Connect with us

somalilandtoday.com

Halkee Ayuu Salka Ku Hayaa Khilaafka U Dhexeeya Wasiirka Maaliyadda Iyo Xisaabiyaha Guud, Mase Banaan Tahay Inuu Wasiirku Faro Galin Maamul Ku Sameeyo Xafiiska Xisaabiyaha, Keebaa Khaldan?

focus

Halkee Ayuu Salka Ku Hayaa Khilaafka U Dhexeeya Wasiirka Maaliyadda Iyo Xisaabiyaha Guud, Mase Banaan Tahay Inuu Wasiirku Faro Galin Maamul Ku Sameeyo Xafiiska Xisaabiyaha, Keebaa Khaldan?

(SLT-Hargeysa)-Khilaaf culus ayaa ka dhex aloosan Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Somaliland Axmed Daa’uud iyo Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi kaasi oo salka ku haya arimo door ah oo dhinaca shaqada ah kaasi oo gaadhay heer Madaxtooyo, islamarkaana meel walba ka dhacay oo illaa hadda loo maare laayahay.

Xogoha Wargeyska Foore helay oo lagu baahiyay Shabakada Wararka ee Caroog.net ayaa daaha ka rogtay in Marka hore uu Xisaabiyaha Guud ee Qaranku Axmed Daa’uud uu warbixin ka sameeyay hoos u dhaca Miisaaniyadda Qaranka oo aad hoos ugu sii socota islamarkaana laga shaki qabo inay fashilanto odoros miisaaniyadeedkii sanadkani 2018-ku, marka loo eego xaalada jirta waxaanay taasi keentay inuu Wasiirka Maaliyaddu kaga jawaabay inuu goor habeenimo ah soo saaro Qoraal uu iskugu shaandheeyay Madaxda sare ee Xafiiska Xisaabiyaha Guud taasi oo uu Xisaabiyaha Guud ganafka ku dhuftay kuna dooday inaanu Wasiirka Maaliyaddu awood sharci u lahayn islamarkaana ay tahay Farogalin maamul, Taasi oo uu qoraal ku faah faahiyay, kuna wargaliyay Shaqaalihiisu inaanay dheg jalaq u siin Wasiirka ee ay sidoodii caadiga ahayd iskaga shaqaystaan.

Sida Xogtan lagu baahiyay, Khilaafka marka hore ka curtay war warka ku saabsan hoos u dhaca miisaaniyadda ee uu hore iftiimiyay Xafiiska Xisaabiyaha Guud oo ah goobaha laga ogaan karo hoos u dhaca Miisaaniyadda iyo Kor u kaca, ayaa waxa ka horeeyay xog hore oo uu Wasiirka Maaliyaddu u gudbiyay Madaxtooyadda taasi oo uu ku sheegay inay miisaaniyaddu gashay korodh (Surplus), Waxaanay arintaasi keentay in Madaxweynuhu gudi heer wasiiro ah u saaro kuwaasi oo illa hadda gacanta ku haya baadhisteeda balse warar kale ayaa iftiimiyay in gudidaasi iyo Wasiirka Maaliyadda laftooda khilaaf ka dhex istaadhmay kadib markii ay Gudidaasi isku dayeen inay Su’aalo ka waydiiyaan Wasiirka Xaaladda jirta,waxaanay wararku intaasi ku dareen in Xaalku taagan yahay Madaxtooyad islamarkaana ka go’aan gaadhista arimahaasi hor yaalaan Madaxweynaha.

Isku shaandhayntan Khilaafka sii horisay ee uu Wasiirka Maaliyaddu ku sameeyay Shaqaalaha Xisaabaadka guud oo uu kujiro Ku xigeenkii Xisaabiyaha Guud Keyse Maxamed Cabdilaahi ayaa waxa ka muuqata cadho iyo aargoosi, waxaanu shaqo badel ku sameeyay sida dad badani carabka ku badinayeen qaar ka mid ah Shaqaale Xirfad sare oo aqooneed lagu shaqaalaysiiyay waxaana ka mid ah Madaxda Xafiiska gaarka ah ee EAFS oo ah goob si gaar ah ula shaqaysa Xafiiska Xisaabaadka Casriga PFM-ka, kuwaasi oo wax ka badelkoodu yaab iyo ama kaag ku dhaliyay guud ahaan Xafiiska Xisaabiyaha Guud. Khilaafka Wasiirka iyo Xisaabiyaha Guud waa mid wali taagan, waxaanay shalay oo u dambaysay dhawr jeer iskugu yimaadeen Kulan balse wax heshiis ah lama sheegin. Lamana garanayo halka uu khilaafkaasi iskugu biyo shuban doono iyo inuu Wasiirku ka noqdo Talaabada uu qaaday oo ka hor imanaysa Xeernidaamiyaha Xukuumadda Muuse Biixi.
Keebaa Khaldan Ma Wasiirka, Mise Xisaabiyaha Guud? (Bal Xeerkan Madaxweyne Akhri).

bishii 03/06/2018 sanadkan aynu ku jirno waxa uu Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Soo Saaray Xeer Madaxweyne oo ay sumadiisu ahayd Lr.03/062018 kaasi oo uu ku bayaamiyay madax Madax Bannaanidda Xafiiska Xisaabiyaha Guud Ee Qaranka Somaliland.

Waxa uu qoraalka Xafiiska Maddaxweynaha ka soo baxay u dhignaa sidan “Markaan arkay Qodobka 90-Aad ee Dastuurka Jamhuuridda Somaliland. Markaan arkay qodobka 18-Aad, Farqadiisa 1-Aad iyo 2-Aad. Qodobka 65-Aad Farqadiisa 2-Aad ee Xeerka kala xadaynta Nidaamka Xukuumadda iyo Hay’addaha madaxa bannaan, Xeer lr 71/2015. Markaan Arkay: Qodobka 7-Aad, farqadiisa 5-aad ee Xeer nidaamiyaha Dhismaha Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Xukuumadda, Xeer Lr 01/2018.
Markaan arkay: Qodobka 20-aad ee Xeerka maamulka Maaliyadda iyo Xisaabaadka Qaranka. Markaan Tixgaliyay Muhiimadda ay Dhismaha Qaranka u leedahay Madax bannaanidda Xafiiska Xisaabiyaha Guud.

Waxaan Go’aan Saday: Anigoo ka duulaya Qodobka Sharci ee kor ku xusan,in laga bilaabo taariikhda maanta 21/06/2018 uu Xafiiska Xisaabiyaha guud ee Dawladdu u madax bannaan yahay Gudashada Waajibaadkiisa shaqo (Maamul iyo Maaliyadba), islamarkaana waxa uu yeelan doonaa Miisaaniyad u gaar ah. Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Qaranku Waxa uu xidhiidh wada shaqayneed(Line Minister) la yeelanayaa Wasaaradda Horumarinta maaliyadda.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top