Sooyaalka Golaha Guurtida. W/Q: Cali Cabdi Coomay

Taariikhda Koowaad: Aasaaskii golaha guurtidu waxa uu ahaa 1983, qaybta galbeedka SNM waxa ay lahaayeen odayaal SNM ka tirsanaa oo ka soo talaabay dawladii Maxamed Siyaad oo ay ka mid ahaayeen Suldaan Saxardiid, Gabax, Maxamed Iimaan iyo Xaaji Yaaxeen. Odayaashaa waxa wakhtigaasi loo bixiyay tiknikada Sacad Muuse. Dhinaca bariga waxa joogay odayaal kala duwan oo kale, balse aan soo tallaabin oo joogay deegaanadii Xuduuda ka baxsanaa guurti ahaan SNM ugu adeegi jiray, hasayeeshe golaha guurtida waxa uu shirkii koowaad ka bilaabmay magaalada Xarshin isla sannadkii 1983, shirkan waxa uu Kornayl Maxamed Cilmi Galaan oo ka tirsanaa saraakiishii sare sare ee ciidankii SNM wuxuu ka xasuustaa odayaaashii ka qayb

qaatay Suldaan Faarax, Suldaan Saxardiid, iyo Sheekh Khaliifa, markaa tiradooda waxa uu ku qaiyaasay 13-15 Xubnood, Maxamed Cilmi Galaan oo shirkaasi fadhiyey wuxuu sheegay in Maxamed Siyaad wakhtigaasi hubeeyay beelaha Daarood ee ku dhaqnaa deegaanada ay SNM deganayd.
Shirkaasi wuxuu Maxamed Cilmi ka sheegay khatarta ay arrintaasi leedahay iyo in uu doonayo in uu rasaas siiyo qaar ka tirsan beesha Daarood oo toos u diiday in ay hubka u qaataan SNM, hasayeeshe guurtidii way ka diiday oo waxa ay kula doodeen inuu arrinkaasi joojiyo, waanu joojiyay, halkaasi ayay golaha guurtida ka soo unkatay, shirkii kale ee ugu weynaa ee ay ku kulmeen guurtidu wuxuu ka dhacay Rabaso sannadkii 1985, shirkaasi waxa gudoominayay Prof Ibraahin Maygaag Samatar AHN.

shirkaasi waxa lagu sameeyay xeer Isaaq markii ugu horeysay, kaasi oo lagu xakamaynayo beelaha Isaaq ee halganka ugu jira sidii ay dalkooda u xorayn lahaayeen kibirka Maxamed Siyaad, qoddobada shirkaasi ka soo baxay way badnaayeen oo intooduba waxa ay salka ku hayeen inuu Isaaq halganka meel uga soo wada jeesto, waxa ugu cuslaa qoddobadaasi in ninka Isaaq ee nin kale oo ka tirsan beesha Isaaq ee u dhiiba Maxamed Siyaad ay magtiisu noqoto libin laab (200 halaad), markii shirka xeerarkaasi lagu dejiyay waxa meesha ka baxay in aan qof Isaaq ah loo dhiibin askartii Maxamed Siyaad arrintaasna way soo afjarantay. Kornayl Maxamed Cilmi Galaan wuu nool yahay dhawaana waxa soo bixi doonaa buug isaga laga diyaariyey.

Taariikhda Labaad: Bishii sebtember ee sannadkii 1984-kiiayey SNMku guulaysatay in ay dhidibbada u taagto Golihii Guurtida ee ugu horreeyey. Sida ku qoran Buugga dhaxal-Reeb Horaad (2007) Bogga 152ee uu qoray Boobe Yuusuf Ducaale. Qoraa Boobe waxa uu soo xiganayaa waraaq uu qoray Prof. Ibraahim Maygaag Samater oo ciwaankeeda la yidhaa “light at the end of the tunnel”oo uu diyaariyey sannadkii 1993-kii laguna daabacay Buugga la yidhaa” Mending Rips in the Sky”, wuxuu kaga warramayey fikir la tijaabinaayey oo ahaa in kaalin weyn la siiyo madaxdhaqameedyada, culumada iyo odayaasha in ay noqdaan Go’aan-qaatayaal madax-bannaan oo la siman isla markaana la fal-gala heerarka kala duwan ee rasmiga ah ee dhismaha SNM.

