Connect with us

somalilandtoday.com

Xog:  Qaar Ka Mid Ah Qodobadii Ugu Cuslaa Ee Ay Maxweyne Biixi Hordhigeen Oday Dhaqameedka Ceerigaabo Iyo Ceel-Afweyn Oo Si Gaar Ah Isha Loogu Hayay

focus

Xog:  Qaar Ka Mid Ah Qodobadii Ugu Cuslaa Ee Ay Maxweyne Biixi Hordhigeen Oday Dhaqameedka Ceerigaabo Iyo Ceel-Afweyn Oo Si Gaar Ah Isha Loogu Hayay

(SL-T Ceerigaabo) kulamadii xasaasiga ahaa ee Madaxweyne Muuse Biixi la yeeshay Odayaasha, Wax-garadka iyo Aqoonyahanka Degmooyinka Ceel-Afweyn iyo Ceerigaabo mudadii uu ku sugnaa Gobolkaasi safarkiisii Toddobaadkan ayaa waxa noo suurto gashay in aanu xogo rasmi ah ka helno

natiijada qodobadii ugu shishlaa ee kulamadaasi lagu soo qaaday ee ay labada dhinac ka wada hadleen.

Kulamo gooni gooni ah oo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Uu Magaalooyinka Ceel-Afweyn iyo Ceerigaabo kula qaatay Wax-garadka iyo Odayaasha Beelaha deegaamadaasi ayaa inta badan nuxurka qodobadii laga wad hadlay waxa ay ku salaysnaayeen xaaladaha siyaasadeed iyo wadciga dalku wakhtigan marayo iyo gaar ahaan waxa ay sida gaarka ah u tabayeen beelaha uu odayaashooda kulamadaasi kula qaatay ee ay door bidayeen in ay kala hadlaan oo ay sii diyaarsadeen.

Markii haddaba Madaxweyne Muuse Biixi ka soo laabtay safarkii uu ku tagay Gobolka Sool iyo gaar ahaan jiidda hore ee ciidamada qaranka waxa uu toos ugu gudbay Gobolka Sanaag isaga oo cagtiisa koowaad ku negaaday Degmada Ceel-Afweyn oo uu u dhaxay, maadaama Degmadaasi oo ahayd Degmo xaaladdeeda siyaasadeed iyo dhaqan dhaqaaleba muhiimad gaar ah u lahayd safarka Madaxweynaha.

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu Magaalada Ceel-Afweyn kula kulmay odayaasha iyo wax-garadka Beesha Galbeedka Sanaag oo ay isku wajaheen kulan xasaasi ahaa oo wax badan labada dhinas is dhaafsadeen waxaana ajandayaasha kulankaasi naloo xaqiijiyey in ay ka mid ahaayeen Mustaqbalka Xisbiga KULMIYE, Amar Madaxweynuhu odayaasha ku siiyay in ay degdeg ugu soo qabtaan ninkii gaystay dilkii ugu dambeeyey ee Deegaanka Ceel-Afaweyn ka dhacay kadib heshiiskii la isla gaadhay iyo sidii ay dhinacooda uga dhammays tiri lahaayeen axdigii iyo ballantii lagu galay qodobadii shirkii nabadaynta Beelaha reer Ceel Afweyn. Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu kulankaasi ka gaws qabsaday wareejinta Mustaqbalka xisbiga KULMIYE oo uu ku sheegay in xisbiga KULMIYE yahay mid qaranku wada leeyahay oo ka baxsan mid laba beelood is waydiisan karaan isaga oo ku soo hal qabsaday qaabkii uu ku hantiyey Guddoomiye-nimada xisbiga KULMIYE ee uu ugala wareegay Axmed Siilaanyo isaga oo sheegay in isaga iyo Siilaanyo wakhtigaa shakhsiyan ka siyaasiyiin ahaan isku ogolaayeen balse aanay ahayn wax laba beelood isku waydaarsadeen lahaanshaha xisbiga KULMIYE Arrinkaasina yahay mid siyaasi ah oo xisbiga gudihiisa u yaalla Mustaqbalka sida uu wax u dhiganayo.

Dhinaca kale haddaba markii Madaxweynuhu tagay Magaalada Ceerigaabo ayaa Ilo-wareedyo u dhuun daloola kulan uu Madaxweynuhu kula qaatay Degmada Ceerigaabo odayaasha iyo wax-garadka beesha Habar Yoonis ayaa waxa ay noo xaqiijiyeen in ay labada dhinac ku naaqisheen qodobo dhawr ah oo ay labada dhinac danaynayeen waxaana ugu muhiimsanaa Xaaladda Nabad gelyo ee Gobolkaasi, xoojinta heshiiskii nabadeed ee Gobolkaasi ka dhacay, Fulinta qodobadii heshiiskaasi, Jabhadda Caarre, Saami qaybsiga xukuumaddiisa ee Beeshaasi ku aaddan iyo waliba adeegyada ay xukuumaddu ugu talo gashay deegaamada beeshaasi.

Dhinaca kale xogahani waxa ay Wargeyska Foore u xaqiijiyeen in Odayaasha Beeshu ay Madaxweynaha ka dalbadeen in uu degdeg u sii daayo Axmed Cadib ooh ore loo xidhay iyo in ay iyagu ka dhaqan ahaan wax ka qaban doonaan Arrinka Kornayl Caarre. Labada dhinac ayaa la sheegay in ay si weyn kulankaasi iskula fahmeen dhammaan qodobadii ay ka wada hadleen.

Source Wargayska  Foore

 

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top