Connect with us

somalilandtoday.com

Jilaa Maraykan Ah Oo Filim Ka Sameynaya Dilkii Wariye Jamal Khashoggi

focus

Jilaa Maraykan Ah Oo Filim Ka Sameynaya Dilkii Wariye Jamal Khashoggi

(SLT-Washington)-Jilaaga Maraykanka ah ee hore ugu guuleystey abaalmarinta Oscarka Sean Penn ayaa bilaabay inuu filim ka sameeyo dilkii Jamal Khashoggi ee lagu dhex diley qunsuliyada Sacudigu uu ku leeyahay magaalada Istanbul dalka Turkiga horaantii bishii Oktoobar ee sanadkan.

Sean Penn oo ay weheliyaan koox ka kooban toban ruux oo ay ka mid yihiin ilaalo gaar ah ayaa lagu arkay iyagoo jooga afaafka hore ee dhismaha qunsuliyada Sacudiga ee magaalada Istanbul sida ay shaacisay wakaalada wararka ee Anadolu.

Sidoo kale jilaaga ayaa lagu arkay afaafka hore ee dhismaha uu ka degenaa magaalada Istanbul qunsulka Sacudi Carabiya.

Jilaaga ayaa lagu wadaa in uu la kulmo gabadhii u doonayay inuu guursado Khashoggi ee Hatice Cengiz sida laga soo xigtey wargeyska taageera dowlada Turkiga

Penn ayaa waxaa uu soo jiitey indhaha caalamka kadib markii siyaasadda iyo arrimaha caalamka ee socda uu aflaam ka sameeyay,waxana lagu xusuustaa isaga iyo aktarada Mexican-Americanka ah ee Kate del Castillo markii ay wareysi ka qaadeen ninka caanka ku ahaa ka ganacsiga daroogada ee u dhashay dalka Mexico Joaquin “El Chapo” Guzman weliba xilli la baadigoobayay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top