“Falaqaynta Kulanka Wajaale Ee Biixi Iyo Cagjar “Proff Cabdi Cali

Muxuuu Daaran Yahay Shirka Wajaale.

Haddii qiyaastaydu sax tahay bal aan shiisho waxay ka wada hadlayaan:

1- wararkii sirdoonka mareykanku siiyeen Mustafe Cagjar ee ahaa rag baa joogaa Somalialdn iyo Puntland, kuwaasoo hawlaga qarxin ah u soo maleegaya Jig-jiga; waxaynu ognahay in Mustafe Cagjar hadalkaa si u kas ah uga baahiyay Media-ha; isla waqtigaa waxa ku sugnaa Jig-jiga safiirka Mareykanka ee Addis fadhiya, kaasoo u hoyday jig-jiga dhawr habeen.

2-arrinka shidaalka; waxa jirta in in badan shidaalkeenu ka yimaaddo kilinka shanaad, gaar ahaan intii haamaha ay la wareegtay dawladdu; taasoo dawladdun ay dhawaan ku soo rogtay cashuur ka badan ta haamaha Berbera waxay Somaliland doonaysaa in lag caawiyo joojinta shidaalkaas; haddaba su’aahsu waxa weeye marka Monopoly gaas yaa loo xidhayaa?; xogo badan ayaan ka hayaa arrinkaas; waynu faalayn doonaa inshallahu.

3-inta aanay Somaliladn la kulmin ina Djibouti, waxa la rabaa in Somaliand la kulanto kilinka shanaad, taasoo qayb ka noqonaysa isku xidhka wixi la odhan jiray Somali oo dhan; markan waxaynu u shaqaynaynaa sidii substation siyaasadda Djibouti ee shirkii Djibouti lagu qabtay; mawqifka Somaliland ee arrinkaasina waa beerka jecli xaydh jecli.

Cabdo; wargeyska mufakirka siyaasadda Geeska.