Connect with us

somalilandtoday.com

Maaha In Buug La Gubo

Articles

Maaha In Buug La Gubo

Inkastoo ay lama huraan tahay in dhaqanka iyo sharafta ummadda la ilaaliyo, waxyaalo hore loo yidhi oo deelqaafa ku ah qof ama beelna aan qoraal la gelin, haddana maaaha in lagu taliyo oo ay dhaqan noqoto in buug la gubo. Inkasta oo aanan buugga akhriyin, sida aan warka ku hayo, qoraaga buugga “Soyaal” wuxuu dood cilmiyeysan ka furay taariikh hore

oo qofba si u haysto. Murakana waxa keenay tusaaleyaal uu soo qaaatay oo uu ku adkeynayao doodiisa. Qoraagu ma gabyin, buuguna kuma saabsana gabayo qabiil ama hablo sharaf mudan hore loogu aflagaadeeyey, wuxuuse soo qaatay tusaalayaal xoojinaya doodiisa, taasoo shakhsi ay qoraaga is hayaan si khaldan u isticmaalay si uu u abaabaulo kacdoon ka dhan ah qoraaga ay is hayaan iyo buuggiisaba.

Waa wax runtii aad looga naxo in odayaal ku taliyaan in buugga la gubo oo weliba ay soo jeediyaan inaan la qori karin buugaag ay ku jiraan gabayo hore loo toriyey oo qabaail lagu af lagaadeynayo. Shirkadaha daabacada ayay tahay ijay hubiyaan waxa buuga ku qoran inta aanay daabicin. Haddiis ay dhacday inay daabaceen buug ay dadka qaar dhibasdeen waxay ahayd in buugga la geliyo “restricted circulation” oo aan bulshada loo soo bandhigin oo meelo gaara lagu hayo, waxa dhici karta in jiilaasha soo socdaa ka fiideystaan nuxurka guud ee buugga ee aanay macno badan u samayn waxan hadda laga cabanayo ee tusaale ah. Xal maaha .noqonmayso buug la gubay, waxayse horseedi doontaa dhaqan xun oo liddi ku ah horumraka fikirka iyo dood curinta. Inkastoo aanu golaha guurtidu goaan rasmi ah kasoo saarin gubitaanka buugga ee ay talo soo jeedin ay odayaal guddi ahi soo jeediyeen, haddana soo jeedinta laftigeeda ayaa saamayn leh. Odayaashu waxay ku fiicanayd inay yidhaahdaan buugga ha laga saaro inta laga cabanayo oon ka badnayn toban sadar, qoraaguna waa inuu raali gelin siyaa ciddii ka cabatay buugga, laakiin maaha in buuga la gubo oo weliba la yidhaaho waxa loo gubay qayb ka mid ah gabay uu qof aflagaadoonayaa hablo sharaf leh kula dul kufay oo tusaale loo soo qaatay.

Waxa kale oo iyana werwerkeeda leh war uu soo saaray wasiirka cusub ee waxbarsahadu oo uu ku mamnuucay furitaanka iskuulada gaarka loo leeyahay, oo runtii ahaa mishiinka wada waxbarshada dalka. Ma waxaynu galnay xilli aqoonta lala dagaalamayo. Arrintan ha laga fiirsado wasiirkana ha loo caqli celiyo.

Abokor Baruud
Baruda2006@gamil.com
baruda2006@gmail.com

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top