Sherkada Daabacada ASAL-Jet Oo Iska Fogaysay In Laga Xaday Buggii MIM Ee Xirsi Qoray .

(SLT-Hargaysa)Shirkadda Daabacada ee Asal Jet ayaa sheegtay in Buugga uu qoray Xirsi Cali Xaaji Xasan ee uu ula baxay Miyi Ilaa Madaxtooyadda oo shalay nuqul ka mid ah lagu faafiyay baraha bulshadu aanu gacantooda ka bixin.

Cabdirisaaq Xasan Rakuub oo ka mid ah saraakiisha shirkadaasi ayaa xusay in aanay waxba ka jirin wararka sheegaya in uu shirkadooda ka baxay Buuggaasi, waxaanu yidhi “Waxa aanu doonaynaa in aanu cadayno in guud ahaanba Buuggaasi (Miyi ilaa Madaxtooyadu) aanu gacantayada ka bixin, haddii aanu nahay shirkadda Daabacada Ee ASAL, kaas oo aan ahayn Buug anaga naga baxay, mana aha mid naga suurto galaysa in uu Buuggaasi gacantayada

ka baxo.
Mida koowaad Buuggan anaga ayaa maal gelinay, faafintiisana anaga ayaa gacanta ku hayna, sabab aanu dhabarka isaga jabinaa anaga nooma taalo” ayuu yidhi Cabdirisaaq Xasan Rakuub.

“Buuggan iminka wareegayaa maaha kii saxda ahaa, waa mid ay qoloba in ku darsatay, anaga iyo xirsiba waanu ka xunahay hubaal in Buuggaasi uu sifo khalad ah suuga ku galo” ayuu yidhi Cabdirisaaq Xasan Rakuub oo uu waramayay Eryal.