Hablo Caaye Waa Shimbir Duul-Duul Badan ( Abdi-Shotaly).

Allahayw muxuu farnji-gani nacas fariideeyey oo nimaan aabihii maali jirin looma aamino’e. Somalidda baa waxay aad ula yaabeen, mid aan goror-ba illaah maskaxdda ugu shubin haba-yaraatee, sidda kan wasiir ku sheega ” Hablo caaye ” oo maqlay uun wax siyaasad la yidhaaho baa jira, dabeed waa caqli gab iyo dhaqankii-siiye isku dhex tuuray, mawjado aanu ka dabaalan akrin, intuu ku haftay, cid ka saarta la’, ka dib-na siddii awr dabarkii goostay, oo ay labadda dhun-dhun mid-ba in yari ka sii laalaado, iska salaqsa-naaya, bay sidan kan oo kale arkeen, dabeed waxay isu qiyaaseen, nin aad cod-kiisa uga dheerayn jirey, oo ku soo

korey nool aad u hoosaysa, maalin maalmaha ka mid ah isaga oo iska silicsan, reer hebel awgeed, xil lagu raray aanu qaadi karin, ka bacdina mar qudha uun fadha-booday isaga oon dheg la qabto lahayn, iskuna halay-naaya kii khaladka ugu dhiibay, mansuuli-yadan waashay ee baradda ka saartay, akhristaw balaayo-na u barasho lehe, ilayn meel uu ka qabto iyo aqoon uu u leeyahay mid-na ma jirtee, waa ka siddii ciyaartii la odhan jirey dhan walba u bood, miyirkii ka halaabay ee meela sal la dhigi waayey, ilayn farsamo u garan-maayo’e, wax uu xeeri-nayaana ma jirto’e. Nimco waliba nuqsaan-teedda bay leedahay, wuxu ka qaaday kibir iyo isla weyni, halkii uu ka ducaysan lahaa, dabeed waa kuwa ugu maah-maahay, iyaka oo ku cabiraaya murtidda ah “Sabool dibiray iyo dameero sayax daaqay-ba way danaani-yaan”. Waxan uga socdaa waxa weeye.

Waxa wacan nin-kan wixii dirtay, in ay u fasilaan shaqadda saxaafadda iyo war-baahintu waxa ay tahay ama ay qabato, waa haddii ay iyaka laf-toodu fahansan yihiin, oo ay dhaamaane, waa kan oo ku dhex waalaye. qofku marka loo egmado wax aanu filanayn, wax buu is moodaa oo fiririq-diisa baa laga baxaa, ilayn waa wax aan wax la waydiin jirine, bal adba eesh-qiyaasak. markuu xafiiska soo galo-ba waa amar cusub. Tiro-ba ilaa 20 wareegto baa laga hayaa, intii shaadhka aanu lahayn loo geliyey, intii hore-ba soo dhaaf, hadda wuxu isla maanta soo saaray, wax uu ku sheegay wareegto, oo uu ku dacweynaayo Tv-yadda ka hawl-gala maamulka, ka sidaas ah, ka wax u dirtay saw kama sii dara ( subxaana- laahiye), Alla-doori hadalka wuu yaqaan waana ka agnaaye, wuxu ina leeyahay, qaar ka mid ah Tv-yadda war-baahinta ah, baa xidhiidh la leh Janaral Caare, oo waxan ka qaadayaa ruqsadda ay kaga hawl-galaan, maamul-Goboleedka ay askartu ka bootayso. Ayaan daranaa dhul-kaygu, aqoon daranaa dhashiisu, ilahay haduu wax siiyo, ilawsha dhawaa saboolku. doqoni kama soo rayso abid, dooc iyo dareen ma leh, weliba markay dibirto, dad iska daayo, ilhay baaanay aqoonin sida kan, siddii carsaanyadda dhan walba u ordaaya, way-se soo gabi, malaha wuxu hadeer u heesayaa, siddii Axmed cali cigaal, ” Intaan doonidda wadaayo, halkaan doona tegaayo, daruuraha guud maraayo, maxaa iga daadanaaya”, laakiin akhristaw, waxa aynaan ugu dalin-ba, oo aad ka soo qaadaa, kii la yidhi dameer malab la saaray muxuu ka yaqaanaa?

Wuxu u qaadan la’yahay wax baad amri kartaa, oo cid awood kugu joojin kartaa ma jirto, maadaama uu kuu dhiibtay meesha mid aad isku daarad tihiin. Waxa-ba uu u haystaa in uu xilka uu hayo isagu iska leeyahay, waa halkii uu ka lahaa (IHN) Xaaji Adan af-qalooc tix-diisii dheerayd ee la odhan jirey Dalmar ” Kaba-tole xafiis loo tirshoo, tolan madaw jeexday, haduu taladda teel-teel u dhigo, taasi yaab ma laha’e, nin wali-ba halkii uu turqaday, taabka ku adkeeye, waash-maan kol ay Tahy, ninkii taabay meel dheregye”. Waa iska sidaase, waxa ka qasan in aanu maaumlku sidaas ahayn, lase yaabi-mayno, oo waa kaas aqoon-tiisu ku tidhi Hablaha waa la caayaa, kuwa maamulka sheega-nayaa ee is leh ummad baad hogaami-saan, waa kaas iyo wax uu isagu shir u imanaayo oo aan is dhaamin, ee ma waxad ka sugaysaan rajo, ma masakax kale baa rabbi ku soo dejinayaa?, ay waxa ku hagaaji-yaan. oo dib baa loo abuurayaa?, Caadil wuu kari karaa, laakiin-se fili-mayno. haddii kun jeer dib illaah u abuuro, in ay wax iska bedelay-aan Hablo Caaye, waa shimir duul-duul badantii la yidhdi, siday kolba geed u fuulay-saabay, marka dambe ay cagaha sakal lagashaa, ay ka bixi kari waydo, halkaana ay ugu dhamaataa. Waxan ku soo dabaalay maqaalkan, kan iyo meel xun baa is leh, oo bixiso baa wadda, waana ay shiday-saaye aynu eegno halka ay la gaadho, cid la juuq dhawri karo baaba iska yare.

N.B Waash-Maan Kol Ay Tahay, Ninkii Taabay Meel Dhergeye.

Qore:- Abdi-shotaly.

ashotaly5@gmail.com