Maxaan Qarsadaa Illaahay Baa Cawra-Daydda Debedda Wadhaye ( Abdi-Shotaly)

Bisad damaaciyad ah bay beri khaati iska taageen jiirar, oo weer cad iyo mid madaw-ba la isu kala xidhay, koox-daas jiirarka ahi way ka xariifsa-naayeen inantan la yidhaaho Miss Bisad, oo xadhiggii ay gunuda-ba si yar oo fudud bay u kala furaan, dabeed way u taag wayday, maalintii dambe bay u qayishay, oo ay soo iibsatay geed qaad ah, waa ta ula fadhiistay, maakhiraa-deeddii rog-rogtay, waxay siddii muqawad murqaamay ay gadhka rifto-ba, go’aan bay gaadhay ah in ay iska dhigto wadaadad, oo wixii hore waan

ka hadhay ay tidhaaho, markii ay ka saayid-caylayn kari wayday jiirar. waxay is tidhi ilayn hunguri kal xishoodda ma lahee, hadaba jar u deg aad ku khiyaamayso. Mudo dhawr maal mood ah bay yara dhuumatay, maalintii dambe bay soo baxday, oo hoggii jiirarka intay afka saartay, sare ugu dhawaaqday, jiirar-yahay anigu wakhti baan idinka maqnaa, waxan tegay Xashka, waan ka soo ducaystay, denbiggii hore-na waan ka soo maydhay, oo dib dambe idiin dhibi-maayo, idina cuni-maayo, oo hadda waxan ahay sheekhad wax walba ka saahiday, waxan rabnaa in aaynu isi saamaxno, oo aynu noqono wallaalo ilaahay, wadda cibaaday-sano, wadda dhisano mawlac inoo gaar ah oo aan Illaahay ku wadda caabudno, oo aynu salaaduun gabtaa hayno, anigaana ka iimaam ah ee iska soo baxa, waxba idin yeeli-maayo’e, wixii hore iska ilaawa, imika aamin baan ahaye. Khristaw ilayn waa lays gondo og-yahay, oo xaalku waa nin aad taqaan uurkii-saad ku jirtaaye, waxay u soo xuleen odayggii ugu weynaa Jiiraarka, oo yidhi aniga ii daaya, annakaa isla naqaan maakhiraada’e, ka bacdi intuu hoggii gudihiisii, uu afka soo saaray, meel aanay ka soo gaadhayn, ugana soo geli karin, buu ku yidhi “Bisad yahay xashaka iyo cadaabta kaad doonto tag, heshiis ina dhex marayaa ma jiro’e, ee haw fadhiyin, ee dameero u sheeg xash baan tegay. dhalasho lama dooriyee ha ku tallo gelin, in aanu kaa rumaysano wax baa iska kay bedelay. Inantii Bisadda ahayd, halkaas bay ku aakhiro seegtay, oo inta ay madaxa ruxday iyadda oo walaacsan, bay tidhi Waan-waan-diide, ee waa inoo tahay, waayo way og-yihiin jiirarku, in aanay marna-ba, sinaba nabadi u dhex marayn iyaka iyo bisadaha. Ujeedo iyo haatan muwaadin hoos kaga bogo biyo dhacayga.

