Hagar Daamada Uu Sababo Markasta Oo Uu Madaxweyne Biixi Qasriga Dibada Uga Soo Baxo, Iyo Saamaynta Jidadka Loo Xidhaa U Gaystaan, Bukaanka, Hooyada Foolanaysa Iyo Dadka Kaleba

(SLT-Hargeysa)-Inkasta oo Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi maalmihii ugu horreeyey ee uu xilka Madaxtinimo la wareegay dhaqdhaqaaqii uu Madaxtooyada kaga soo baxay dhawr jeer oo ay ku jireen markii uu safarkiisii ugu horreeyay ugu baxay waddanka Jabuuti dadweyne badani ku diirsadeen in aan wax waddooyin ah loo xidhin muddada Madaxweynuhu marayo jidadka Caasimadda Hargeysa haddana waxa ay taasi waxba kama jiraan noqotay oo xaaladdu sidii hore ku noqotay muddooyinkii dambe kadib markii Madaxweynuhu dib u raacay dariiqii Madaxweynayaashii hore loogu xidhi jiray jidadka marka uu marayo arrinkaasi oo dadku dhib badan ku qabaan.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi mar uu shalay oo Arbaca ahayd ka qayb galayay shirkii Dhaqdhaqaaqa Haweenka Somaliland ee lagu qabtay Huteel Maansoor ee Caasimadda Hargeysa waxa dhibaato weyni shacabka ka qabsatay markii jidadka Madaxtooyada illaa Jigjiga yar mara mar kali ah ciidamadu xidheen taasi oo dhibaato weyn ku noqotay isu socodkii iyo dadkii jidadkaasi isticmaalayay kuwaasi oo gabi ahaanba mudadii uu Madaxweynuhu marna sii socday marka soo socday hakad galay, wakhti ku beegnayd saacadaha waddooyinka Magaaladu ugu mashquulka badan yihiin.

Arrintani waxa ay in badan shacabka xasuusisay sida dadku ugu dhib qabeen ee ay mar walba uga caban jireen marka Madaxweynayaashii kala dambeeyey ee Somaliland jidadka marayaan oo gabi ahaanba jidadka u dhaw iyo kuwa ay marayaanba loo xidhi jiray. Waxa la filayay in wax badani iska baddali doonaan hab-dhaqankaasi gurracnaa ee shacabku khaatiga ka taagnaa balse waxa ay noqotay xaajadu ‘Ka Dar oo Dibi Dhal’, markii xaajadu shalay mar kale noqotay oo Madaxweynaha loo xidhay jidadka Madaxtooyada, Jidka dambe ee dhakhtarka dabadiisa mara illaa laga gaadhayo gooladda Huteel Guuleed oo ay isaga darsamaan labadan Jid illaa waddooyinka mara xaafadda Jigjiga yar oo uu ku yaallo Huteel Maansoor kuwaasi oo gaadiidkii marayay ciidamo Boolis ah oo degdegsani si xawli leh u joojinayeen amarna ku bixinayeen in gaadhi waliba jidka ka baxo.

Wariye ka tirsan Wargeyska FOORE oo goob ku ahaa halka ay isaga darsamaan labada Jid ee Gooladda Huteel Guuleed ayaa la kulmay Guuxa, hoonka gaadiidka ciidamada nabadgalyada waddooyinka, iyo sawaxanka askarta oo ahaa kuwo ku cabsi galinaya markii Madaxweynuhu marna ku sii socday shirka uu ka qayb galayay marna ka soo socday ee uu ku soo guryo noqonayay aqalka Madaxtooyada, taasi oo keentay in gaadiidkii waddooyinka mari lahaa isku jiq noqdaan saxmad agweed kuwo kale oo dano kala duwan u socday oo ku degdegsanaa hawlahoodana sidaa wakhti badani kaga lumo iyaga oo gabi ahaanba la hakiyey jidadkaasi.

Guud ahaan Siyaasiyiinta Afrikaanka ah ayay caado u tahay marka ay xilka bannaanka ka joogaan in ay ku baaqaan in ay wax badan ka baddali doonaan hab-dhaqannada qaldan ee markaasi u muuqda ee ay ku arkaan madaxda kuraasta ku fadhida balse marka ay iyaga laftoodu xilalka sare yimaaddaan ay ku dhaqmaan sidaasi iyo si ka sii daran waana hannaanka uu shalay u muuqday Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo markii uu siyaasiga bannaanka jooga ahaa ka hadli jiray in badan dhibta ay gaystaan Madaxda kuraasta ku fadhidaa gaar ahaan hab dhaqankooda.

“Waxa laga yaabaa in aanu Madaxweynuhuba waxba kala socon arrinkan iyo in waddooyinkan loo xidho ee ay yihiin shaqaalaha kale iyo ciidamada kuwa sidan samaynayaa” sidaa waxa yidhi nin oday ah oo Wargeyska Foore kula kulmay afaafka hore ee Huteel SABA ee Magaalada Hargeysa oo jidka Huteelkaasi hor maraa muddo u xannibnaa soo maritaanka Madaxweynaha.