80 Ka Malyuun Ee Deynta Ah Sow 80.000 Oo Cod Laguuma Siin?

Dhqane:Waar heedhe maxaa khaldan ?miyeydaan u sheegin markaa ka sii tegayseen 80 kan malyuun ee deynta ah inaa 80.000 oo cod u siiseen?
Dhaashane:Iga wala waddanigaa aanu u boobnay baa caqli dhaami.sowkan anagii uun naga dhamaan waayey maaha.Waar ileyn askari siyaasad ma barto.
Dhaqane:Oo waxan ku waydiiyey shirkii Kulmiye maxaa Boorame lagala doonay?
Dhaashane:Kii Ina xaashaa hungureeyey baan maqloo ,malaa isagaa loogu quus goynayaa.
Dhaqane:Dee waa runoo idinba markaa cid u quus goynaysaan waydinkii Burco ula carari jiray.
Dhaashane:Waar heedhe ma dhabaa madaxweyne muse qandaraas weyn oon lagu tartamin buu siiyey adeerkii Ina aw saeed?


Dhaqane; Ha siiyo dee imisaa idinba adeer adeer wax isu siinayseen.ma

isagaa gaal gaal dhalay iyo garxajis ah.
Dhaashane :waar adeerow waa markaad af somali aan la fahmayn ku hadli jirtee waxan ku waydiiyey,Horta sheekhii sheekh Aden sunni ma la sii daayey?
Dhaqane;KKKKK maanagaad na waydiinaysaa dadkii aad xidhxidheen?Mida kale ,sida wax loo xidho ayuunbaa taqaaneene ma idinkaa sida wax loo sii daayaba yaqaanay.
Sowtaan lahaa maaha:
Dagaal ragu wuu galaa
Dil iyo dhagar buu mutaa
Mar buu dood kulul ceshaa
Denbaab iyo khalad galaa
Kulmiyahan daahiri bukoo
Ka daa handaraabka dee.
Waa qalinkii;Baxnaan xaaji aden diiriye
Sweden
haaheey@hotmail.com