Connect with us

somalilandtoday.com

Kaftanka Maanta , Ha Isku Handaraabnaato. Ahmed Nour Guruje.

Articles

Kaftanka Maanta , Ha Isku Handaraabnaato. Ahmed Nour Guruje.

Sheekaba sheeko ayay keentaaye, waxa la yidhi waaggii ingiriisku Mogadisho qabsaday dagaalkii labaad ka dib , ayaa odayaal ka carabayay Mogadisho oo abgaala ayaa baabuur ciidana oo ingiriisi soo ag martay, dabeeto oday odayada ka midda oo kelmed ingiriisi ah garanayay baa damcay in uu la hadlo , markaasaa oday kale oo la socday yidhi hebeloow inagga daa ha inagu joojine, isna intuu diiday buu go a u lulay oo intuu joojiyay kelmaddii oo ahayd go go go ku yidhi , dabeeto askartina intay fahmi wayday bay u qaateen nin ku kacsanoo way xidheen .

Markii odaygii la qaatay ayaa odaydii kale yidhaahdeen waar ninka

inaga daba geeya , markaasuu odaygii markii horre hadlay yidhi , waar hebel ingiriisi xabad buu ka yaqaanay, tiina waataa xidhay , mid soo daysana ma yaqaanee inaga daaya , imika waa halkaase kulmiye siyaasad hal buu ka yaqaanaa, halkaasina waa sidda kursigga looggu fuulo tumista giitaarkii gaboobay ee afar xadhiglaha ahaa, markaa waa ha isku handaraabnaato ilaa doorashadda danbe hala yaabina
Ahmed Nour Guruje.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top