Muuse Biixi Iyo Talada Dalka XIRSI Iyo Siyaasada Maaliyadda 2010-2015 (Qaybtii 32aad) By: Maxamed Xoosh

Wasiirkii Hore Ee Gaashaandhiga ee Isreal “Yahuuda” Ayaa Laga Hayaa Odhaahdan
“Carabtu Waxba Ma Akhriyaan Haday Akhriyaanna Ma Fahmaan Haday Fahmaan
Ma Dabaqaan FULIYAAN”

Imika Buuga Miyiga Ilaa Madaxtooyada Ee Xirsi Qoray Wuxuu Yaqiinsanaa
In Soomaali oo Dhami Wax Akhriyin Haday Akhriyaana Aanay Fahmin Haday
Fahmaana Aanay Wax Ficil Ah Samayn

Xirsi Wuxuu Tilmaamayaa Markii Loo Magacaabay “Chief Of Cabinet” Ayaa
Madaxweyne Siilaanyo Markuu Ogaaday In Khasnada Dawladdu Madhan Tahay,
Wasiirkii Maaliyadda M/Xaashi Weydiiyay Xal Deg Deg Ah “Ina Xaashi
Wuxu Yidhi Xalka Waxaa Ka Horeeyay In Cidii Ka Masuulka Ahayd La Soo
Xidho Cawil Cali Duwaale”

Xirsi Oo Hal Abuur Mufakir Ah, Waxa Ku

Soo Dhacday Fikrad Iyadoo
Siilaanyo iyo Ina Xaashi Murmayaan Xirsi Ayaa Yidhi “Madaxweyne
Ganacsata Aynu Ka Amaahano Lacag Musharada Iyo Raashinka Habsaamay Iyo
Hawl Maalimeedka Aanu Ku Kala Socod Siino”
Sidii Ayuu Madaxweynihii Ku Qaatay Fikirkii Fiicnaa ee la Mahadiyay ee
Xirsi Waxa Dheeraa Wuxuu Raaciyay Amaahda Loo Baahnaa waa 6 Milyan oo
Dollar oo Xirsi Ayaa Jaan-gooyay Baahida Dalka !!!

Xirsi oo Sii Wata Ayaa Ku Sheegay Ina Xaashi MUCANGAG MADAX ADAG,
Sidaa Awgeed Ayuu Xirsi Ka Dalbaday Madaxweynaha In Dhawrka Bilood ee
u Horeeya Gelinka Hore Ka Shaqo Galo Wasaaradda Maaliyada Ileen
Maxamed Xaashi Waa Nin Aan Lagu Halayn Karayn Dalkee !!!

Xirsi Abuurida Golaha Guurtida ee Balaygubadle Fadhigeedu ahaa Wuxuu
Siinayaa Madaxweyne Siilaanyo LAAKIIN Waraysi Ina Xaashi Laga Qaaday
Wuxuu Ku Sheegay In M/Muuse Biixi Iyo Maxamed Xaashi Iyagu Lahaayeen
Soo Ururinta Odayaasha Dalka oo Markii Danbe Noqday Guurtida
Somaliland oo Dhan Matasha

Markii u Horaysay ee M/Daahir Riyaale Is Arkaan Xirsi Wuxuu Ku Yidhi
“Anigu Waxaan Ahay Nin Kursigaad Ku Fadhidid Hunguri Ka Hayo” Yaab

Waan Sheegayaa Xirsi In Badan oo Siyaasada Hunguraynaysa Wuu Dhaamaa
Sida uu Uu Sheegay Fikir Iyo Aqoon iyo Firfircooni Iyo karti Iyo
Hogaanimo, Halabuurba Iyo Ilbaxnimo uu Ku Celceliyay BALSE Waxa Ku
Jirta Naf Suuq Joog ah oo BADAWNIMO Badan u Raacday Afka Iyo Fikirka
Uu Xanbaarsan Yahay Waa Sabool Ninka Ugu Weyn ee uu Ku Gefay Waa
Maxamed Siciid Ducaale “DAHABSHIIL” oo Noloshiisa Lahaa Waxaanu Ku
Odhan Ma Jirto “Leg Nin Siiyay Dishaa Liiti Doqoneed”

Weli Waxaan Aaminsanahay In Xirsi Dhaamo In Badan oo Dal Iyo Dibad Joogta

Maxamed Xoosh
mxoosh09@gmail.com