Waxa jira fannaaniin badan oo qaada hal hees oo anbabaxday…W/Q Sakariye Awaare

Waxa jira fannaaniin badan oo qaada hal hees oo anbabaxday, oo sidaas kula tartamaya fannaaniin malaayiin heesood ku luqeeya dadkaas waxa ka mid ah, Maxamed Cali Burco oo ku leeqaya hees aad ugu hirgashay oo tidhaahda:


“Hadduu dhugato geel qabo
Ma dhadhammiyo geedaha
Wuu gadasho dhuubtaaye
Anna cudurkan igu dhacay,
Waa mid igu dhammaadoo
Ku dhadhabay aroos aan
Dhinaaca isi saarnnee,
Malaa

dhaayahaygaay
Calaf lagama dhuuntee
Dhakhtar baysu keen qoray
Adnna weli ma dhaaddanid”.
Weliba heestan fannaanku waxa uu ku soo helay qaab jaabojaabo ah oo jajab iyo guraangur ah, oo eray ba meel laga keenay. Sidaas ayuu kaalmaha hore kaga soo baxay barnaamijkii ‘Heesaha Hirgalay 1976-kii’.
Sidaas oo ay tahayna heestan Ina Cali Burco waxa uu kula dhigayaa fannaaniinta Soomaaliyeed ee tubeec leh ee Samatar leh ee hebel iyo heblaayo leh.
Marka intaas laga yimaaddo waxa aynu halkan ku soo qaadanaynnaa hees la nooc ah tiisan.
Waa xilli kala guur ah waa intii u dhaxaysay 1989-kii ilaa 1992-kii, dalku wuu burburay waana lagu kala calaf qaaday, waxa lagu dhawaaqay Soomaalilaand bal se waxa lafteeda ka oogan dagaallo sokeeye oo aad loogu le’day. Dadkii way kala qaxeen adduunyada baallaheeda ayaa loo kala haajiray, waxa kala fogaadey dad wada dhashay, walaalo isla dhashay iyo dad isu ahaa ma-huraan oo is xidhiidhin jiray. Dagaalladii waxa ay sababeen in ay kala irdhoobaan bulsho sidaas isugu dhafani. Dadkan is waayey ee dunida ku kala baahay waxa ka mid ahaa dad is jecel ama is qabay ama isu doonnan, oo aan kala maarmi karayn sina ba.
Wakhtigaas ma ay jirin isgaadhsiintan maqalka iyo muuqaalka ah midina. Dadkuna waxa ay ku wada xidhiidhi jireen Waraaqo iyo Cajalado la isu duubo oo muddo dheer ka dib la kala heli jiray.
Heestani waxa ay ku dhex dhalatay dal noocaas ah iyo xaalad kala war helistu ay adagtahay oo la odhan karo waa wakhtigii ugu habboonaa ee ay soo bixi lahayd.
Waxa aynu odhan karnnaa heestani waxa ay ka qayb qaadatay dib u dhiska maskaxeed ee dadka sidaa isugu boholyoobayey oo ay dad badani xilligaas ku nafiseen kuna daaweeyeen boogahooda ama ay cajalad ugu duubeen qof markaas kaga maqnaa qurbaha ama meel fog. Waxa qaadaysa Fannaanadda Ruun Xaddi Sabban.
Waxa ka mid ah erayadeeda:
“Qof dhoofoo aan iman
Dhibaatuu leeyahee
Wakhtigu wuu dheeryahoo
Dhulkuna wuu kala fogyee,
Dhaayuhu ma arkaan kolley
Naf meel dheer kaa jirtee
Dhambbaallada soo diroo
Dhegaha uun iga la soco,
Jacayl bay dhalan rogoo
Hurddana dhaafoo ka tegay
Habeen waan dheelmadaa
Dharaartii waan socdaa,
Dhab baan kuu jecelahoo
Dhammaan waaxyahayga iyo
Dhiiggaad ku abuurantoo
Guriyo aqal baan dhisaa,
Dhaayuhu ma arkaan kolley
Naf meel dheer kaa jirtee
Dhambbaallada soo diroo
Dhegaha uun iga la soco,”
Sidaas ayayna ku noqotay hees taabbo-qaad ah oo la jaan-qaaddi karta wakhtigeedii, kana turjumi karta dareenkii waayahaa jiray, kana mid noqotay heesaha Soomaaliyeed ee bulshadu isku dhaydo. Heesta iyo fannanadda qaadaysa waxa caansan in badan heesta sababtuna waa ilaa iyo heerka ay gaadhay dhegaha qof kasta oo Soomaaliyeed oo cidi ka maqan tahay ama isagu cid ka maqan.
Heestu markii ay ugu quruxda badnnayd ee la duubay waa markan oo aan odhan karo waxa ay heshay Jiib iyo Jaan. Markan waxa fannaanadda la qiiroonaya dad badan oo aan ka garanayo Weriye weyn oo ka tirsanaan jiray TV-ga Qaranka Soomaalilaand ‘Abiib Iimaan Xasan’.
Barnaamijkani waa habeen ciid ah 2013-kii TV-ga Qaranka SLNTV. Waxa soo saaray Abiib Imaan xagga Farsamayntuna waa Ahmed Mohamed Abdi(Ugaaska) Khadar Qorshe iyo Sharmaarke. Nasiib xumo waxa aanan garanayn Abwaankii Ereyadaas sameeyey. Taana waxa inoo sheegi doona. Ugaaska.