Madaxweyne Muuse Waa Markii Imisaad Ee Uu Ku Wacad Furro Xisbiga Mucaaridka ah Haddana Uu Sawir Lagallo

Waxaa ugu Horeyntii Loo Balansanaa Arbacadii Toddobaadkii hore Taas, oo loo balamay in Si Dhab ah la isugu Yimaado Fadhi lagaga Arinsanayo Arimihii Doorashooyinka Dib-udhicii ku Yimid iyo Murankii Arintii Xiisada abuurtey ee Komishanka Doorashooyinka oo Xisbiyadda Mucaaridka ahi Dalbadeen, in Guud ahaanba La baddelo Komishankan halka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Xukuumadiisuna u arkeen in taasi Xisbiyadda Mucaaridka ahi ujeedo kale ka leeyihiin, laakiin Waxa uu la galey Sawir Dhawaan Markii uu Kasoo Noqdey Socdaalkiisii Gobolada Barri.

Inkastoo, ay Xisbiga Wadani ee Mucaaridka ahi Run Moodayeen, gogoshii uu Madaxweyne Biixi u Fidiyey Si Xal looga gaadho Muranka Doorashada haseyeeshee, aaney

Fahmin ujeeddada Sawirada lagaga galo Siyaasiyiinta iyo Khiyaanooyinka ay ujeedo ahaan Madaxtooyaddu ka Dhigatey Siyaasadda, kuwaas oo Bulshada lagu majara habaabiyo islamarlaana, Madaxweynuhu ka Dhigtey Mawduuc uu Ku Khiyaamaynayo Cid kasta oo uu U arko in ay khatar ku hayso Geedi socodkiisa Siyaasadeed Mana aha Xisbiyada oo Kaliya Sawirkani ee Waxaa kujira Siyaasiyiinta Xataa Xisbiga Kulmiye iyo Kuwa kaleba,Sida Kii u Dambeeyay ee uu Lagaley Maxamuud Xaashi.

Waxaana Sawirka Kulanka had iyo Jeer lagu baahiyaa Barta Facebook iyagoon Faafaahin in La Kulmey ah Mooyee aan Wax kale Ku Lamaanayn Inta la ogyahey Kulankan Loo Balansanaa Waxa Dib Loo Dhigay Tiraba Laba Jeer iyaddoo loo balansanaa Arbacadii Toddobaadkii hore Su,aasha isweydiinta lihi,Waxa weeyi Maxaa Dib-loogu dhigay Kulankaasi? Waxaa Dib Loogu Dhigay Dad badan ayaa garanaya Waayo Waxa ay Madaxweyne Biixi iyo Xukuumadiisu ka Shaqeyneysay in Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe oo Isagu Xisbigaasi u haysta Danihiisa gaarka ah loogu Qancin lahaa in uu Qaato Kharashkiisa kadibna Ogolaado oo Kulmiye ku Taageero in aan la badelin Komishankan Madaxweyne Biixi ku Dhagan yahey Sidaasayna u Dhacdey Xaqiiqdii ama ay U dhaceysaa Maadaama Sida Muuqata Kulankii Dhawaan lagu Khiyaamaynayay Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani oo isagu meel adag ka taagnaa Komishanka Doorashooyinka ee hadda jooga.

Sikastaba ha ahaatee haddii Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xukuumadiisu kujiraan Mudo Xileedkooda oo dhan Khiyaamooyinka noocan ah Miyaan la odhan karin Waxa ay Somaliland iyo Jiritaankeeda ku Yihiin Khatar Sabab u Noqon doonta Qarax kalifa in Dalku ku Noqdo Marxalado Laga Soo Gudbey oo dhaawac ku Keena Sumcad ahaan iyo Talaabo ahaanba Sidoo kalena, Aamin darro weyn oo Beesha Caalamka ah albaabka usii Fureysa taas oo ay kaga lib heli Doonto Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyadeeda aan Habayaraatee Soo marin Geedi Socodka Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka ay kaga Duwaneyd dalalka Geeska Afrika intooda Badan iyo Soomaalidaba. Waxa ay Arintai Dhaawac ku tahey Boqolaalkii Qof ee Muwaadiniinta ahaa ee Sugayay Doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo Doorashada Deegaanka ayaa Rajadoodii Halkaa ku burburtey, Waxaanay Sabab u tahey Mustaqbal Madaw oo Somaliland Xukuumadani dhabaha ugu jeexday

Najiib Ismaaciil Maxamed
Gabiley Somaliland
Tell:0634466339