Connect with us

somalilandtoday.com

Kuuma Yeedhane Aduun Baa yimi Hassan Muhumed Absiyaw ( Abdi-Shotaly)!

Articles

Kuuma Yeedhane Aduun Baa yimi Hassan Muhumed Absiyaw ( Abdi-Shotaly)!

Adiga oo mahadsan, Waxa la yidhi nin meeli u cadahay, meeli ka madoobe, hadddii aanad doc iskaga baydh ahayn, oo, aanad ka soo hor jeedin, sinaanta, wax wadda lahaan-shaha ummadda reer Somaliland, distoor umadda isku si loogu dhaqo, maxaad ku taageersanay tahay askarta intaas-ba si gaar ah ugula dhaqmaaya beelaha aan ka mid ahayn jeegaanta ( Guuda haaanba Mataanaha)? waxan rabaa in aan kaaga jawaabo, maqaalka xaq diidka ah ee beelaysan, runa aan ku fadhiyin, ee aad ku soo qortay Hadhwanaagnews, sidaas awgeed, haday cidi khaladan tahay, waxay yihiin kuwa cadaalad darradda, eexadda, kala sooca, isku hor-keenka, in gaar ah la colawga, boobka iyo reer hebel-ba ku jeegaanta

taageera sacab-kana ugu tumayaa, iyaka oo hoosta reer hebel ku wata, hadana ku af-goobaad-sanaaya Dawlad baa jirta. Waxa la yidhi oo kale ” Maroodigu takarta ku taagan ma arkee, ta ka kale ku taagaan buu isha ku fiiqaaye” Askariga doobta ka ridayaa Meesha, Beertii Ciidanka asluubta ee geed deeb-leh, isagaa loogu shaqeeya oo khudrad ka beertay, laba ceel oo geed deeb-leh ahna, oo uu shiinihu hargaysa ugu tallo galay in ay waraabiyaan, mid-na beert-aas buu ku waraabiyaa, mid-na wuxu ka kireeyey oo biya-hooodda, intay caagado ku shubeen dib shicibka uga iibiya, laabadda wersha-dood ee biyaha hargaysa ku yaala, oo ay beeshiisu leedahay. Su’aashu waxa weeye, Sidee buu hantidda ummadda u ilaalinayaa? qofka tuug-nimadda sidaas ah ku caan baxay? Haddii aanad cayn-kaas ahayn, ka jawaab su’aalahan Iyana hoosta ku qoran, oo runta ka sheeg:-

(a) Dad shicib ah oo nin kaloo shicib ah, oo xoola leh u xidh-xidhan ma horaad u maqashay?, Xataa marka lagu daro, maamulkii Siilaanyo miyey jirtay?

(b) Imisa Garxajis iyo Arab ah baa bilaash iska xidhan, oo bilaa denbi lagu haystaa, loona diiday xataa in ay u hadlaan qareena-doodu, oo loo diiday in ay kuwa haystaa maxakamadda yimaadaan?

(c) Liqoo yare, Waa wiilkii la yidhi kaba-hayaga dhunko, kii cayn-kaas ku yidhi-na aan juuq loo odhan, markii uu 21 cisho ka bacdi aar goostay, bay isla markiiba booliis ku sheega, inta gaar ah u adeegaa ( Waa jeegaanta’e oo qudha’e), ay soo qabteen Liqoo Yare, iyo kii bilaabay. La yaabka jira ee aad difaacayso, daacad baad sheeganay-saaye, kii bilaabay ee jeegaanta ahaa 3 maalmood daba-deed baa askariga ina kahin ay ugu yeedhaan uu sii daayey, bilaa maxakamd, kii ka aar goostay-na weli jeelka buu ku jiraaye, oo aad weliba maamul ku sheegaa garab taagan tahaye, maxaad ku hadlaysaa? Inaadeer Haxassnaw oo aad weliba igula doodaysaa, maxaad runta noogu cadaynasaa? oo aad gar ku doodaysaa iyo in aad xaq sheeg tahay?.

(d) Ka kelyaha kuusan ee Ma Kashbacay la yidhaaho ( Maayar ku sheega Hargaysa), ma kaas baa u siman ummadda? Xaafadaha Galbeedka Hargaysa wadooyinka uu ka dilaaciyey, waxba kaama qarsoona, bal sheeg dariiq qudha uu ka sameeyey Xaafadaha Mataanaha, Ilayn hadal lama dhuro aan sal iyo raad lahayne.

