Sii Durugtay Xaajadu ( Abdi-Shotaly).

Degma-deenu burburtoo, damiin aan wax garan iyo imikaa askari degay, digtoonawdu soctaa, dig-taas uun ku jira bay, dabuub-tiisi noqotoo, waxa loo dig leeyahay, kala didi dalkoo idil, xaaraan daldalo oo, ku shaqayso duuf-laal, aan doocna garnayn, sii durugtay xaajadu, digashaynu ku jirnaa, dalkii waa la qayb-saday, ìna diiday duniddii, denbigaa askarigaa, dumadiisa ay tahay, isagays dabraayoo, caqli-qiisu waa dame, dibaa looga sheekayn, hadaan dooxa lagu xidhan, dib u joogso lagu odhan. Maqaal-kani wuxu ku socdaa muwaadi-niinta reer somaliland, intii aan reer hebel ku durbaan tumayn, ee jecel in ay Somaliland noqoto dal jira, oo u daacadda ah ummad-doodda. aan hoos u daadego oo taabto halka ay salaadu ka

xidhmi la’dahaye, wuxu yidhi ( IHN) Cabdilahi suldaan Timacade, ” Duulkii inkaar qaba jinaa daasadaw tuma’e” Waa taas loo kala ab-tiriyey shicibkii, ee iniba gees looga baaqaayo. ku bas beeshay tallo askari ee dirgan la’, bad-weyn dhex-deedda kula degtay dooniddii, cid ka saartana ay weyday, madaxa ku soconaysa, afartii waax-yood-ba midba gees u dhaqaaqay,gacmahii dabarka lagu xidhay, indhi-hiina laga riday, ee hadeer geeri go’anka taagan, cid u maqan iyo ceel u qodani mid-na aanu jirin, ka ay caawin lahaana waa adiga, ee badbaadin lahaa, laakiin waxad ka door biday, beenta lagugu dhaqaayo iyo maxaa runta loogu sheegayaa, ka aanu isku reerka nahay, wuxu doono ha sameeyee, ee waa su’aale yaa dhib ku qaba?

Caamir waa saleelo’e, anaa haatan caymadiye, bal amuurtan u fiirsadda, adba waad yaabi doon-taaye. Ka puntland badhisaabka ka ahi, ee indhaha kala jeedda lihi, waa kay ugu yeedhaan ina cali gaase, hore wuxu u tegay, una qaatay, oo uu si wacan oo xarago leh u goostay, qayb wadan-keena ka mid ah, cid juuq ka tidhina aanay jirin, xildhi-banaano mooyaane, weli maamulka asakrigu nuu iyo naa kama odhanin. ninka hor-joogaha ka ah maamulka majeerteenku, wuxu shirkii wasiirada-diisa ku qabsaday Badhan, weliba wuxu ka dhisayaa Xarunta golihiisa wasiiradda, taasi way ku deysay, cid ka hadal haysaana ma jirto ama hadal haysaa, oo adoo nool buu askarigu hadiyad u bixiyey dhul-keenii. Hadda waxa uu ku sii darsaday oo uu yimi Dhahar oo uu iskaba degay, isaga oo aan cid-naba wax iskaga tirinayn, buu dhoola tus iyo yaa igu haysta ku tegay, waana runtii, oo waa taas maamulka askarigu ka baqay in uu erey qudha ka yidhaaho, farsamo kale-ba ha sii joogtee, saw xaalku maaha murtiddii ahayd ” Fartu diidaye ma fulaa dhaqay”. Allay-lehe, inteedaan ku sugay aradka gaaroodi, in maalin-ba-malainta ka dmbays jeex ka mid ah dal-keena cadw sii goosto, yaase u fududeeyey?, waxa weeye jawaabtu waa askarta meesha ku shuraa-kawday, oo iyaka aanay wax ka gelin, jeebka ka buux-sadda mooyaane. Talo waxay ka noqotay oo keliya, iska ad-keeya arimah gudaha oo yaan meel la idiin soo maro la helin iyo siddii ay kursiga u xejisan lahaayeen.

Askarigani markuu tegay goboladda bari, wuu ku dhici waayey in uu qabto Badhan iyo dhahar, waayo waxa joogay Ka puntland haysta, fulaynimo iyo baqdin awgeed buu dabadda soo geliyey Ceerigaabo, oo dhibiga baa loo qorey, kumana dhaco in uu tago, ilayn dan-tiisa maaha, oo waxba kama gelin wixii la qaadanaayo’e, isaga waxa u daran, sidee baad dhaqaale aad urursato u heshaaye. Intaas oo keliya maahee, Gobolka Saylac kala badh baan ku jirin gacan-teena, oo ka jabuuti iska yeeshay, cid ku haysatana haba sheegin, wax maamul iyo talo ah, oo aynu ku leenahay-na ma jirto. Gobolka Buuhoodle isna waa tegay, oo xataa maleeshi-yaadka jeegaantu ma tegi karaan, mana dhaafi karaan Coodinle, oo waa lagaa muquuniyey, isna wuu go’ay wuxu ku darsamay Puntland, maamul-koodda baa gaala-baxaaya hadh iyo habeen, waxa halkaa ina dhigay, keenay-na in la ina qaybsado waa maskaxdda askarta, oo ay shaqa-doodu noqotay mid-ba mid ku dir, oo intii lagugu soo jeesan lahaa, iyaka iska hor keen, ha iska laalaadeen, idina ka dhex xoog-sadda. Geenyo shaaximan ( Ka gudahu), 17 maalmood ka bacdi, baa wuxu is yidhi gaadh aaggii ay labadda beelood ee Reer Sool dirirtu ku dhex martay, markii uu ogaaday in madax-weynaha Kiilka Shanaad uu u fidiyey gogol nabad raadin ah,wax uu sameeyo hadal-koodda daayoo. Wuxu qoraal-kani ku soo af go’ayaa. ummad-yahay, haddii aad tashan waydaan, waa la idiin talin, waxay ku socotaa imika xamar , oo waataas la inaga xidhay safaaraddii Kiiniya, itoobiya, jabuutiye,

N. B Caamir Waa Saleelo’e, Anaa Haatan caymadiye.

Qore:- Abdi-shotaly.

ashotaly5@gmail.com