top