Madaxweynaha Soomaaliya Oo Dalka Itoobiya Kula Kulmay Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobey

(SLT-Addis Ababa)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Addis Ababa kulan gaar ah kula yeeshay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guiteres oo ay ka wada-hadleen sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha waxaa kulanka dhankiisa ku wehlinayay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Axmed Ciise Cawad, Danjiraha Soomaaliya ee QM Abuukar Daahir Cusmaan Baalle, Danjiraha Soomaaliya ee Itoobiya/Midowga Afrika Cali Shariif Axmed iyo La-taliyaha Madaxweynaha Musane Balal Cusmaan.
Labada dhinac ayaa la soo sheegayaa inay ka wada hadleen xoojinta xidhiidhka wada shaqeynta dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey, kaddib markii 2dii bishii Janaayo ee sanadkan dowladda Soomaaliya Eriday ergeygii QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom.

Antonio Guiteres ayaa sheegay in uu soo magacaabayo ergey cusub oo Qaramada Midoobey kala shaqeyn doona xidhiidhka Soomaaliya.