(e) Haddii aanad beel u dood ahayn, oo aanad buste ku dedeyn waxa khaldan, lana diiday in ay maamuylka askartu saxdo, maaha in aad afka boodhka ii soo marsato, oo aad noqoto “Sakaaro xaar la arkaayo bay aasaastaa” Jeneral care, ma nin cidla ka tegay baa? mise waa nin xaq darro, iyo maamul qabyaala-daysan, yidhi ka mid ahaan maayo? Buur madaw iyo qaar kaloo badan oo uu ka mid yahay Askariga ( Raggii Ma Adigaa Ka Hadhay), kuwii dagaalka ceel-af-weyn dabadda ka waday bay ahaayeen, ilaa imikana ka wadda, markii wax laga qaban waayey, ee weliba baarka loo sii fidhay, ma isagaa bilaa dhiig ah? Nin waliba nin-kiisa saw noqon-maayo? Waxa jirta odhaah Somaliyeed, oo ina faraysa ” Cadaw-gaaga cadaw-giisu waa saaxiibkaa” sidaas awgeed , nin-ba meeshii uu dan bido buu u dhaqaaqayaa, ogaw-na siyaasadu ma laha saaxiib joogto ah, ee waxay leedahay dano joogto ah, markaa Puntland baad sheegay-saaye, Yuhuudda baa laguu kaashanayaa haddii ay kaa gasho, waana aan ku taageer-sanahay, adiga buu u doodayaa xaqaagga oo dulman. In uu ka soo hor jeesto kala takoorka ummadda, oo in dhuunta la gashado, ina dhabarka loo jeediyo. waa xaq u dirir Jenaral Caare, markii uu ka dhaqaajay, wixii uu ku hadlaayey ma dafir-sanid, waa haddii aad illaahay ka baqayso ee aanad qabiil caabud ahayn.

(f) Mustafe Martin, Waa kii yimi dalka markii doorasho ku sheegtii socotay, wuxu arkay xumaanta Meesha taala, iyo kala saraynta gacanta la sii siinaayo, misana indhaha laga qarsanaayo xaqiiq-dda jirta, waan ku raacsa-nahay in sidaa uu falay ku dhaqaaqo, waayo xume diid weeye, ummadu u siman tahay. anba waan samayn lahaa hadaan awood u leeyahay.

( g) Miyaan la dhicin foodkii, oo aanay qiran Komishan ku sheegu, in buugaagtii ku dhacday gacan muxaafid?

Miyaan muraaqi-biinta Mucaaridka toos loo wadda odhan ka soo baxa sanaaduuq-dii aad ilaalina-yeen, miyaan 12 ka mid muraaq-biintii Waddani ee gobolka Gebiley la xidh-xidhin 10 xusbanimo , lana soo dayn 6:30 galabnimo, oo ah weliba meelihii Waddani uu cududda ku lahaa? Maxaad ka hadlaysaa inaadeer Hassanaw? aakhiro aboorka kaa celin-maayaan Askarta iyo reer hebele, ku hadal wax xaq ah, oo garta sidda loo kala leeyahay u naq, una kala sii, reer-kayaga baa ka madax ah, kuwa kalana dani igama hayso, ha la soo taagnaan adoo dhooqo lugaha kula jira’e.

(h) Weli ma hablo la caayo baad maqashay in alaale intii xukuumad ku soo martay, waxay da’daadu tahay-ba, xataa marka aad ku darto Tii Af-weyne? oo wleiba la isku sii siiyo dalacaad? Saw bilaa dhaqan maaha, iyo beelo la isu kaashaday, lama soo koobi karo qudhunka Meesha lagu futay-naayo iyo anshax xumidda askarta iyo inta ay cago ku jiitaan, ” Rag Cadaalad Waayey Siddi Cawsha kala Yaacye” ku rafo ta alle ina yihi “qulal xaq, wallaw kaana muran” xaq sheeg hadduu uu mur ka qadhaadh yahay”

(I) halkee buu ka keenay askarigu 21 bangalo ee uu sheegto?, Ma dhaxal buu u helay? miyuu shaqaystay? Saw maaha hantiddii ummadda uu ka xaday? Isaga oo kaba-la’ buu ku soo dhex dhuuntay, Mujaahidiintii uu Ibrahim dhega-weyne Madaxdda ka ahaaye.?

Waxan ku soo xidhay, Reer sheekh isaxaaq way is yaqaanaan, Kuwii aad marya-aloolka ay samayseen miyaanay reer sheekh isaxaaq ahayn?, marka aad awr-kiina ku kacsanay-saan baa la timaadaan magacan aad afka ku dhufatay, waxan kuu sheegayaa imika wax shaqaynaaya maaha, mar haddii aanay cadaladi jirin, Afarta askari ee Meesha joogaana, mid-ba beeshiisa buu qaban, haday RRu yihiin, ciidan ku sheeg qaran iyo booliis-ba, haday sidan ku socotana, goor ay taasi timaada-ba, waa Khasab in ay hor timaado askarta, malaha imika ma filayaan, oo wan weyni ilaa la gawraco indhi-hiisu cirka ma arkaane. Hassan Muxumed Absiiyaw, wax aan isla agranayno yeynaan isu sakhirin ( Bring your inside out) arimaha caloosha ku hurdda, debedda keen, oo aan ku wax qaybsano, waxba la isu qarin maayo’e. Maamul xukuumadeed, oo distoor iyo sharci qaran lihi ma Jiro, hadaad run doonayso, ee mid jeegaa-maysan baa wax lagu walaaqdaa, ee si wacan daaha uga qaad, haddii kale jooji geed sare waabka iyo isu hoos geliska, cid lagu khawasyiin karaa ma jirto’e.cadceedu hoos-teedda bay iman kuwa is leh awood baad sheega-naysaan.

N . B Cadaw-gaaga Cadaw-giisu Waa Saaxiibkaa!

Qore:- Abdi-shotaly)

ashotaly5@gmail.com

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top