Connect with us

somalilandtoday.com

Raysal Wasaaraha Ingiriiska Theresa May Oo Lagu Soo Oogay Muushin Codka Kalsoonida Loogu Qadaayo.

focus

Raysal Wasaaraha Ingiriiska Theresa May Oo Lagu Soo Oogay Muushin Codka Kalsoonida Loogu Qadaayo.

(SLT-London) Raysalwasaaraha Ingiriiska , Theresa May ayaa xalay guuldaro siyaasadeed oo weyn la kulantay kadib markii Baarlamaanka Ingiriiska uu cod aqlabiyad ah ku diiday heshiiskii ay soo diyaarineysay 2dii sano ee lasoo dhaafay ee Brexit, wuxuuna xisbiga Mucaaridka soo gudbiyey in maanta xukuumadeeda loo qaado codka kalsoonida.

Dhamaadkii sanadkii hore ayaa lagu waday in Baarlamaanka ingiriiska codka u qaado heshiiska Brexit ee wadada u xaaraya in dalkaasi ka baxo Midowga Yurub, heshiiskaasi oo ay Ms.May gorgortan badan kula soo gashay dalalka EU-da ayey dib u dhigtay inay horgeyso Baarlamaanka, balse codkii xalay loo qaaday ayey 202 xildhibaan oo kaliya taageereen heshiiskaasi halka ay diideen 432 xildhibaan oo ay ku jiraan qaar kamid ah xisbigeeda Conservative party.

Hadii ay Ms.May ku guuleysan weydo codka kalsoonida ee maanta loo qaadayo ayaa keeni karta in la qabto doorasho cusub, balse waxaa la rumeysan yahay in qaar kamid ah xisbigeeda ee xalay ka codeeyey ay siin doonaan codka kalsoonida, arrintaasi oo badbaadin karta Theresa May inay xilka sii heyso.

Hogaamiyaha Mucaaridka Jeremy Corbyn (Labour Party) oo soo gudbiyey mooshinka xil ka qaadista Theresa May
In badan oo kamid xisbi xaakimka May ee kasoo horjeeda qorshaheeda ayaa dhanka kale diidan in la qabto doorasho guud oo ay awooda kula wareegi karaan xisbiga Mucaaridka ah ee Labour Party.

Xiisada Brexit ayaa dhinaca kale saameyn ku yeelatay dhaqaalaha iyo maalgashiga dalkaasi, waxaana si weyn hoos ugu dhacday qiimaha lacagta wadankaasi.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top