Waxaana wakhtigaa lagu go’aamiyey in la sameeyo golaha guurtida oo la siman golaha dhexe ee SNM oo ahaa golaha sharci dajinta ee SNM ,qaababkaasi ayaa lagu aasaasay golaha guurtida ,isla goobtaasina waxa lagu unkay seeskii guurtida ,madaxdhaqameedkii iyo salaadiintii ka qaybgalay unkiddii golaha guurtida waxa ka mid ah Suldaan Saxardiid, Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, Xasan Faarax Ducaale (Xasan-Badmaax) Axmed Liibaan (Gabax) , Cabdi-Laangadhe, Jaamac Gaabane , AxmedMuuse Haaruun ,Dhugad, Sheekh Khaliifa Iyo Qaar Kale Oo Badan), shirkaasi waxa lagu go’aamiyey in sannadkii hal mar la qabto hogaankana lagu wareejiyo isla markaana shirweynaha 2aad lagu qabto qabto Rabaso oo ay beesha halkaasi deggeni mart-geliso.

Taariikhda Saddexaad:sida ku xusan Buugga Dhacdo iyo DhaqanBogga 206 ee uu qoray Cali Dool Axmed “Qoryooley” , Markii ay shacabkii Soomaalilaan ka qaxeen dalka horaantii sannadkii 1988-kii, ee xuduudaha ay ka gudbeen, una talaabeen gudaha Itoobiya ayey madax-dhaqameedkii, culumadii iyo odayaashii reer Sheekh Isaxaaq (ISAAQ)talo ku caddaatay oo dhinac kastaa ku soo xidhantay, dabadeed waxa talo isugu yimid odayaal badan oo uu hormood u yahay Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf ayna ka mid ahaayeen Sheekh Axmed Sheekh Nuux Furre iyo qaar kale. Odayaasha uu hoggaaminayo Sheekh Ibraahim waxa ay socdaalkooda ka bilaabeen tuulada Dibiile, waxaanay soo mareen dhamaan goobihii ay u kala qaxeen dadweynihii magaalooyinka Soomaalilaan gaar ahaan Hargaysa, Burco, Berbera, Ceerigaabo, Gabiley, Oodwayne, Sheekh iyo qaar ka mid ah kuwii ka soo qaxay tuulooyinka. weftiga Sheekh Ibraahim waxa ay tageen xeryihii qaxootiga mid galbeed ilaa bari sida Dulcad, Balayaley ,Janeefa ,Kaam Abokor, Daroor, Raaboso Iyo Gaashaamo.

Odayadan Sheekh Ibraahim horkacayo xero kasta oo qaxoonti ku jiro way tagayeen waxa ayna kula kulmayeen, Wax Garadka ,Culumada Iyo OdayaashiiJoogay Xeradaasi waxa aanay kala hadlayeen in la isugu yimaado talo oo shirwayne la qabto cid kastana way la qaadanaysay markii ay gaadheen kaam abokor iyodaroor waxa weftigaasi ka soo raacay Caaqil Cabdi-waraabeiyo odayaal badan. Odayaashii weftiga ahaa sidii nin kastaa uga soo raacayey tuulooyinkii iyo xeryihii qaxootiga ee uu caruurtiisaa geeyey ayey noqdeen xubno fara badan.

Taariikhda Afraad:sida ka muuqatay taariikhda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wakhtigii ololaha, wuxuu ahaa fikirkii iyo bud-dhigihii aasaasihii golaha Guuritda bishii Diisambar ee sannadkii 1988.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@hotmail.com