Connect with us

somalilandtoday.com

Safiirka Soomaliya KENYA Ka Hadlay Xaalada Siyaasadeed Ee Labada Waddan.

focus

Safiirka Soomaliya KENYA Ka Hadlay Xaalada Siyaasadeed Ee Labada Waddan.


(SLT-Nairobi)Danjiraha Somalia u jooga dalka Kenya, Ambassador Maxamuud Axmed Nuur “Tarzan” waxa uu hadalkaasi ku sheegay Wareysi dheer oo uu siiyey Wargeyska The East African ee ka soo baxa magaalladda Nairobi, wuxuuna Wareysigiisa kaga hadlay Ammaanka Gobalka, Siyaasadda Somalia, Xayiraadda Hubka ee Somalia iyo xiriirka wadajirka ee Somalia iyo Kenya.

Danjiruhu waxa uu sheegay in loo baahan yahay inay Dowladda Kenya si toos ah ula shaqeeyaan DFS, oo aysan la shaqeynin Dowlad-gobaleedyadda oo ka koobaan Qabaa’ilo ay colaado ka dhex jiraan.

Waxa uu intaasi ku daray inay Maamul-gobaleedyadda ay xuddun u yihiin hubinta Ammaanka, balse ay MG ka kooban yihiin dhowr Qabaa’il oo ay dhexdooda ka jiraan colaado, taasina ay iyaga dhibaato ku tahay si ay Dowladda Kenya kula heshiiyaan Ammaanka Gobalka.

Danjiraha Somalia u jooga dalka Kenya, waxa kale oo wax laga weydiiyey Arrimaha Ammaanka, wuxuuna sheegay inaysan DFS dagaal kula jirin Alshabaab oo kaliya, balse ay dagaal kula jiraan Daacish-ta Somalia.

Waxa uu tilmaamay inay Ciiddanka DFS u baahan yihiin Hub Casri iyo Tababar, isagoo sheegay inay Ciiddanku haystaan Hub la mid ah kuwa ay Alshabaab haystaan.

Waxa kale oo uu tusaale u soo qaatay Maraykanka oo ah dal ugu xoogga weyn inay Ciiddankiisa 17-sanno dagaal kula jiraan Ururka Daalibaan ee dalka Afganistan.

Danjiraha Somalia u jooga dalka Kenya, Ambassador Maxamuud Axmed Tarzan waxa kale oo uu wareysigiisa ku sheegay inay dhibaato kale ka soo wajahayaan Hubka ka imaanaya dalka Yemen.

Danjire Maxamuud Axmed Tarsan waxa uu sheegay haddii Somalia laga qaado Cunaqabataynta Hubka inay awoodi karaan inay horumar ka sameeyaan Hawlgalladda ay kula dagaalamayaan Alshabaab iyo Daacish.

Waxa uu intaasi ku daray inay Somalia ka war dhowrayso inay aragto Dowladaha Gobalka oo ay Kenya horkacayso inay u ololeeyaan sidii Somalia looga qaadi lahaa Xayiraadda QM ee Hubka.

Ugu dambeyntii, Danjire Tarzan waxaa wax laga weydiiyey inay Somalia ka dhici doonto doorasho hal qof iyo hal cod sannadka soo socda ee 2020-ka, waxa uu rajo ka muujiyey inay dhici doonto dabayaaqadda sannadka soo socda, balse waxa uu hoosta ka xariiqay inay hubin doonaan marka la gaaro doorashadaasi.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top