Ciyaartoy Qaxooti Ah Oo Lagu Soo Dhaweeyay Dalka Australi

(SLT-Australia)-Hakeem al-Araibi oo ah ciyaartoy qaxooti ah ayaa ku laabtay dalka Australia ka dib markii laga sii daayay xabsi Thailand ku yaalla.

Ninkan oo dalka Baxrayn u dhashay ayaa Bangkok ku xirnaa labo bilood ka dib markii qabashadiisa loo cuskaday waraaq ay booliiska caalamiga ah ee Interpol u qortay Baxrayn.

Dalkaas Carbeed ayaa Isniintii ka laabtay isku daygii uu ku doonayay in loo soo masaafuriyo ciyaartoyga ka dib markii uu culays kala kulmay ururrada xuquuqda aadanaha u dooda ee caalamka.

Boqollaal ruux oo taageersan ayaa soo dhaweeyay ciyaartoygan 25 jirka ah ka dib markii uu ka soo dagay garoonka Melbourne Talaadadii.

“Waxaan jeclahay in aan u mahadceliyo Australia. Waa wax cajiib ah in aan intan oo ruux halkan ku arko iyo dhammaan dadka reer Australia ee taageerada ii muujiyay.