Connect with us

somalilandtoday.com

Annaguba shalay…W/Q Barkhad Maxamed Kaariye

Articles

Annaguba shalay…W/Q Barkhad Maxamed Kaariye

Waa maalintii u horreysay ee aan war ka doono golaha Wakiillada Somaliland oo markaas fadhiyadoodii u horreeyay lahaa. Qiyaastii dhawr bilood ayay xilka hayeen. Sidaan hugunka u raacayay ayaa anigoo baalla-daymoonaya galay hoolkii shirka ee mudanayaashu fadhiyada ku lahaayeen. Wuxuu ahaa dhisme qaddiim ahaa oo wakhtigaa ay fadhiyada ku qaban jireen. Marka laga soo galo albaabkii jihada koonfur-galbeed, dhinaca ugu dhaw ee bidixda waxa uu ahaa kaabaddii sare ee Shirguddoonku fadhiisan jiray. Midigta waxa kaa qabanayay taaggii (Stage) ay mudanayaashu ka hadli jireen wakhtiyada ay doodaha dhiibanayaan.

Sidaan u socday baan kuraas halkaa ka soo jeeday oo saf ku jira aan fadhiistay! Waxa wakhtigaas

safkaas fadhiyay laba nin. Hareeraha ayaan eegay, waxaan arkay in kuraasta kala yar sarraysa la fadhiyo. Buug yar oo aan sitay iyo qalin baan la soo baxay! Waxaan dareemay in labada nin ee dhinacyada iga fadhiyaa eegmo la-yaab i eegayaan! Mase u joojin ee qoraal baan iska bilowday! Meel qumaati toos ah oo kaabadda shirguddoonku saaran yahay hoosteeda ah waxa fadhiya oo saf ku soo jiray dhawr qof oo aanan garanayn waxay qabanayaan wakhtigaas! Nin aan goorahanba arkayay oo hadba dhinac noo dhaafayay baa ii yimi; “Ma saxafi baad tahay?” ayuu i waydiiyay isagoo doonaya inuu isqabadsiiyo da’dayda iyo mihnaddayda! “Haa” ayaan ugu jawaabay. “Xaggeed ka socotay?” ayuu ii celiyay. “Wargeyska Ogaal” ayaan ku idhi. Dabadeed inta uu garabkayga bidix gacantiisa saaray sidii uu ii yeedhayo, ayuu ii raaciyay, “Haddaba soo kac, halkani waa halkii Xildhibaannada’e, saxaafaddu halkan bay fadhiisataaye!” Markii hore waan naxay, haddana waxaan u bogay sida asluubta leh ee aan dhawaaqa lahayn ee uu wax iigu sheegay. Degdeg baan u raacay, dabadeed meel halkeer ah ayuu i fadhiisiyay kursi yaallay. Waxa fadhiyay nin aananu is-garanayn wakhtigaas, markii dambe se aannu isbaranay oo saxafi ahaa. Maalintii laga bilaabo halkaygaas waan la haystay in saxaafaddu fadhiisato! Waxaan u guntaday maalintaas laga bilaabo inaan dhismaha golaha, xildhibaannada magacyadooda oo saddexan iyo gobollada laga soo doortay, habshaqada golaha iyo wixii kale ee la xidhiidha aan barto.
-Labada nin ee aan dhex fadhiistay markii dambe ee aan kala bartay waxay noqdeen Xildhibaan Aadan Tarabbi Oogle (Allahaa u naxariistee beri dambe dhintay) iyo Xildhibaan Maxamed M. Cumar-Xaashi.

  • Ninka i saxay ee sida wacan ii soo dhaweeyay wuxuu ahaa; Siciid Jirde Haybe Jire, wuxuu ka mid ahaa hawlwadeennada Golaha Wakiillada ~ wali ma illoobo.
    -Ninkaannu is-agfadhiisiga ku jaarnay ee markii dambe isbaranay wuxuu ahaa Saxafi Maxamed Axmed Sagax.

Aniguba shalay! #Aqoonkorodhso #Anigubashalay

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top