Yaa Ka Danbeeyay Dabayshii Soomaali Weyn? C/raxmaan Hayaan

Dadkan reer soomaaliya ee maanta laga fadhiyi la’yahay ee meel walba la taagan soomaali weyn baanu doonaynnaa iyo Somaalilaan yaanay naga tagin, waxay ahaayeen dadkuu ugu necbaa ama ugu yaraan aan dank a lahayn in shanti soomaaliyeen meel iskugu yimaaddaan.

Fikradda soomaali weyn waxa markii u horraysay 1948kii ka dhawaajiyay wasiirkii arrimaha dibadda ee Ingiriiska ee wakhtigaasi oo la odhan jiray Ernest Bevein. Bevin ayaa shirkii qaramada midoobay ee isla sannadkaa ka soo jeediyey talo ah in loo ogolaado dawladda Ingiriiska inay dhulka ay degan yihiin Soomaalidu uu hoos yimaado gumeysigii Ingiriiska, maadaama oo ay gacanta ku hayaan afar qaybood oo Soomaali degto. Wakhtigan wuxuu Ingiriisku

gacanta ku hayey Soomaaliya oo uu ka qabsaday Talyaaniga, Soomaalida Kiiniya, Soomaalida Itoobiya iyo Soomaalilaan oo hal meel laga maamulo. Arrintaasi uu soo jeediyey wasiirku waxa markiiba ganafka ku dhuftay dawladdii Midowga Soofiyadka, oo Igiriiska ku eedeesayey in uu ballaadhsanayo dalalka uu gumeysto. Dabadeed Qaramada Midoobay ayaa oggolaatay in guddi ka kooban afar dawladood ay tagaan Muqdisho, si ay u soo ogaadaan waxa ay dadka Soomaalidu rabaan.
Kulannadii Ay Guddidu La Yeeshay Soomaalida

Guddigii ay soo direen Qaramada Midoobay ayaa u ambabaxay dhinacaa iyo magaalada Muqdisho , waana fursaddii ugu fiicnayd ee soo marta dadka af-soomaaliga ku hadla ee deggan geeska afrika. Weftigii ayaa ka degay Muqdisho, waxaana loo diyaariyey inay la kulmaan weftiyo ka kala socda meelaha ay Soomaalidu degto, sida Soomaaliya, Soomaalilaan iyo Soomaalida Itoobiya, balse waxa weftiyada laga reebay Soomaalilaan iyo Soomaalida Kiiniya. Xubnaha weftiga Soomaalilaan ka socday waxa ay ahaayeen,

Ismaaciil Naxar,

Dubbde Cali-yare,

Suldaan Cabdilaahi Suldaan Diiriye,

Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye

iyo Suldaan Maxamed Suldaan Faarax.

Weftigii Soomaalilaan ka socday waxa markiiba u muuqatay in aanay siyaasyiinta Soomaaliya dan ka lahayn fikirka Soomaaliweyn. Cabdilaahi Ciise iyo xisbigii SYL ayaa kulan la yeeshay weftigii qiimaynt Soomaaliweyn, waxa aanay u sheegeen inay doonayaan in dawladnimadooda la siiyo sida Liibiya. Weftigii ka socday Soomaalida Itoobiya oo uu hogaaminaayey Maqtal Aw Daahir waxa ay weftiga u sheegeen inay doonayaan inay ku sii hoos jiraan Boqor Xayle Salaase xukunkiisa. Weftigii ka socday xisbigii Digil iyo Midhifle oo uu hogaaminaayey Cabdiqaadir Soobe waxa ay weftigii u sheegeen inay doonayaan in maamul gaar ah la siiyo, oo Soomaalida kale aanay waxba la qaybsan. Weftigii ka socday Qaramada Midoobay ee ka koobnaa afarta dawladood ayaa dib ugu laabtay magaalada NEW YORK, iyaga oo ku qancay in Soomaaliya iyo Soomaalida Itoobiya aanay haba yaratee doonayn ama aanay dan ka lahayn Soomaaliweyn.

