Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Donald Trump Oo Ku Hanjabay In Uu Qaadi Doono Tallaabo Aad U Weyn

focus

Madaxweyne Donald Trump Oo Ku Hanjabay In Uu Qaadi Doono Tallaabo Aad U Weyn

(SLT-Washington)-Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu ku dhawaaqi doono xaalad qaran oo deg deg ah, si uu u billaabo dhismaha darbiga xadka Mareykanka iyo Mexico, isagoo aan ansixin ka helin aqalka wakiillada ee Koongareeska.

Aqlabiyadda aqalka Koongareeska ayaa gacanta ugu jirta xisbiga mucaaradka ah ee dimuqraaddiga, iyagoo kuraasta ugu badan ka helay doorashadii xilliga dhexe ee dhacday 6-dii bishii Nofembar.

Dhawaaqa cusub ee ka soo yeeray Trump ayaa yimid ka dib markii uu kulan la yeeshay saraakiisha sar sare ee xisbiga Dimuqraaddiga, kuwaasoo ku gacan seyray codsigiisii ahaa in loo fasaxo dhaqaalaha lagu dhisi lahaa darbigaasi.

Ismari waagan ayaa sabab u noqday in Mr Trump uu ka gaws adeygo ansixinta hindise sharciyeedka dhaqaalaha guud ee hay’adaha dowladda, isagoo shuruud uga dhigay inuu helo kharashka lagu dhisayo darbiga xuduudda.

Wuxuu sheegay in uu u diyaar garoobay sidii ay sannado u sii socon lahayd xannibaadda kala bar ka mid ah howlaha dowladda, oo hadda ku jirta isbuucii saddexaad.

Qiyaastii 800,000 oo ka mid ah shaqaalaha federaalka ayaan wax mushaar ah la siinin tan iyo 22-kii bishii Disembar.

Qareennada iyo shaksiyaadka kale ee ku dhow madaxweyne Trump ayaa la filayaa iney kulan yeeshaan galinka dambe ee maanta oo sabti ah, si ay uga arrinsadaan xaaladda.

Maxaa dhacay ka dib markii uu madaxweynaha Jimcadii la kulmay siyaasiyiinta Dimuqraaddiga?

Madaxweynaha ka soo jeeda xisbiga Jamhuuriga ayaa markii hore rajo wanaagsan ka qabay kulanka 90-ka daqiiqadood qaatay oo ka dhacay aqalka Cad , wuxuuna sheegay inuu yahay mid ay “natiigo wanaagsan ka soo baxeyso”.

Hase ahaatee xaaladdu ma noqon sidaas, saraakiisha Dimuqraaddiguna way diideen dalabka madaxweynaha.

“Waxaan ku dhawaaqi karnaa xaalad qaran oo deg deg ah waxaana u dhisi karnaa si dhakhso ah. Waa laga yaabaa inaan sidaas sameeyo. Waa jid kale oo noo furan”, ayuu yiri Mr Trump.

Madaxweynaha ayaa intaas ku sii daray; “Aad baan ugu faraxsanahay inaan sameeyo waxa aan sameynayo, uma aqaanno xannibaadda howlaha dowladda, waxaan u aqaannaa inaad sameyso waxa aad ku khasban tahay oo ay dan ugu jirto amniga dalkeenna”.

Afhayeenka aqalka Koongareeska, haweeneyda lagu magacaabo Nancy Pelosi ayaa sheegtay in kulankii dhacay Jimcadii uu ahaa mid la ogaa inuu “muran ka dhalan karay”, halka hogaamiyaha xildhibaannada Senate-ka ee xisbiga Dimuqraaddiga Mr Chuck Schumer uu isagana yiri “Waan u sheegnay madaxweynaha inaan u baahan nahay sidii ay dowladda ku sii shaqeyn lahayd, laakiin wuu ka soo hor jeestay”.

Trump ma ku dhawaaqi karaa xaalad qaran oo deg deg ah?

Waxaa shaki la galinayaa in Madaxweyne Trump uu ku dhawaaqi karo xaalad qaran oo deg deg iyo in kale.

Tallaabo noocaasoo kale ahna waxay horseedi kartaa in madaxweynaha uu mucaaraddo kala kulmo xisbiga uu kasoo jeedo qudhiisa, waxaana dabcan loollan lagu galin doonaa dhinaca maxkamadaha.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top