(SLT-Muqdisho) Ra’iisul Wasaaraha Dalkaasi Soomaliya Xasan Cali Kheyre ayaa amaro ku soo rogay dhammaan Golihiisa Wasiirada, isagoo faray in ka hor dhamaadka bisha December ay dhameystiraan howlaha uga harsan qorsho howleedka sanadkan sii dhamaanaya ee 2018.
Kulankii shalay ay yeesheen Golaha Wasiirada oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha ayaa diiradda lagu saaray qorshe howleedka sanadkan iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in Wasiir walba soo dhameystiro howshiisa.