Connect with us

somalilandtoday.com

Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Ka Hadlay Ciidamo Gadood Sameeyay.

focus

Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Ka Hadlay Ciidamo Gadood Sameeyay.

(SLT-Addis Ababa) Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in ciidamo dhawaan ka sameeyay gadood magaalada Addis Ababa loona oggolaaday inay la kulmaan Abiy Ahmed inay qorsheynayeen inay qaarijiyaan.

Raysal wasaaraha ayaa faray ciidammada inay isaga la sameeyaan jimicsi isagoo faraxsan isla markaana la qoslayay. Baarlamaanka ayuu u sheegay in maalinkaasi uu faraxsanaa balse uu gudaha ka gubanayay.

Abiy Axmed ayaa sheegay in jimicsiga iyo qeylo weyn oo ay ciidamadu sameeyaan uu hoos u dhigayo xanaaqooda“ xaaladda ciidammada waa la dejiyay, qaar kamid ah ciidammada ayaa la maqlayay iyagoo leh ‘wuxuu baxsaday ka hor inta aanan dilin’ marka, yaanan u qaadanin arrinta mid fudud”

Dhowaan ayaa Dacwad oogayaasha Itoobiya ay shan qof ku rideen xukun ah inay argagixiso yihiin kuwaaso isku dayay inay dilaan ra’iisul wasaaraha kaddib markii bambo gacmeed lagu tuuray isu soo bax siyaasadeed uu ra’iisul wasaaraha dadweyne kula hadlayay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top