Milicsiga Heerka Aqooneed iyo Hadimada Maamulihii Madaarka Cigaal.W/Q Siciid Gahayr

“Waa lagu digtaa ruux hadduu, kuu darnaan jiraye
Bal dayaay wadaadkii wakaa, sii dabayshadaye” Cali Aadan Gorayo (Cali-Dhuux)

Maqaalkan xuska iyo xurmada ah, oo aan qaybaha ugu badan ka xiganayo qormo uu hore u diyaariyay una faafiyay Eng Maxamed Beddel, waxa aynu ku suntaynnaa waxqabadka iyo waxyeellada dhallinyaro

ay xukuumaddii hore u samaysatay dadka Hargeysa/Sallaxley/Balli-mataan, oo caan ku ah “Jin-dagaagay”. Si gaar ah waxa aan maanta u soo gudbin doonaa faallo ku saabsan Maamulihii Madaarka Cigaal Md Maxamed Yuusuf Ismaaciil. Kaas oo maanta la dhaafiyay xeradii uu tagri-falka, xadgudubka, dhaca iyo boobka la dhex soognaa. Waxa loo beddelay Madaarka Berbera oo ay xukuumadda Somaliland ka kiraysay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, taas oo ka dhigan tababarkii ciidan ee Saybeeriya la isugu madallufin jiray.

Sannadkii 2011ka ayuu noqday hawl-wadeen ka tirsan wasaaradda duulista hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland. Sida xeerku dhigayo laguma qaadan imtixaan, aqoon iyo shaqo la xayaysiiyay midnaba. Qof-jeclaysi iyo qaraaba-kiil ayaa lagu doortay. Waxa u ergeeyay nin adeerkii oo ay muddo dheer golaha wakiillada ku wada jireen Wasiirkii Hore ee Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi.

Durbadiiba waxa uu noqday adeege ku wanaagsan wargudbinta, iska dhaadhicinta, raxlaynta iyo summadaha ay jecel yihiin madaxda xilka ka hayaa. Markii uu socday dib-u-dhiska madaarku (2011-2013) waxa uu shaqaalaha joogtada ah ee madaarka Cigaal sida kuwa korontada ku odhan jiray “Ii soo sheeg marka wasiirku soo laabto gelinka dambe”, isla qacda uu xogtaas helo ayuu gegada iman jiray. Waxa uu markaas iska dhigayay nin shaqada daacad u ah oo labada gelinba adeega, isaga oo aan qaadan gunno dheeraad ah.

Meelihii kowaad ee uu ka adeegay waxa ka mid ahaa kamaradaha ilaalada gegada CCTV, halkaas oo uu uga sii gudbay madaxa nabadgelyada. Ugu dambaynna badhtamihii 2013ka ayaa loo xulay Maamulaha Madaarka Cigaal.

Milicsiga Dhalashadiisa iyo Geeddigii Waxbarashada.
Sannadkii 1988kii ayuu ku dhashay Uubaale oo Koonfur kaga beegan Madaarka Cigaal ee Hargeysa. Yaraantiisii waxa uu ku koray nolosha miyiga, wuxuuna kaalin ka qaatay raacista xoolaha nool siiba maqasha iyo adhiga. Markaas ma uu helin fursad uu ku bilaabo waxbarasho toos ah. Waxa uu joogi jiray xaafado ay xigaal yihiin, maadaama oo qoyskoodu ahaa xoolo-dhaqato.

Maanso la sheegay in uu tiriyay waxa ka mid ahaa:
“Dheri reer u karayaa
Dhuuni ii ahaan jiray
Dhaaxa’e dul saar baan
Ku dhammaystay noloshii”

Isaga oo da’ ahaan nin weyn ah ayaa uu ka yimi deegaanka Uubaale oo ay qoyskoodu reer miyi ahaan u degganaayeen, kaddibna waxa la qoray dugsiga Qudhacdheer. Maadaama oo uu ka weynaa ardayda lodkiisa ah, waa uu sii wadi kari waayay aqoonta dugsiga hoose/dhexe. Sida awr la fadhiyo orgi ayuu noqday. Waxa loo boodsiiyay dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali kaas oo uu 2006dii kaga mid noqday waxa loo yaqaanno “Indha-caddaynta”.

