Connect with us

somalilandtoday.com

Itoobiya Oo Ku Raad Joogta Madaxi Hore Ee Sirddoonka Dalkaasi Iyo Warqad Lagu Xidhayo Oo Loo Jaray

focus

Itoobiya Oo Ku Raad Joogta Madaxi Hore Ee Sirddoonka Dalkaasi Iyo Warqad Lagu Xidhayo Oo Loo Jaray

(SLT-Addis Ababa)-Mas’uuliyiinta dalka Itoobiya ayaa warqad lagu xidhayo u jartay madaxi hore ee sirddoonka dalkaasi, Getachew Assefa.

Waxaa jiraa warar soo baxaya oo ah in lala xiriirinayo xadgudub dhanka xuquuqda aadanaha ah.

Getachew ayaa ahaa madaxi sirddoonka Itoobiya ka hor inta uusan xilka qaban ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

Abiy ayaa horraan ballan qaaday in saraakiishii ku tumatay xuquuqda aadanaha lala xisaabtamayo.

Kalfadhigii baarlamaanka Taladaadii, xeer ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya Birhanu Tsegay ayaa ku eedeeyay maamulka Tigreega inay qarinayaan Getachew oo uu sheegay inuu halkaasi ku dhuumaaleysanaya.

Ninkan ayaa kasoo jeeda qowmiyadda Tigeerga.

Qaar kamid ah shacabka iyo siyaasiyiinta Tigreega ayaa ku eedeeyay dowladda Itoobiya in iyagu ay bartilmaameedsaneyso.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top