Maraykanka Oo Duqaymo Ka Gaystay Goobo Kamid Ah Dalka Soomaaliya .

(SLT-Washington) Waxaa soo baxaya faahfahin dheeraad ah eek u saabsan duqeyn ay diyaarado dagaal ka  geysteen deegaanka Kamsuuma ee gobolka Jubbada Hoose ee Dalkaasi Soomaaliya.

Warbaahinta dawlada Dalkaasi Soomaaliya  ayaa baahisay in duqeyntaas lagu diley illaa 11 dagaalame oo ka tirsan ururka Al-Shabaab kuwaasoo uu kamid ahaa amiir dhowaan loo magacaabay waaliga gobolka Banaadir oo magaciisa lagu sheegay Subeyb.

Sidoo kale duqeyntan ayaa waxaa ku dhaawacmay xubno kale oo ka tirsan al-Shabaab kuwaasoo kus ugnaa xarun ay ku lahaayeen deegaan ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Ma jirto illaa iyo hadda war ka soo baxay ciidamada Maraykanka gaar ahaan qeybta Afrika kuwaasoo sheegan jirey duqeymaha ka dhaca dalka Soomaaliya.

 somalilamdtoday/Muqdisho/Office