Ganacsade Caan Ahaa Oo Xalay Lagu Dilay Magaaladda Boosaaso

(SLT-Boosaaso)-Kooxo bistoolado ku hubeysan ayaa xalay magaalada Boosaaso waxa ay ku dileen nin ganacsade ahaa, kaasoo lagu magacaabi jiray Salaad Cabdi Cukaasha.

Dilka ganacsadahan ayaa ka dhacay xaafada Raf iyo Raaxo ee magaaladda Boosaaso, waxaana la dilay xilli uu ka soo baxay masaajid uu salaadii cishaha ku dukaday.

Goobjoogayaal ayaa soo sheegay in marxuumka dhowr xabadood looga dhuftay Madaxa iyo Wadnaha, taasoo keentay inuu isla goobta ku geeriyoodo.

Salaad Cabdi Cukaasha waxa uu xisaabiye ka ahaa Shirkadda Ganacsi oo lagu magacaabo Horseed.

Magaalada Boosaaso waxaa dhowr jeer oo hore lagu dilay ganacsato, waxaana jira warar sheegaya in kooxda Daacish ay ganacsatada ku amartay inay bixiyaan lacago, taasoo u muuqata inay tahay mida lagu bartilmaameedsanayo.

Si kastaba 4-tii bishan ayey eheyd markii magaalada Boosaaso lagu dilay Paul Anthony Formosa oo ahaa madaxii Shirkadda P&O Ports ee Dekadda.