Qasaali: Xujadii Islaamka.Qaybtii labaad

“Si aad u hesho waxa aad jeceshahay waa in aad ku sabirtaa waxa aad neceb tahay”

Aragtiyihiisii Saamaynta Reebay

Qasaali waxa aad loogu weyneeyaa horumarinta shakhsiyeed iyo bulsheed ee marba waayaha iyo degelka la joogo ku salaysan. Qaabdhismeedyada la majeerto quruxdooda ee maanta Muslimku ku jiro door muhiim ah ayuu ku leeyahay.

Qasaali waxa uu in badan ka dhex guuxay maskaxaha Muslimiinta iyo Reer Galbeedka aqoonta weeleeya. Rabbi wuxu ku galladay codkarnimo iyo doodyaqaannimo, waxa la arki jiray isbarbardhigyada uu ku samaynayo masalooyinka adag iyo sida waaqica loogu saleeyo, iyo waliba tilmaamidda xaqa xorriyadda aan laga badbadin ee reer

galbeed ku tunteen.
Aragticuriye (Qasaali) dhaxalkiisa aan duugoobayni waa fikradihiisa ilaa maanta la adeegsado ee nolosha iyo aqoonta la xidhiidha. Waxa lagu midaysanyahay in aqoon iyo aragti laga weelayn karo buugtiisa iyo mabaadi’diisa.

Qasaali waa hormoodka aragtiyahannada Muslimka ee reer galbeedka doodaha ku jabiyey. Waxa lagu ammaanaa aragtidiisa uu ku soo afjaray dooddii caqliga iyo weedhiisii caanka ahayd ee ku jirta dhiganihiisa “Tafahaatul Falsafa” isaga oo lahaa “Caqligu hanuunsami maayo diinta la’aanteed, diintuna noqon mayso mid cad caqliga la’aantii.” Waxa uu isku xidhay caqliga iyo diinta, sababtu waxa weeye in caqligu yahay ka wax lagu fahmayo, diintuna tahay midda toosinaysa caqliga. Waxa uu geed ku xidhay dadyowgii ku doodayey in caqligu kaligii istaagi karo oo aanu jirin dabar uu u hoggaansamo. Sida oo kale, wadaaddadii ka soo horjeeday caqlaaniyiinta ee dedifeynayey ama dafirsanaa kaalinta caqliga, iyagana caqlicelin iyo tusaaleyn mug leh ayuu u noqday hadalkiisu.

“Si aad u hesho waxa aad jeceshahay waa in aad ku sabirtaa waxa aad neceb tahay.” Waa mid ka mid ah hal-ku-dhegyada Qasaali ee saamaynta maskaxeed ku yeeshay aqoonyahankii reer Yurub. Waana arrin marar badan lagu faaqiday gole aqooneedyada reer Galbeedka. Nuxurka hal-ku-dheggani waa rumaynta ama doorashada fursadaha, baahiyaha iyo caqabadaha aasaasiga ah “Claim value”. Waxa waayo dambe laga dhex arkayey manaahijta barbaarineed ee Yurub halku-dhegyadan.

Falsafaddu xilligiisii saamayn xooggan ayey ku lahayd dadkii ugu caansana da’diisa, habdhaqankoodii iyo dabeecaddoodii, waxa ay gaadhsiisay heer ay ka shakiyaan diinta Islaamka. Waxa ay saluug ka muujiyeen akhlaaq xumada, siyaasad xumada iyo fasahaadka bulshadooda. Qasaali waxa uu wakhti badan siiyey barashada falsafadda ilaa loo aqoonsaday mid ka mid ah ragga ugu waaweyn ee lagu ixtiraamo filosuufnimada. Waxa uu qoray buug uu kaga warramayo falsafadda, sida buugga magaciisu yahay “Maqaasidu Falsafa” ‘Ujeeddooyinka falsafaddda’ buuggaasi si qotodheer ayuu uga warramayaa mabaadi’da guud ee falsafaddu leedahay. Buug kale ayaa isna jira uu sheekhu leeyahay, kaas oo ah “Tafahaatul Falsafa” Isqabad la’aanta Falsafadda, waxa uu ku soo bandhigayaa in aanay falsafaddu ahayn mid cad oo meel ku tiirsan se ay tahay mid iska hor imanaysa.

Marka la eego heerka uu ka gaadhay falsafadda Qaasaali, waxa jira rag aragtiyo badan loo tixgaliyo oo reer galbeed ah, se aad ula yaabay aragtiyaha wadaadkaas Muslimka ahi dunida ku soo kordhiyey. Waxa ka mid ah raggaas ninkii caanka ahaa ee magaciisu ahaa Aristotel, oo ka mid ah filasuufyadii ugu caansanaa qarniyadii tagay, aragtiyihiisii siyaasadeed iyo arrimo bulsheedna la tixraaco, waxa uu marar badan ku waafaqay Qasaali mabaadi’diisa la xidhiidha arrimaha bulshada. Tusaale ahaan waxa uu la aaminsanyahay aragtida Qasaali ee odhanaysa, “Waa in la helo ummad leh marjac caqiido oo ay u noqoto.” Qasaali waxa uu aaminsanaa in aanay suuragal ahayn in ay jirto ummad aan waxba aaminsanayn oo aan lahayn cid ay u rumaysan tahay in ay iyada ka awood weyntahay oo dunida maamusha. Arrintaas oo Qaasaali kaga hadlay Buuggiisii “Ixyaa culuumu-diin” kaas oo uu ku sheegay in ay lagama maarmaan tahay in la helo nolol ay saldhig u tahay caqiido diineed.

Dadkii ka Hadlay

Dahabi waa mid ka mid ah ragga taariikhda Islaamka looga dambeeyo, isaga oo ka hadlaya qofka uu yahay Qasaali ayaa kitaabkiisa Siyaru-Aclaam waxa uu ku yidhi, “Qasaali waa mar la arag mucjisadii qarnigiisa ah, waa curiyaha funuunta.” Ibnu Jawsi oo isna ahaa aqoonyahan caan ahaa, waxa uu aad ula ashqaraarray qaabqoraalka Qasaali, waxa uu ku sifeeyey in buugtiisa uu u qoro sida ugu wanaagsan ee qoraal loo sameeyo, hadal walbana u nidaamiyo sida ugu habboon ee loo yidhaado. Ibnu Jawsi in intaa ka badan ayuu kaga hadlay buuggiisa “ Taariikhul Muluk wal-umam”.

Qaradaawi waxa uu leeyahay buug magaciisu yahay “Imaam Qasaali Bayna Madaaxiya wal Naqdiya” ‘Qasaali wuxu u dhexeeya kuwo ammaana iyo kuwo dhalleeceeya’, waxa uu ku yidhi, “Qasaali wuxu ka mid yahay qamaamuurta fikirka iyo hal-abuurka raadraaca. Waa maskax ka soo mudh tidhi xaddaaradda Islaamka ee hodonka ah.

Margaret Smith waxa ay qortay buug la yidhaa (Al-Ghazali: The Mystic) waxa ay ku qiraysaa buuggeeda in aragtiyihiisu saameeyeen reer galbeedka, waxa ay odhanaysaa, “Shaki kuma jiro in dhaqdhaqaaqyada ugu horreeya Qasaali ay ka mid yihiin kuwa soo jiidanaya dareenka aqoonyahanka reer Yurub.”

La soco Qaybta Saddexaad

W-Q. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub.