Soo Bax Baa La Leeyahay Oy Sacabka Leefaysaa ( Abdi-shotaly)

Hadba geed isku qaaday, siddii hal shimbir cag qabta, af dhigi wayday, oo isu barbari-naysa dhanka lugta xanuunaysa, dabeed kaba baydhay wadaddii ay haysay, siday dhinac ay ugu xagli-naysay, aakhir-kiina jar ka booday, oo halkii ku aakhiray-satay, waxa cayn-kaas ka dhigan oo maskaxdda ka buka, ka caar-keena caaya ee la yidhaaho guri abaareed, wasiir ku sheega War-faafinta iyo hidaha, waa kaas kuu askarigu biday in uu hidaha wasiir u yahaye ( wuxu wax is dhaama maaha), oo ka dirtay-ba wuu ka sii liitaaye. waa-se uu u sii dhameeyey askartii, wax badso wax beela way leedahaye, aqoon xumaan wuxu ka qabo, cabudhi buu si leeyahay ummadda.

oo mucaaridku waxay ku hadla-yaan dhegayso, laakiin ma oga in boqol mayl laga sii horeeyo, waayo’aragnima-diisa baa yar, oo ilayn aqoon laguma keenin, markii hore-ba meesha ee caydda hablaha iyo reer hebel baa lagu keenaye, waxad moodaa in uu dhashay intii uu af-weyne tegay, in wuxu eeday-ba ay ahayd cabdudhi oo yaan juuq la odhan, malaha kani wuxu ka yahay ” Lax Dhukani Abaar moog” oo xaal-kiisu waxa weeye marka la isku soo duubo ” Rabbi khalaq wa dalaq” oo micna-heedu yahay laguma dhaamee dhaqaa”. waxan odhan lahaa ka indhaha la’, siddii qarandidda hoos u foorara, aqoonta aad hablaha ku cayday, baa waxad tahay-ba sheegtay, meel kale oo lagaa soo baadhayaa ma jirto. Wax soo kordhi baad is tidhi ku cusub, oo aad meesha ku sii ahysato, markaa-saad la timi qalab wax lagu dhegaysto baan soo dejiyey, bal in aad ambanayso, ma askari sir doonaad tahay? Mise Wasiir ku Sheeg? Mise labada-ba waad tahay? bal wax isku sheeg adigu aanu kaa dhegaysano. Waxa aanad garanayn waxa uu askarigu kuu dirtaye, waayo hadaad gara-nayso micna-heedda, maad caydeen hablaha , adoo ku andacoo-naaya, wax aad hidaha ku sheegtay baan wasiir u ahay, horaa-se loo yidhi ” Aqoon gab gabal kuma hooyo ee gacal ha moodina”, markaa iska walaaqo.

Akhristaw, qodob ka kale ee imikadan aan qoraayo maqaalkan taagani waxa weeye, aan in yar kaaga horey-siiyo’e. Somalidu been way sheegtaa laakiin been ma maah-maahdo’e, waxay yidhaaheen ” Soo bax baa la leeyahay, oy sacabka leefay-saaye” waa dhab, oo runtii saaka baynu haynaa iyadda oo ooda-heeddii wadata, adiga oo iga raali ah. Muwaadin waad la socoteen in dhul-keenii , siiba dekeddii ahayd dhuunta laga quudiyo Somaliland, uu Xusbiga Kulmiye iibiyey, bool-bool u xaraashay, gebi ahaana uu ku wareejiyey Imaaraadka, taas oo dhashay in ka badan 30 markab oo rarani, inay mudo bil taagnaa-yaan marsadda Berbera, oo cid ka dejisa la waayey, cashuurtii ku habsaantay, tii khasnad ahayd-na beri hore lagu kala tegay, oo la faaruqiyey, ummaddii ku noolayd-na ay bay-hoof iyo silic isla daba meeraysa-naysaa, oo aanay haynin wax ay iligga saaraan, darxumo u dhamaatay, macaluulna uu boggii iyo beerkiiba suun ku kala jaray. (IHN) abwaan Ibraahim Gadhle baa yidhi ” Daawaha agoontiyo ma mid daaha goostiyo, dacas kama tagay dhali? Ma mid dawladaha iyo dawersadda aduun-kiyo, doolar urursaday dhali?, Ma mid dalaga beeraa iyo dooga soo baxa naga daaqa bay dhali? imika baynu haynaaye, oo aboor baa ku baxay dhulkii siddii u dhamaa, oo olol iyo omas, qiiq baa meel kaste ka baxaya, siddii malawggii bay cariga u muudsa-deen, oo ay u qalaji-yeen caleentii siddii xaabkii dhirta ka daadan jirey xagaaggii, duulka Meesha ka shimbiro-waaqalay-nayaa waa wax aan hore inoo soo marin.

Nin la odhan jirey Faarax Gololay, oo majaaji-layn jirey, baa maalin ka mid ah ayaamaha, goor ay galab tahay, oo salaadii makhrib dacalka loo saaran yahay, baa hudheelkii Taleex ee xamar, waxa soo gashay ina af-weyne, Faarax Gololay ciyaal faraha badan oo baalash-layaal ahaa, oo hudheelka hor fadhiisan jirey, buu mid kaste shilin siiyey, wuxu yidhi, marakay ina af-weyne ay baxayso, dibnaha waxad ka siisaan Biiq-Biiq-Biiq, siddii wax dhuusdhuu-aaya oo kale. Kolka ay idin tidhahao maxada la dhuusdhuu-saysaan? dhinac nooga baydha, waxad ku tidhaahaan Aabahaa baa afka naga xidhaye, adna ma waxad rabtaa in aad futadda naga xidhid? cabaar ka bacdi, markii ay soo baxday bay ciyaalkii siddii lagu-la balamay sameeyeen, oo intii la sii qayb-siiyey ku yidhaaheen inantii, intay ku qosashay bay tidhi orda oo edeb sameeya ciyaala-suuqayahaw. ilayn wax la xidhi-xidhi akro maahee. Waxan uga socdaa kan yar ee banaanka ordaayaa xaal-kiisu waxa weeye iska dhuus-dhuus sidda ciyala yaab leh, ilayn shaqo-diisa maaha wax dhegay-siye, oo askari sir doona maahee, maxaa ku kelifay in uu soo waarido waxan uu is leeyahay ku faan? Waxa weeye sababtu qalabkan hunguri baa ugu jira, oo wuxu is leeyahay aad wax ku cuntid, ilayn maskax mesha kuma hayee, wax bana ma dhegay-sanayaa. waxa la yidhi ” Gacan qaad-qaad baratay, haddii la gooyo, gumudka baa dhaq-dhaqaaqee” wuxu maqalay wax baa la boobaa, mana hayo qaabkii, wax loo kala deberi jirey, ee siddii caruurtii markay gurguuur-taan waxa kaste oo dhulka yaala afka gelin jirey buu kani leeyahay ” dhulku Maadh Badanaa , ma magaalo yar baa?” Waxan ku soo xidhay qoraalkan isaga ah ” Gunta lagama jaro geed haduu, kuu gabood yahaye”, kani isaga baa isi soo dabraaya, mana dhici karto in la isu aamusiiyaa, oo hortii jiraba waaye, af-weyne baa isku deyey, oo dooniddii bad dhex dhigtay, kana dabaalan kari waayey, ee daaya isaga iyo ummadda ka mawjadu qaado?

Qore:- Dr Daacad Alle Yaqaan

N . B ” Aqoon gab gabal kuma hooyo.

Qore : – Abdi-shotaly.

ashotaly5@gmail.com