Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Isku Shaandhayn Ku Samaynaya Xukuumaddiisa, Mas’uuliyiin Badan Oo Shaqada Laga Caydhinaayo + Cabsi Soo Food Saartay Wasiirro

focus

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Isku Shaandhayn Ku Samaynaya Xukuumaddiisa, Mas’uuliyiin Badan Oo Shaqada Laga Caydhinaayo + Cabsi Soo Food Saartay Wasiirro

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa in uu sida ugu dhakhsaha badan ugu dhawaaqo Liiskii isku shaandhaynta cusub ee xukuumaddiisa oo muddooyinkii dambe oo dhan la hadal hayay iyada oo xogo arrintan la xidhiidhaa noo xaqiijiyeen in Madaxweynuhu dhammays tiray oo ku dhawaaqayo wax ka baddal uu ku sameeyo Golihiisa xukuumadda.

Ilo-wareedyo u dhuun daloola qasriga Madaxtooyada Somaliland oo Wargeyska FOORE xalay soo gaadhay ayaa noo xaqiijiyey in sida ugu dhakhsaha badan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu soo saarayo Liis muddoba Miiska u saarnaa oo ah isku shaaandhayn cusub oo uu ku sameeyo xukuumaddiisa taasi oo muddoba hadal haynteedu badnayd balse muddooyinkan damba yara shiiqday waxaanay wararkii ugu dambeeyey ee arrinkan xalay naga soo gaadhay tibaaxayaan in uu maanta ama maalmaha dhaw ee innagu soo aaddan Madaxweynuhu ku dhawaaqi doono isku shaandhayn la filayo in ay ka dhumuc roonaato isku shaandhaymo hore oo aad u koobnaa oo Madaxweynuhu Golihiisa xukuumadda ku sameeyey dhawr jeer oo hore.

Si kastaba ha ahaatee shacabka Somaliland oo muddoba saluug weyn ka muujin jiray tayada xubnaha Madaxweynuhu u xushay xukuumaddiisa ayaa waxa ay ka dhur sugayaan bal markan waxa uu Madaxweynuhu la shir yimaaddo iyo in uu ugu yaraan xukuumaddiisa ku soo daro xubno miisaan culus oo saamayn ku yeesha xaaladda waxqabad ee xukuumaddiisa oo si weyn shacabku u dhaliilaan wax badan oo is baddal madaxweynaha laga filayayna aanay ka hayn.

Soo shaac bixidda arrintani waxa ay saamayn weyn ku yeelatay xubno badan oo xukuumadda ka mid ah gaar ahaan Golaha Wasiirrada kuwaasi oo quuddaraynaya in ay ka badbaadaan seefta Madaxweynaha halka in badan oo siyaasiyiin iyo xil doon ah oo CV-yadoodu Madaxtooyada yaallaan rajo ka qabaan in ay ku soo baxaan liiska uu Madaxweynuhu cugan doono.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top