Cilmiga Hoggaaminta: Axmed Xiis

‘Hoggaamiye looma baahna; waxa muhiim ah xisbi xoogan’ Sidaa waxa qabay hawl-iyo-hanti waddaagii burburay. Shiinaha ayaa wali ku dhaqma aragtidaas.

Qof waliba waa hoggaamiye; haga nagtiisa. Sida waxa ku dooda kuwa neceb dawladnimada ee rumaysan aragtida odhanaysa: Qof waliba naftisa ha hagaajiyo – Anarchism.

Basharka intiisa badan waxa ay rumaysan yihiin: Hoggaamiye waa lagama maarmaan. ‘Horumar kasta oo ummaddi ku talaabsato, waxa horseeda hoggaamiye’. Waa aragtida ugu xooggan ee tageersan jiritaanka hoggaamiyaha.

Hoggaamiyuhu hadaba waa kee? Laba tafsiir ayaa ay saraan khuburadda wakhtiga galiyey qeexidda hoggaamiyaha.

Dhalasho ha noqdo hoggaamiyuhu amaba barasho’e; waxa ay ka siman yihiin, mar walba in qofka hoggaamiyaha noqonaya, laga hello

callaamado tirsan oo u gaar ah hoggaamiyaha, sidda:

Garaad
Feejignaan
Masuulliyad
Hal-Abuur
Kalsooni
Adkaysi
Dad ururin

Dadka aragtidaa qaba, waxa ay sawiraan hoggaamiye quwi ah.

Aragti kale ayaa jirta oo odhanaysa hoggaamintu waa hawl; hawl isbedbedel badan. Hoggaamiyuhu waxa xuddunta kaga xidhan yahay hooyadda oo ah dadka uu maamulayo.

Hoggaamiyaha waxa abuura dadka uu maamulayo. Jaamacadda Michigan iyo ‘Ohio State University’ iyaga oo ka duulaya aragtida isku ladhaysa hoggaamiyaha iyo raaciyiinta waxa ay soo saareen laba qodob oo hal-bawle u ah madaxtinimada, kuwaas oo kala ah:

Hawsha la qabanayo
Xidhiidhka dadwaynaha.

Labada qodob waxa ay hoggaaminta la mataneeyaan cilmiga maaraynta. Maarayn ayaa noqonaysa furayaasha dhaqaajinaya hawl kasta oo uu rabo hoggaamiyuhu in uu ku talaabsado sidaa daradeed hoggaamintu kuma koobmayso sifooyin la barto ama lagu dhasho.

Hoggaamintu waa dhalan-rog uu qof ku sameeyo qofaf kale caaddooyinooda la xidhiidha qiyamkooda nololleed. Hoggaamiyaha qeexista leh – Transformational Leader – waa kan ugu sareeya dunnidda hoggaaminta.

Hoggaamiyahan waxa lagu baadi-soocdaa dhawr qodob:

Aragti – Vision
Qiyam – Values
Charisma – Awood Rabaaniya.
Qeexistan waxa ay galbeedka ka shaac qaaday 1990. Saddexdan hoggaamiyaha isku darsadaa, waa mid qooya quluubta raaciyiintiisa – followers.

Haddaba haddii aynu qeexnay hoggaamiyaha haybadda leh. Su’aasha soo baxaysaa waxa weeye sidee ayuu hoggaamiyahaasi uga midho dhaliyaa hiraalkiisa?

Maarayn ayaa aynu kor ku xusnay in ay tahay furayaasha dhaqaajiya hiraalka hoggaalinta ha-yeeshee, nolosha ayaa ay caaddadeed tahay kac oo kuf. Nin ayaa hadda ka hor laga soo xigtay: Hoggaamintu waa wax iibin, wax iibintuna hadal bay rabtaa, sidaa daradeed hoggaamintu waa hadal.

Insaanku waa noollaha xayawaanka kale dheer wax-is-waydiinta hadalka ku dhisan. Xidhiidhku waxa uu noqon karaa ereyo la is dhaafsado; waxa uu noqon karaa is-fahan maskaxeed ama fariimo la isugu gudbiyo xubnaha jidhka.

Luuqad ayaa jirta ka duwan hadalka ay ku hadlaan basharka caaddiga ahi; lahjadan waxa ay madaxdu isticmalayeen tan iyo maalintii Nabi Muuse ‘cs’ ALLAH ‘swt’ ka codsaday in walalkii Haruun ‘cs’ uu uga dhigo ‘speechwriter’ ka caawiya toosinta ummadda iyo gudbinta kalmadda tolmoon.

Waxa aynu xal ka gaadhnay mushkiladii: Waa kuma Hoggaamiye.
Waxa aynu abuurnay mushkilad kale: Luuqadda Hoggaaminta!

Axmed-xiis Dharbaan
Nantes France
dharbaan00@gmail.com