Mustaqbalka Siyaaseed Ee Somaliland Oo Xagga Uu Ku Jihaysanyahayjawaab Loo Hayn

Geeddi socodka iyo horumarka siyaasadeed ee Somaliland ee ictiraaf raadintu waxa uu xawli u socday laga soo bilaabo hilaaddii 2006. Ictiraaf raadintaasina waxay walwaalaysay dareennada shacabka; Kaas oo sabay in madaxweyne Riyaale u safray dalal badan oo daafaha calaamka ah, si’ uu aqoonsi caalami ah uga soo helo, geyigan uu gadh-wadeenka ka yahayna xasilooni iyo dawladnimo taabbo gasha u helo. Sidaa darteed, shacabka Somaliland yar iyo weyn, dheddig iyo labood, culimo iyo caamo, waxay ku niyad samaayeen garashada toosan ee ay madaxdoodu hayaan majarahana ugu hayaan si’ ay u gaadhsiiyaan mustaqbal ifaya, laakinse, maanta aanay dhadhankiisa iyo urtiisa toona haynin, kaba sii darane aanay kashkooda ku soo

dhici karin wanaagga ay maanta niyeysanayaan sifada uu yeelan doono. Somaliland waxa ay soo marta xilli dhammaan shacabkeedu uu u heellanaa taabba gelinta iyo kor u qaadidda qaddiyadda ictiraaf raadinta. Wuxuu ahaa xilli niyadsami iyo filasho gaamurtay loo qabay in Somaliland astaanteedu maruun ka dhex ba bato badhtamaha Qarama Midoobay ama Qarama Afrika. Dhamman carruurta dugsiyada dhigataa wax ay yaqaaneen in ay dhex joogaan ciid ay iyaga iyo aabbayaashood ab iyo isir ku faani jireen, inay barwaaqawdo oo ay lidiqa nimcada meel walba marsadaan ay ka go’ nayd, badhaadhaheedana gaadhsiiyaan cidda gacal ugu dhaw.
Xilligaasi waxa uu ahaa kale guur siyaasadeed iyo mid doorasho oo la naadinaayey diga rogasho ka sii miid macaan oo ay helaan shacabku, iyaga oo rajaynayey haddii madaxweyne Riyaale banneeyo booska oo labada murrashax ee kale sida, Siilaanyo iyo Faysal kol ba kii majaraha qabtaa uu waddanka sii gaadhsiin karo horumar la mahadiyo oo ka sii wanaagsan halkii uu markii hore taagnaa. Dhammaan hididiilada shacabka iyo ifafaalada siyaasadeed ee Somaliland waxa uu ahaa mid boqolaydiisu aad u sarrayso.

Doorashadii Siilaanyo hantayna waxay dadka ka dhigtay in dhammaan shacabku faraha la galeen malab aan miliqsi lahayn marka la dhadhamiyo, iyo biyo samsama oo aan saxasho la hayn kii cabbayna si hun guri mar leh isu dhaafiyey, tasna waxaa kuu caddaynaysa kolkii uu Siilanyo safarkiisii ugu horreyey ku tegay Waddanka Ingriiska, soo noqoshadiisiina uu lug aan gabbasho lahayn kaga soo carraabay Saldhiga Dhexe ilaa madaxtooyada uu lug ku galay isaga oon waardiye iyo askari duula mid toona wadan. Kaba sii darane, markaas intii dhinacyaacaysay ay madaxtooyada magan u noqotay oo wakhti kadib qof kastaa iskii uga soo baxay madaxtooyadii uu madaxweynahooda u sii gelbiyey. Anigu waaxid baan ahaa uu nasiib ku siiyey in aan si bilaa naxliya maalintaas madaxtooyada ku galo anoo balcaddaydii dugsiga sare ku gaashaaman.

Nasiib darro madaxweynaha sidaa loogu hanweynaa, loo koolkoolinayey loona dhawrayay wanaagiisa, mucaarad iyo muxaafidna loo xaq dhawrayay waxa uu Arladan ku sagootiyey qabyaalad, eex, sicir barar, hanti boob iyo is nacayb ka dhex aloosmay dhammaan geyigeenii u heelanayaa midnimada, hidantinnimada iyo ictrifaaf raadinta.

Wakhtigan la joogose, Somaliland haldoorkeedii ku biiri lahaa dib u dhiska waddanku waxa uu badhkood ka hillaacay oo u sal dhig ka dhigtay muqdisho iyo ciddii markii hore ictiraafka laga raadsanayey, halkaasina waxay noqotay barta ay dhallinta Somaliland joogtaa badankoodu rabaan in ay maruun cago dhigtaan, badhkoodna waxay ku dhega barjoobeen barta loo socdo iyo barta laga socdo; ugu danbayna waxay go’aan ku qaateen in ay iskood waddanka uga tagaan iyagoo badaha maciin biday aakhirkiina badweynada bahaluhu ku leefeen. Inta soo hadhayna waxay taaganyihiin qudhaanjooy ku quuso bartii dhashaada lagu gubay nololi kuuma taallee!.

Ugu danbayn magacii Somaliland ee gooni u goosadka, aqoon raadiska, horumarka, iyo dib u dhiska ku astaysnaa waxa uu isu gu soo hadhay in dana gaara ka rabta Somaliland kuna maxaabsanaysa, iyo in qadhaabka gurato oo cindigoodu bilaa qorshe yahay–oo daba dhilifka magan se mooday.

Sadam Osman Kaabash.
Biomedical Scientist/writer.
Hargeisa, Somaliland
Degmada, Maxamed Mooge

sadamkabash99@gmail.com