Wixii intaasi ka dambeeyey Ingiriisku wuxuu qaaday tallaabooyin uu kaga hor imanaayo danaha Soomaalida Geeska Afrika. Sidoo kale dawladaha reer Galbeedku may oggolayn damaca Soomaaliweyn, iyaga oo ka cabsi qabay inay xasillooni-darro ku abuuri karto geeska Afrika. Tallaabooyinka Ingiriisku uu kaga horyimid danaha Soomaalida waxa ka mid ahaa markii uu wareejiyey dhulkii” HAWD and RESERVE AREA” una gacan geliyey Boqor Xayle Salaase, dhinaca Soomaalida Kiiniya wuxuu ka qaaday afti, waxa aanay u codeeyeen inay 80% raacaan Soomaali, balse wuxuu raaciyey Kiiniya.

Siyaasiyiinta Soomaaliya may aaminsanayn fikirka Soomaaliweyn, balse riyada Soomaaliweyn waxa ay ka dhiman weyday dhinaca abwaanada iyo dadweynaha kale. Waxa sidoo kale fikirka Soomaaliweyn aaminsanaa shacabka ku nool Soomaalilaan iyo Soomaalida ku nool Kiiniya.

Siduu Soomaalilaan ku soo galay dareenka Soomaaliweyn?

Sida uu madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal laga hayo dabaysha soomali weyn waxa somaali laan keenay oo u sabab ahaa laba muwaaddin: Marxuum Ismaaciil Naxar iyo Marxuum Cumar Maxamed Cabdiraxamaan(Cumar dheere). Ismaaciil naxar waxa uu ahaa nin ganacsade ah oo somalilaan u dhashay balse ganacsiyo waaweyn ku lahaa Somaaliya, waxaanay shuraako ahaayeen marxuum Ina Uun laaye oo ahaa ganacsade reer Xamar ah iyaga oo wada lahaa shirkad gaadiid waqtigii dalwadda Ingiriisku ay wada xukumi jirtay dalalka geeska afrika kadib dagaalkii labaad iyaga oo gaadkiidkoodu u kala gooshi jiray dhulkaas weyn.

Ismaaciil naxar waxa uu u guuray Xamar markii la kala jaray mustacmaraddii boqortooyada midowday(UK) ee geeska Afrika, waxaana soo baxay hadal hays ah “ Hargeysaay Ina Naxar ba kaa socoy!” waxa uu dib u soo noqday markii xornimaa Soomaaliya soo dhawaatay, isaga oo u ololaynaya soomali weyn waayo maslaxaddiisa ayaa uu ka dhex arkay iyo in ganacsigiisu sii kobco

Cumar Maxamed Cabdiraxmaan (Cumar dheere), isagu waxa uu ahaa macallin afka carabiga ku gabya oo raad weyn ku lahaa dadka wax bartay, wakhtigaas oo afka carabiga aad loo jeclaana waa la xiisayn jiray gabayadiisa iyo heesaha Soodaaniga ah. Wakhtigaa waxa Somaliland ka jiray saddex Xisbi oo kala ahaa NUF(National United front), SNL( Somali National League) iyo USP( United Somali Party) oo ku tartamayay ololaha soomaali weyn. Sannadkii 1964kii ayaa Cumar dheere, oo ka soo jeeday kililka shanaad ee Itoobiya laga doortay Hargeysa xisbi la odhan jiray oo uu ka mid noqday Baarmaankii Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxa uu yidhi: ‘labada nin markay noo yimaaddeen ayaa Jibbadan Soomaali-weyn dadkii gashay oo ay na jiidhay’.

C/raxmaan Hayaan.

cbdrxmngeni@gmail.com

Tixraac.

Danjire Xuseen Cali Ducaale” Cawil”…….Raad-Raac Taariikh Soomaaliyeed(2016).

“Maxamed Siciid Gees” Dharaaro Xuusuustood.