Marka Aynu Maqalno Erayga Qaaci Waxaynu Xasuusanaynaa…..W/Q Sakariye Awaare

Marka aynu maqalnno Erayga Qaaci, waxa aynu xusuusannaa fan iyo miyuusig aad u macaan oo naf kasta oo dhegaysata wax badan ugu filan, waxa kale oo aynu xusuusanaynnaa in uu hab faneedka noocaas ah ee Qaaciga loo yaqaanno uu allifay AHN hoobaalkii haladaygga iyo qiyamka sare lahaa ee Maxamed Mooge Liibaan.

Waa horraantii 1970-kii waxa dalka ka curtay Kacaankii Askartu hoggaaminaysay oo la soo galay dardar iyo degdeg waalan, meel kasta ha isku qaadeen e waxa ay Askartaasi xoogga saareen xaggii Fankii iyo Suugaantii bilaa xuduudda ahaan jiray, waxa ay gaadhay heer ay u laqimaan qofkii Heesaya ama Gabyaya

waxa uu odhan doono, taas waxa ay halbeeg uga dhigeen in wixii aan iyaga ammaanayn ama u guulwadaynayni ay yihiin xaaraan maqdac ah oo dalka iyo dadka iyo qarannimada inta ba meel ka dhac ku ah.
Waxa ay abaabuleen hoballadii wakhtigaas, iyaga oo u kala horraysiinaya sidii ay ugu kala dhego nugulaayeen taliska bal se uma ay eegayn hibooyinkooda iyo aragtidooda, intii hore waa la iska wada qiiraysnnaaye horraantii 1970-kii ayaa loo kala baxay dhuuni-raac iyo hoggaan-diid, waana labada nooc ee dadku kala ahaayeen ilaa Xaawa iyo Aadan, imikana kala yihiin, kalana ahaan doonaan ilaa iyo qiyaamaha.

Wax walba waa la yidhi:

“Cimrrigii jiryow
Caynaanka hay”

“Guulayseyaalow heedhaha
Golaha towraddee sare
Intay gaadhi karayaan”

“Markii ay gabnnow dee
Gaajada la hoyatee
Godol qaadi weydee
Gujo loogu darayee
Gobannimadu ooydee
Ilmo gabax ka siisay
Hubka soo gurteene”

“Tawradda tan barakaysan
Tallaabadii ay qaadeen
Dadweynaha tiisa daryeeshaay
Tamar iyo taag ba
Garabkiinnaan taagannahee”

Ilaa iyo ay gaadhsiiyeen. “Aabbow Siyaad, Aabbow Siyaad”… isaga oo aan dhalin iyaguna aanay isaga dhalin..
Waxa ay ka horyimaaddeen Aayad quraan ah oo ilaahay ku sheegay suuratul Axsaab.
Nabigu (CSW) waxa uu korsaday asaxaabiga keli ah ee Ilaahay Magaciisa quraanka ku xusay. (SAYD IBNU XAARIS). Dabeeto waxa loogu yeedhi jiray Ibnnu Muxamed, ilaahay oo reebaya in qofna qof aanu dhalin lagu sidko ayuu kitaabkiisa ku yidhi.
“Maa kaana Muxammadun abaa axadin min rijaalikum, walaa kinna rasuulu laahi wa khaatimu nabiyiin”.
Dadka Siyaad Barre lahaa ‘Aabbe’ uma ay haysan in ay danbaabeen ee waxa ay u haysteen in ay qaran dhisayeen, danbigaas ilaahay ha uga meel yeelo.

