Connect with us

somalilandtoday.com

“Doorashooyinkii Wakiilada Iyo Golayaashada Degaanku Dibay U Dhacayaan“. Xisbiga KULMIYE +Xukuumadda.. WAAYAHAYE DANBIGA YAA ISKALEH….???

English

“Doorashooyinkii Wakiilada Iyo Golayaashada Degaanku Dibay U Dhacayaan“. Xisbiga KULMIYE +Xukuumadda.. WAAYAHAYE DANBIGA YAA ISKALEH….???

Guddoomiyaha Guurtida Saleeban Maxamuud Aadan ayuu aha masuulkii ugu sareeyay hay’adaha Dawladda ee todobaadkan ina dareensiiya in aanay doorasho qabsoomayn Madaxweyne Muuse Biixi na afka taas ka dhawraayo… Isla maanta ayuu Xisbiga KULMIYE oo Axmed Cabdi Dheere u hadlay xaqiijiyay In aanay Dalka doorasho ka qabsoomayn, ninkii u fadhiyow candhuuftaada dib u liq..

Markay sidaa tahay yaa leh masuuliyada koobaad ee qabashada doorashada. Madaxweynaha ayaa leh masuuliyada dibu-dhac kasta oo doorashada ku timaada, amarka illahay waxaanu Muuse Biixi noqonayaa Madaxweynihii u horreeyay ee isagoo aan sannadba joogin soo ooda doorashooyinkii Dalka, Horaa loo soconayadii dibaa loo dhaqaaqaya ayay dhashay..

Madaxweynaha waxa u taala Somaliland oo aan 13-sanno doorasho baarlamaan qabsanin oo caalamkii ay ka iibin jirtay doorashooyinku la yaaban yihiin wuxuu ka yeelaayo. Madaxweynaha waxa u taala culayska muwadiniin 8-sanno sugaayay in doorasho Golihii Wakiilada ah loo qabto, 2-sanno oo buure ahna sugaayay in doorashooyinkii Golayaasha degaanka loo qabto, si ay u gutaan xuquuqdooda Dastuuriga ah ee dhigaysa in la doorto waxna ay doortaan. Madaxweynaha waxa u taala inuu go’aan ka gaadho saami qaybisiga Gobolada ee kuraasta Golaha Wakiilada oo ah caqabada ugu wayn ee Golaha joogana ay dhufayska ka dhigteen, Madaxweynaha waxa u taala Inuu go’aan Madaxweyne ka gaadho oo aanu isku dhajin Koomiishanka muddo xileedkiisiba dhammanaayo bisha sagalaad ee sannadka cusub, si masraxa ay uga wada muuqdaan Xisbiyada iyo daneeyayaasha doorashooyinku… Madaxweynaha waxa u taala inuu muranka, garnaqsiga iyo af maroorinta iskadaayo oo isu diyaariyo Madaxweyne Qaran oo go’aamo masiiriya laga sugaayo…

Tusan
Muniir Axmed Cigaal
Sweden …

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in English

To Top