Somaliland intii ay jirtay, waxa wada shaqayni ka dhexeeysey nidaamkii hore ee maamulayey Ethiopia…W/Q Faarax Cigaal

Marka wada shaqayni laba dawladood ka dhexayso, had iyo jeerna la xidhiidha iskaashi dhinacyo badan taabanaya, sida amaanka iyo nabad-gelyada,dal waliba wuxuu xooga saaraa In u dalka kale la wadaago xogaha sirdoonka wixii carqalad ku ah nabadgelyada wadanka kale.

Somaliland iyo dawlad dhexe ee Federaalka Ethiopia waxa muddo dheer ka dhexeeyey xidhiidho kala duwan oo isugu jira ganacsi, is dhex galka bulshada, waxbarashada iyo amaanka.

Waxaynu og nahay In isbedel balaadhani ka hir-galay Ethiopia dhinaca hogaanka nidaamka dawlada dhexe, oo wax weeyn ka bedelay ama ka qorshe duwan nidaamkii ka hanaqaaday burburkii nidaamkii keli taliska ahaa ee Mingistu.
Hogaanka cusub ee Ethiopia wuxuu xooga saaray in uu si weeyn oo muuqata wax uga bedelo jihadii mamulkii ka horeeyey, maamulkii hore wuxuu saamayn badan ku laha isbedelo ka socday geeska Afrika In ku dhow sodon sanadood.
Hogaanka cusubi wuxuu ka saaray talada hogaanka cusub, madaxdii hore (chief architect ee soo dhistay qorshaha hogaan qarran ee Ethiopia, kuwaas oo xidhiidh muuqda iyo mid qarsoonba la lahaa Somaliland iyo mandaqada guudba.
Hogaanka nidaamkii hore waxa ku dulmanaa qoomiyado badan, waxa loo tiriyaa In uu gacan ku lahaa deganaansha darada mandaqada.
Hadaba muxuu noqon doona xidhiidhka cusub ee ka dhexeeyn doona maamulka cusub ee Ethiopia iyo Somaliland?
Arragtida hab dhaqanka siyaasadeed ee maamulka cusubi waxa ka muuqata, arragti aad uga duwan tii hore, waxa cad oo muuqatada arragtida siyaasadeed ee hogaamiye Abi Ahmed iyo qorshaha siyaasada federaalaka Ethiopia gudaheeda iyo siyaasada ka dhaqanka wadamada jaarkooda ah.
Isku xidhka wadamada geeska iyo ilaalinata iyo ixtiraamka madax banaanida waddamada (sovereignty) jaarka Ethiopia la tahay, oo ah jid ka duwan qorshihii xukuumadihii ka horeeyey.
Waxa arintana cadayn u ah xidhiidhka cusub ee sadex-geeska ah Ethiopia, Somalia iyo Eritrea oo aad la isugu soo dhoweeyey iyada oo waxna lagu wadda socdo, hadana wadana aanu wadan kale faragelin saamayn ku yeelata qaranimadooda ku yeelan wadan kale.
Arintani laba siyoodba saamayn ayay Somaliland ugu yeelanaysaa, mida kowaad, weli maamulka siyaasadeed ee Somaliland, waxa jooga hogaankii wada shaqayntu ka dhexeysey maamulkii hore ee Ethiopia, ta labaad suura gelimayso in xidhiidhkii soo Jireenka ahaa ee u dhexeeyey labada dal si socdo, oo waxay ka hor imanaysa heshiisyada siyasadeed ee Ethiopia la gashay Somalia.
Dabcan, waxa mar walba sii jiri doonta oo mar walba Ethiopia ku khasban tahay in xidhiidh dhinaca sirdoonka iyo amaanka ay la lahaato Somaliland madaama labada wadan leeyihiin xuduud, ganacsi iyo isu dhowaansho (close proximity), waana dan joogto ah oo mar walba baahideedu jiri doonto.
Arintani waxay taagnaan doonta mudo kooban, sida aynu ognahay Somalia waxa ku soo food leh doorasho loogu magac daray (one man one vote 2020).
Arintani waxay saamayn ku yeelan doontaa heshiiskii labada hogaamiye Abi Ahmed iyo Farmaajo ee ku qotomay in wadana wadanka kale arimihiisa gudaha faragelin muuqata iyo mid qarsoonba ku yeelan.
Farmaajo shacabka Somaliyeed ogolaansho (mandate) buuxa kama haysto oo may dooran, waxa keli ah ee uu haystaa waa ogolaansho baarlamaan, oo ah halka laga soo doortay, arrinta koobaad ee loo doortay ayaa ah, in xukuumadiisu masuuliyada kowaad tahay, sidii nabad looga abuuri lahaa dhamaan gobolada Soomaaliya oo dhan, si loo gaadho oo loo qabto doorasho hal qof hal cod iyo hogaan ogolaansho ka haysta shacabka Soomaaliyeed.
Arintani waxay ka marag furi doontaa in Somalia iyo Somaliland yihiin laba waddan oo aan shuqul isku lahayn, waxay reebi doontaa sheegashada Federaalka Soomaaliya sheegato Somaliland, halkaa waxa ka soo bixi doona in Ethiopia xidhiidh cad la yeelan doonto Somaliland, dabcan Ethiopia laftigeeda waxa wakhtigaa ku soo fool leh doorasho, balse la filayo In loo dooran doono Abi Ahmed hogaamiye.
Xidhiidhka siyaasadeed ee Somaliland iyo Ethiopia wuxuu soo shaac bixi doona si cad oo (public) ah u soo bixi doona wixii ka danbeeya 2020.
Arintani waxay kale oo iftiiminaysaa in wax dan siyaasadeed oo Somaliland ugu jirta in la sii wado wada hadalada Somaliland iyo Somalia aanay jirin, sababta kowaad oo ah, In xukuumada Farmaajo aanay ogolaansho ka haysan shacabka iyo nidaamka federaalka Soomaaliyeed maadaama aan madaxweeynaha lagu soo dooran rabitaan shacab, sidaa daraadeedna xukuumadiisu aanay awood dastuuri ah u lahayn In xukuumadiisu go’aan ka gaadhi karto arrimaha kala go’a labada dal.