Sheekadu markii ay halkaas maraysay ayuu yaabay ninkii Maxamed Mooge Liibaan, habeen habeennada ka mid ah ayuu asaxaabtiisii oo dhan, Hadraawi, Cabdi-Qays, Xasan Qawdhan, Faysal Cumar iyo Fannaaniin badan oo magac lahaa ayuu ku ballamiyey guri uu ka degganaa magaaladii Muqdisho. Dabeeto waxa uu Maxamed Mooge ku qanciyey xertiisii in ay la dagaal galaan oo uu u hayo Fikrrad cusub. Waxa la weriyaa in habeenkaas hadalladii Maxamed Mooge ay ka mid ahaayeen kuwo nuxur ahaan u dhigan sidan:

“Sxbayaal waan ogannahay in Kacaanku wada xannibay goobihii aynu aragtideenna ka dhiiban lahayn, waxaan idiin sheegayaa adduunyada cidina cid ma cabbudhin karto, haddii la inoo diiday in aynnu fikirkeenna ku gudbbinno masraxyadii qaranka, waxa aan ka door biday in aynu araahdeenna, afkaarteenna iyo waxa aynu aaminsannahay ama hees ha ahaato ama khudbbad ‘e aynu ku gudbbinno fadhi, innaga oo fadhina gurigeenna in aynu cajalad ku duubnno sidaasnna ku gaadhsiinno ummadda Soomaaliyeed ee la kala jiidanayo”.
Raggii kale oo Hadraawi ugu horreeyaana way ku raaceen. Sida la sheego habeenkaas heesihii ragga Hadraawi ka mid yahay curiyay waxa ka mid ahaa heesta “Wacdaraha” ee markii danbe ka mid noqotay riwaayaddii Hadraawi ee Aqoon iyo Afgarad.

“Walaac anigoo ku seexday
Maxaan walbahaar la toosay
Wareer anigoo la liita
Maxaan werwer jiifi waayey
Maxaan shimbiraha waraystay
U dhiibay waraaq daboolan
Haaddii wacdigayga qaadday
Cid weeye tidhaahda waayey”, oo isla Riwaayaddaas aqoon iyo afgarad lagu soo bandhigay..

Waxa ka mid ahayd hees uu lahaa Cabdi-Qays.

“Abidkay ba waan jiray
Jab intuu dhacaayee
Waan joogay dunidan
Halkay laabtu jamatee
Jiilaalku ima karo
Iyo jidiin caddaadku,

Soo jiidh wanaagga
Ama oodda soo jebi
Dhaaxaan belo u joogee”. Oo aan filayo in Cabdi-Qays lahaa.

Hadda ba Sannadkii 2009-kii ayaan hargaysa isu raacnnay Abwaan Hadraawi, waxa markaas lagu qabanayey Barnaamij loogu magac daray (Mooge Festival). Waxa maalmahaas guuxaysay arrin khusaysa Miisaanka Maansada Soomaaliyeed oo u dhaxaysay Prof: Carraale iyo Abwaan Gaarriye, waa markii ugu horraysay ee aan maqlo sheekadaasna.

Galab xilligaas ka mid ah annaga oo Fadhina hudheel la odhan jiray (Fish And Steck) oo ku yaalley meelahaas imika uu yahay Hudheelka Marwo Aamino-Waris ee (Jirdde Hotel) ayaannu u nimid Abwaan Hadrraawi, waa aniga iyo Muhammad Sulayman. Waxa Hadrraawi la fadhiya nin u shaqayn jiray Idaacadda BBC-da Maxamed Ibraahin Macallimow, maalintaas waxa uu noo sheegay weriyahaasi in uu wado Barnaamij carruurta ah. Taas ka dib annaga oo goobtii fadhina ayaan Hadraawi weyddiiyey su’aal.

“Abwaan ninkii Maxamed Mooge bal waxa ugu weyn ee aad ku xusuusato noo sheeg”?

Hadraawi isaga oo aad u kacsan dareen ahaan ayuu noogu celceliyey eraygan. “Waryaadhaheen Maxamed Mooge waa ninkii aasaasay Qaaciga, haddaad ku maqasheen suugaanta ama fanka erayga Qaaci. Wuxuu ahaa ninkii allifay ee bilaabay markii Kacaanku masraxyadii iyo meel kasta oo dadka laga la hadlli lahaa xidhxidhay.” Dabeeto galabtaas aniga iyoMuhammad Suleiman iyo weriye Maxamed I. Macallimuu ayaa Hadraawi la qaadannay sheekooyin dhaadheer.