Siyaasiga Dahsoon. W/Q: Cali Cabdi Coomay

Weligii xil muu qaban, goob fagaare siyaasadeedna muu tegin, hasayeeshee waxaad moodaa rugcaddaa siyaasadeed siduu arrimaha taagan uga faalloonayo, una faaqidaayo, una falanqeynayo, una fahmayo. Wuxuu hore u ahaan jiray dilaal suuqyada ganacsiga laga yaqaano, laguma aqoon inuu dilaal siyaasadeed yahay. Hadal badnaanta waxa ay dadku yidhaahaan xajiyaha ayaa go’ay, oo laba ilbidhiqsi afka iskuma darayo. Aqoon maadi iyo mid diimeed laguma ogeyn, wax-akhris iyo waayeel-maalna midna shuqul kuma laha. waxa se uu wakhti fiican siiyaa cilmi-dhagoolka oo dhegaysiga idaacadaha iyo Tilifiishannadu ma dhaafaan. Wixii warbaahinta wax faafisa uu ka bowsado ayuu maskaxdiisa hibada siyaasadda u leh la kaashaadaa.

Wuxuu leeyahay hibo siyaasadeed oo abuur ah,

mase fahansana ka faa’idaysiga hibadaasi. Waxa keliya ee hamigiisu yahay shillimo qaab dilaalnnimo ah ku soo gala. Goob inta badan uu shaaha ka cabbo marka salaada subax laga soo baxyo isaga ayaa laga martiyaa inuu kala hufo wararka, xanta, xuuraanka iyo saadaasha siyaadeed ee geeska afrika. Makhaayada waxa fadhiya rag isaga ka waayo-aragsan dhinaca siyaasadda, hasayeeshee faallo iyo falanqeyn markay noqoto isaga ayey dhegaystaan. Qaarkood way yasaan oo markuu soo fadhiisto ayey isaga kacaan. Hibadu meelo badan ayey gashaa, isaga tiisu waa mid siyaasadda gashay oo malahayga ugu yaraan wuxuu ku soo bixi lahaa la-taliye madaxdu ka qaadato tallooyinka maalinlaha ah rogrogistooda ama inuu noqdo mus-dambeed nin xil culus hay.
Wuxuu mar kasta doodiisa daliil uga dhigaa waxa uu idaacad ka dhegaystay ama Tilifiishan ka daawaday, weliba heerka xusuustiisu way sarraysaa. Dhawaan ayaanu khaati ka istaagnay nin muran badan oo hadal dhaadheer oo damaaci ah oo dadka wax ku qabsada oo makhaayada nala fadhiista. Markaasuu ninkani nooga sheekeeyey sheeko uu ugu duur-xulayey ninkan waxaanu yidhi” Oday iyo islaantiisii oo safar ah oo wata awr ayaa soo ag-maray oday indha l’a oo meel waddo ah oo cidlo ah lagaga tegay, markuu odaygii indhaha la’aa maqlay shanqadhii waxa soo socda ayuu qayliyey oo uu yidhi”waar yaa muslinaay, meesha cidla ah iga qaada. Dabadeed odaygii awrka watay ayaa joojiyey awrkii si uu awrka ugu qaado, markaasay islaantiisi tidhi “ eeyaahe inaga mari ha qaadane, waxa meesha looga tegay ayuu qabaaye”, balse odaygii awrka watay oo ka dambqaday darxumada odayga haysta wuu diiday hadalkii islaantiisa, waanu soo qaaday. Markii ay soo gaadheen tuuladii ugu dhawayd, ayey tuuladii dhigeen odaygii indhala la’aa, iyagana ay dooneen inay iska sii wataan safarkooda.

Markay is yidhaaheen dhaqaaqa ayuu odaygii indhaha la’aa qayliyey”waar yaa muslinaay, awrka iyo islaantaba aniga ayaa leh wuu iga qaadayaa oo wuu I dhacayaa oo itaalkayga ayuu arkayaa ii qabta”, dadkii tuulada ayaa ku soo ururay waana la soo qabay odaygii, awrkii iyo islaantii, laga waransii, odaygii indhala la’aa ayaa doodii ku hormaray oo yidhi” Islaantu waa min-weynadaydii oo way igu hinaastay, awrkuna waa keygii ee bi’i waayee iiga qaada”, haddana odaygii iyo islaantii ayaa la waraystay, waxaanay yidhaaheen” odaygan waxa aanu kula kulnay waddo isaga oo yaa muslinaayda haye, waanu soo qaadnay, dee waa kan anagii nagu jeestay. Markay doodu halkaasi marayso ayaa la garan waayey mid run sheegay, ka dib Caaqilkii tuulada ayaa go’aan gaadhay odhanaya in saddexdooda mid kasta habeenkii qol gaar ah lagu xidhi, oo la isaga tego, si uu u badho.

Saq-badhkii ayuu Caaqilkii mid kasta u soo dhukusay, si uu u dhegaysto wuxuu ku calaacalayo. Odaygii awrka watay ayuu ku horreeyey, wuxuu maqlay isaga oo ku calaacalaya” bal maan maqlo hadalkii islaantayda, oo aan isaga tago odaygan indhaha la’a, maxaa igu watay”, haddana islaantii ayuu dhegaystay oo leh” waa kaasi ha ka lug baxo balaayadaasi indhaha la’a ee uu soo qaatay, imisa ayaan lahaa inaga daa”, haddana odaygii indhaha la’aa ayuu dhegaystay, oo isna leh” walaahi haddii aan muranka sii xoojiyo ama islaanta ayaan heli ama awrka”.

Nin kasta oo gurrani waa odaygan idhaha la’ oo kale. Waxa kale oo uu noo raaciyey sheeko kale oo ahayd” Nin hirarka badda ku hatay ayaa loo gurmaday, markii la samatabixiyey ee xeebta la keenay waxa lagu yidhi, ka warran badda iyo dadaalka dadkii ku badbaadiyey. Wuxuu ku jawaabay, biyaha baddu waa dhanaan, balse ragii ii soo gurmaday ee soo dabaashay, ninba intuu ii jiray ayuu ii soo jirsaday”. Wuxuu sarbeeday dhalasho ahaan siday iigu kala sokeeyeen ayay iigu soo gurmadeen.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@hotmail.com