Dr. Cali Ciise Cabdi Oo Murashaxnimadiisa Madaxweynaha Puntland Si Wayn Looga Dareemaayo Muqdisho Iyo Garoowe

(SLT-Garoowe) Dr. Cali Ciise Cabdi oo ah aqoonyahan dhaqaalaha ku takhakhusay kana soo jeeda Gobolka Sool, dhawaana shaaciyay inuu kamid yahay murashaxiinta u taagan jagada Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa si xawli ah oo aan hore loo saadalinayn waxa u xoogaystay awoodiisa murashaxnimo.

In kasta oo dadbadani saadalinayaan in Aanu jagada murashaxa Madaxweynaha ku soo bixi doonin siyaasigan Rer Sool hadana waxa hadal hayntiisu ku xoogantahay magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe, iyadoo warar hoose sheegayaan inay wadato Xukuumadda Soomaliya iyo Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Si kasta oo ay tahay waxa la ogaan doona halkay ku danbayso rajada Dr. Cali Ciise Cabdi maalmaha inagu soo aadam.