Falanqaynta Doorashada Putland ee Bari ka dhacaysa

Puntland waxa ka dhacaysa Doorasho u muuqata inay ka duwan tahay kuwii hore, waayo waagii hore tartanku wuxuu dhexmari jirey oo qudha dadka ku dhaqan deegaanada Qardho, garoowe iyo Kaalkacyo, haddase waxa bedelay oo culays ku soo kordhiyey Dr:Cali Ciise oo ka soo jeedda gobolka Sool.

Labaatan musharax waa isku beel, halka hal musharax beel qudha tahay, taasina waxay fursad u tahay Cali Ciise oo ay badhitaarayso dawladda dhexe ee Soomaaliya oo iyadu siyaasad ka wadata.
Wakhtigii hore musharaxa ay taageeraan xildhibaaanada ka soo jeeda Sool iyo Badhan ayaa guulaysan jirey, hadde xaaladu sidii hore way ka adagtay, oo musharax walba marka xildhibaanka

reerkiisu u codeeyo waxa xaga wareega labaad u gudbaya hadba beesha saamiga xildhibaanada ku leeyihiin badato ama dhaqaale badan galiya.
Musharaxiinta madaxweynenimo waxay badankooddu yihiin wasiiradii wakhtigii Madaxweyne Faroole, waagasi waxay ahayd wakhtigii ugu dhaqaalaha badnayd Puntland, waayo waxa jiray budhcad badeed iyo la dagaalanka argagixisada, dhaqaalaha ugu badana waagaasi bay heleen musharaxiintan hadda ugu awoodda badan, wayna haystaan dhaqaale ay ku kasban karaan xildhibaanadda.

Sidoo kale, dhamaan musharaxiintu waxay ku midaysan yihiin sidii ay meesha uga saari lahaayeen cabdiwali Gaas, inkastoo dadka yaqaan Cabdiwali Gaas ku tilmaamaan nin bakhayl ah oo aan lacag bixin, hadaysa waxay u muuqataa inuu qasnada dawladda furo oo uu xildhibaanadda ku iibsado, waana dariiqa kaliya ee u banaan ee uu wax ku kasban karo.

Caqabadaha haysta Gaas waxa kamid ah, waxa si weyn uga soo horjeedda madaxweyne Faroole oo wadda olole ka dhan ah Gaas, taas oo uu meesha kaga saari karo maadaama oo uu ka khibrad badan yahay kana siyaasisan yahay Gaas.

Caqabada kale ee haysta waxa weeyi dadkiisu ma taageersana inuu soo noqdo waayo wax badan kama qaban baahiyaha dadka, waana wakhtigii ugu adkaa ee ay maraan oo gaadhay in askarta iyo shaqaalaha kalaba loo waayo mushahar la siiyo, waxa kale oo uu dagaal adag kula jiraa dawlada dhexe ee Soomaaliya oo isaga khatar ku haysta, sidaa darteed, fursadda uu ku soo bixi karaa way adag tahay.

Musharixiinta kale ee tartamaya qaar wasiiro soo maray iyo qaar shirkado ganacsi ka shaqayn jirey oo qaarkood ururada islaamiga ah ka mid ah ayey iskugu jiraaan, in badan oo ka mid ahi waxay hore ugu guuldaraysteen tartamo hore oo madaxtinimadda puntland ah oo qaarkood markii saddexaad sharaxan yihiin, waana suurogal in sida gudoomiyaha cusub ee Baarlaamaanka oo isna saddex goor oo hore xilkan isku taagay oo maanta ku guulaystay inay iyaguna ku guulaystaan iyo in sidii lagu yiqiinay ay ku hadhaan labaduba waa suurogal.

21 musharax waxa ugu cadcad shan musharax, kuwaas oo kala ah madaxweynaha hadda 1. Cabdli Gaas, 2. musharax Siciid Cabdullaahi Deni oo mar musharax madaxweyne ka noqday dawladda fadaraalka Soomaaliya balse aan guulaysan, siyaasadana ka gaadhay xildhibaan iyo wasiir.

  1. Cali Caaji Warsame oo 2014-kii musharax ka ahaa Puntland, inkastoo markii dambe codadkiisii ugu deeqay Cabdiwali oo ay isku deegaan yihiin, waa nin ganacsade ah oo maamule ka ahaa shirkada Isgaadhsiinta Golis laguna tiriyo inuu ku jira ururada islaamiga ah ee Islaax, waxaana isaga lagu tilmaamaa in taageero ka helaya dawladda dhexe ee Soomaaliya.
  2. Musharax Cali Ciise Cabdi waa nin aqoonyahan xaga dhaqaalaha ah waxaana lagu bartay markii ugu horeysay maamulkii uu Khaatumo ee ay wada sameeyeen isaga iyo Cali KHaliif, waxaanu dagaal ka dhexeeyey Puntland, waxaanu si kadis ah maalmo ka hor ugu dhowaaqay inuu musharax yahay, waa in oday ah oo dhaqaalana wata suuragal tahayna inuu wareega ugu dambaysa soo gaadho mar hadii uu deegaankiisa kaligii ka sharaxan yahay.
  3. Maxamuud Khaliif Jabiye waa nin ganacsade ah oo qurbo joogna ah, siyaasada caan kuma aanu ahayn, balse waa nin lacagtiisa u huraya inuu galiyo sidii uu ku soo bixi lahaa.

W/Q: Barkhad-ladiif Mohamed Omar