Connect with us

somalilandtoday.com

Lacagtii Ay Somaliland Sanadkan Ka Heli Lahayd Heshiisyada Saldhiga Iyo Dekeda Oo Miisaaniyada Laga Saaray.

focus

Lacagtii Ay Somaliland Sanadkan Ka Heli Lahayd Heshiisyada Saldhiga Iyo Dekeda Oo Miisaaniyada Laga Saaray.

(SLT-Hargaysa) Xukuumada somaliland ayaa si rasmi ah u shacisay inaanay miisaaniyada dawlada ku jirin lacagta ay somaliland dhaafsatay dekeda Berbera ee ay DP World u gacan galisay iyo saldhiga imaaraadku ka dhiso Berbera.

Wasiirka horumarinta maaliyada somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo ka qayb galayey kulan lagaga hadlayey miisaaniyada somaliland Hargeysa ka dhacay ayaa la waydiiyey sababta miisaaniyada dawlada looga dhex arki waayey lacagaha ay somaliland ka helayso kiraynta madaarkii Berbera oo imaaraadku saldhig ka samaysanayo iyo dekeda Berbera.

Wasiir Sacad Cali Shire ayaa su,aashan oo uu waydiiyey Cabdikariim Axmed Mooga kaga jawaabay sidan “Horta way ku jirta kirada dekedu oo

Waxay ka muuqataa kirada aynu ka qaadano hantida ma guurtada ah. Sanad walba dekedda waxaynu ka qaadana kiro shan milyan dollar ah, dekedda DP World maynaan siin waxaynu siinay shaqada inaga iska leh dhulka waynu ka kiraynay sanad walba 5 milyan ayaynu ka qaadana waxaanay ku jirta halka kirada laakiin, sanadkan kuma jirto oo hore ayaynu u qaadanay.”
Wasiir Sacad Cali Shire oo ka hadlaya kirada saldhiga ayaa intaas raaciyey “Arrinta Saldhigga, saldhigga isaga kiro kama qaadano, maaddaama aynaan ka qaadana kuma jiro kirooyinka, Saldhiga heshiiska aynu kula galnay Imaaraadka waxa weeye in ay inoo dhisaan waddo Berbera ilaa Wajaale ah iyo in ay inoo dhisaan madaar ay inoogu bedelayaan kii aynu siinay markaa kiro kama qaadano, marka qandaraaskii Waddadana sanadkan ayaa la bixinaya oo la bilaabaya,”

Jawaabta Wasiir Sacad Cali Shire ayaa bulshada ka dhex abuurtay guux ku saabsan cida qaadatay lacagtii kirada ahayd ee sanadkan ay somaliland ka heli lahayd dekeda magaalada Berbera, halka lays waydiinayo goorta ay fulayaan mashaariicda ay somaliland dhaafsatay heshiiska uu dalka imaaraadka saldhiga kaga samaysanayo Berbera.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top