Madaxweynaha Soomaalida Itoobiya Oo Ciidamo Nabada Iaaliya Soo Dhoobay Gudaha Gobolka SOOL .

(SLT-Jigjiga) Wararka naga soo gaadhaya gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamo Ethiopian ah oo wata gaadiidka dagaalka ay gaadheen deegaano dhawr ah oo ka tirsan gobolkaasi.

Ciidamada ayaa la sheegayaa inay halkaasi u tageen nabad ilaalin ahaan, kadib markii deegaanada Saax Dheer, Dhumayga iyo Doocmo ay ku dagaalameen maleeshiyaad halkaasi wada daga oo dirirtooda muddo kusoo laalaabatay halkaasi.

Wararka ku soo dhacay xarunta Shabakada wararka ee Somalilandtoday  ayaa sheegaya in ciidamada Ethiopia uu hogaaminayo Garaad Kulmiye oo kamid ah wafdi ka yimid dawlad deegaanka Soomaalida  kuwaasi oo doonayo inay dhameeyaan dagaalka soo kusoo noqnoqday deegaankaasi.

Xildhibaan Indho Indho oo kamid ah golaha Guurtida  Somaliland ayaa soo dhaweeyay in ciidamada Ethiopia ay kala dhex galeen maleeshiyaadka ku dagaalamaya deegaanka Dhumay.

Laakiin Qaar kamid ah xubnaha golaha wakiilada ayaa walaac ka muujiyay in ciidamadaasi ay tagaan deegaanada gobolka Sool oo marar badan ay dagaalo ka dhaceen.

Wafdi uu hogaaminayay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed  ayaa shalay gaadhay deegaanada maleeshiyo beeleedyada ku dagaalameen, isaga oo doonayo in xal waara laga gaadho colaada deegaanka.

Madaxweynaha Somaliland Muuse biixi ayaa dhawaan shaaciyay inay soo dhaweynayaan cid kasta oo ka qeyb qaadaneyso dhameynta colaadka u dhaxeyso maleeshiyaadka ku dagaalamaya Dhumay  iyo Saax Dheer ee Beelaha Qayaad iyo Baharsame. Madaxweynaha Dawladda Degaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar ayaa ka hor ciidamadda wuxuu todobaadkan soo gaadhsiiyay deeq gurmad raashin Ah dadkii ku barakacay colaada, waxaana muuqanaysay inuu uga faro dhuu dhuuban yahay nabad raadinta dhanka Somaliland .

Somalilandtoday/Hargaysa/Office