Waayadaas waxa ay wasaaradda waxbarashadu qaadi jirtay imtixaan loo yaqaanno “Half GC” kaas oo ay mari jireena ardayda ka gudbaysa fasalka 2aad ee dugsiga sare. Maadaama oo aanay aqoontiisu dhisnayn, waxa uu geli kari waayay jirrabkaas. Sidaas awgeed ayuu hadda mar kale u baalmaray geeddiga aqooneed. Jaamacadda Hargeysa ayuu sifo leexsan ku galay. Kulliyadda ICT ayuu arday ka noqday.

Halkaasna waxa uu kala kulmay caqabad kale. Maaddooyinka adag ee xisaabtu ka mid tahay waxa u geli jiray arday lodkiisa ah ama kuwo aan dhigan jaamacadda Hargeysa. Isaga oo taxanihiisa waxbarasho sidaas yahay, la-yaab malaha in aynu aragno isaga oo aqoondarro ku caayaya Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud, waayo waxa uu ahaa gardarro garab og. Isaga oo taxanihiisa cilmigu sidaas yahay ayuu metelaa bulsho wada waayo-arag iyo wax-aqoon ah.

Hadimada Maamulaha Madaarka Cigaal
Waxyaabaha lagu xasuusto Maamulaha Madaarka Cigaal Md Maxamed Yuusuf Ismaaciil waxa ka mid ah:
1. Waxa uu door ka qaatay musuqii baahsanaa ee ka dhacay wasaaradda duulista. Caddaymaha arrinkaas maragga u ah waxa ka mid ah bangalaha uu ka dhistay dhinaca bari ee Scandinavian Hotel ee magaalada Hargeysa. Miyaa uu mushaharkiisu dhisi karaa guriga aan sawirkiisa soo bandhigay?

2. Waxa uu ka mid ahaa dadkii doorka ka qaatay in dhul 13KM ah laga qaado deegaanka Masallaha. Kaas oo madaarka lagu ballaadhiyay. Maxamed Yuusuf waxa uu cagta hoosteeda geliyay dadkii rabay in dhulkooda loo qiimeeyo ama dhul beddel loo sameeyo. Marka laga yimaaddo ragga, waxa uu xidhxidhay dumar dumaashi u ah oo inaadeerkii qabo.

Dadkaas waxa ka mid ah xaaska Shanfool Xaashi Guuleed oo abti ruma u ah Wasiirka Maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi. “Aniga i xidhaye, maxaa dumaashidaa kuu geeyay?” ayuu ku garnaqsaday Shanfool Xaashi oo ah Guddoomiyaha Beeralayda Uubaale. Dadkaas waxa lagu eedeeyay in ay jarjareen siligga madaarka, eeddaasna wax caddayn ah looma helin. Muddo ku dhaw 20 cisho ayay liinta ku cabbayeen rugta madaarka.

3. Waxa uu ka mid ahaa adeegayaashii dartood loo beddelay Wasiirradii ka dambeeyay Maxamuud Xaashi sida Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) iyo Cumar Maxamed Faarax. Markii ay xilka wasaaradda duulista hayeen wax ka yar afar bilood ayaa mid kastaba laga beddelay kobtaas. Waxaana sabab u ahaa khilaaf soo dhex galay iyaga iyo diraneyaal wasaaradda lagu sii beertay.

4. Kaalin weyn ayuu ka qaatay isku-dirka xukuumadda iyo dadka deegaanka. Lama tirin karo inta jeer ee uu sharci-darro ku xidhay dad aan waxba galabsan, sirdoonka uu ku wareejiyay ama xorriyaddooda loo celiyay iyada oo aan daw la marin. Saw kama war haysaan gacan-ka-hadalkii, feedhkii iyo duudsigii uu ku sameeyay Majaajilaystaha caanka ah ee Ajakis oo ka shaqeeya Universal TV “Nin dheer oo madaw, malakul-mawd aa mooddo, acuudu billah ayuu lee ahaa” ayuu Ajakis yidhi.

5. Intii uu xilkan hayay waxa uu galay ganacsiyo door ah oo ay ka mid yihiin furitaanka sarrifle ku yaalla madaarka Cigaal iyo in hab xeerka baalmarsan loo dhoofiyo dad u socdaalaya dhul aan ammaankiisu sugnayn.

Nin weyn oo muddo dheer ka tirsanaa Wasaaradda Duulista, gaar ahaanna ka shaqayn jiray madaarka Berbera oo ay xigaal yihiin Maamulaha Madaarka Hargeysa ayaa lagu yidhi “Maxaad xil u doonan weyday?”. Wuxuu yidhi “Shaqooyinka uu Maxamed Yuusuf qabto ayaanan qaban karin”.

Siciid Maxamuud Gahayr
siciidgahayr@gmail.com