Dhalan-teed xareed waw eg-yahay, dheeha-shadda guud, oo marka aad ka yara durugsan tahay, waxad moodaysaa biyo qulqulaaya, marka aad timaado halkii uu kaaga muuqanaayey-na, meel ka sii shishaysa baad hadana ka arkaysaa, kolba way sii durka-yaan oo waad waayeysaa, ilaa aad aakhirka ogaato waxani in aanay ahayn biyo run ah, waxan kuu hilaacaayey ama kuu muuqanaayey, ee ay yihiin gantaalihii cadceedda ee dhulka galay, uumiggii ay dib u soo celiyeen, oo naqas-kooddii sare u soo baxay, markii meel ay u dhaafaan waayeen dhulka hoose. Waxan uga socdaa labadda qiso ee sara ku qoran ( Bisadda iyo jiirarka iyo ta Dhalan-teedka), mid-na la iskuma haleeyo, aaminaad dhex marta bisad iyo jiir waa yoowmal-qiyaamihii oo taagan, dhalan-teed-na in aad ka cabtaa, waa sacabkoo tima yeesha, saabuun xoor laga waayey iyo dameer san madaw. Sidoo kale Maamul askareed dhib mooyee, in aanu dheef lahayn, ruux-na caad kama saarna, horeynu u soo aragnay, oo taasi inta uu cirku kuu jiro bay laban-laab kaaga sii fog-tahay ee yaan lagu daalin. Hees uu Cali Sugule Dun-Carbeed (IHN), uu u tiriyey maamulkii askariggii af-weyne, baa waxa ka mid ahaa ereya-deedda ” Xeedh-yaha ha madhinina, maatadda ha qadinina”, waayo wuu ogaa in ay askartu bilaa masakax tahay, oo amar qaado iyo wax boob mooyee, aanay ka lagu guuro qabin, ka hees-taas loo tiriyey, waad og-tihiin wixii lagala kulmay, kaas baa u maclin ahaa labadan meesha is daba koorinaaya, ee xuduudda baanu beri ka talawnay ku sheegta Mujaahidiin.

Waxan ku soo af-jaray qoraalkan.

Ri’ baa beri orgicii adhiga ku jirey uu ku yidhi ” Naayaa Cado-jiliceey dabadaada qarso”, markaas bay ugu jawaabtay “Maxaan qarsadaa illaahay baa cawra-daydda debedda wadhaye”. Al-micnaa waxa weeye, kuwan waxay yihiin( waa askarta’e), korkoodda bay ka muuqa-taaye, yey isu amaana-yaan ma dar samadda ka soo degay? Horey Somalidu ugu maah-maahday “
Geela duqiisii durdu-riyey, aaran-kiisa maxaad ka filay-saaye?”. kuwa uu af-la-haarkii ina bare, uu sheekha u ahaa ma wax baa kaaga diimoon? Mar kale waxay yidhaaheen ” Awr waliba awrkii dhaluu aarankii yahay”, oo micna-heedu yahay, ruuxa qaba tabarkii Af-weyne, ee ka soo af-laxay malcaamadii la odhan jirey Somaliya, ee khiyaaliga iyo tolaayeey ku dhisnayd, kuna dhaqmi jirey, reer hebel caw-doodda goo, inta ku xigta isku xeer, dadka inta ugu liidata wax u dhiibo, car juuq dheh ku maamul, been iyo wax aan jirin ugu durbana garaac, kiish kaste ka buuxso, hadba reer adhaxdda taabo, ka ku yidhaaha waxaasi waa khalad, ama wax kaa sheega aanad rabin, jeelka u dir, siddii abwaaniintii Hadraawi, Ibrahim gadhle oo jabuuti u baxsaday, Cabdi-qays, Cabdi Iidaan, Qaasim, Gaariye, cali sugule, Maxad mooge, iyo qaar kaloo badan, oo aan la soo koobi karin. Nina wuxu yahay ma dedi karo’e, waa taas hadeer siddii af-la haar, la xidh-xidhaayo abwaanaddii, ( Sidda ka war-baahinta) ay shalaadka ka qaadayaan, ilayn waa dugaag dhergay oo anshax ma lahee, way xejin kari la’yihiin dibiradda, ilayn waa calool aan u barane, ee ay hadhka galay ciyaarta ka dhex qabsa-nayaan dariiq-yadda magaalooyinka. Xikmad baa waxay ahayd, ” Durduro Geel Baa ku jabay, waynaan dareemine, dadka kii dhergaw daran. dilaal iyo malaal, iyo dibu socod-na waysaga” Tii uun baana taagan, ee horta yaa awliyo la isaga dhigi karaa? Saw la isma yaqaan? Dadku miyaanu kii uun ahayn?, Ma imikaa la ina abuuray? kuwan sidda ri’da sare ku qoran, baa illaah wax-ba u qarin, ee sidaa haw qaawanaa-deen rajo ma laha’e.

N.B Dad Kii Dhergaw Daran!
Qore:- Abdi-Shotaly
ashotaly5@gmail.com