Connect with us

somalilandtoday.com

Xog Cusub Oo Laga Helay Qoraagii Boqortooyadda Sacuudiga Ku Mucaaridka Aha Jamal Kashogi & Qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbuul Oo La Badhaayo..

advertise

Xog Cusub Oo Laga Helay Qoraagii Boqortooyadda Sacuudiga Ku Mucaaridka Aha Jamal Kashogi & Qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbuul Oo La Badhaayo..

(SLT-Istanbul)Warar dheeraad ah ayaa loo dusiyey saxaafadda, iyadoo Safaaradda Sacuudiga ee Turkiga ay ogolaaday in la baaro Qunsuliyadda Istanbuul ee lagu waayey qoraagii caanka ahaa ee Jamal Khashoggi.

War ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa lagu sheegay in Sacuudiga uu ogolaaday in la baaro Qunsuliyadooda magaalada Istanbul, iyadoo la raacayo heshiiska Viena ee diblomasiyadda dunida u yaalla oo ogol in la baaro xarumaha safaaradaha marka ogolaansho laga helo safiirka.

Dhinca kale Wargeyska Daily Sabah ee dalka Turkiga ee u dhow dowladda dalkaasi ayaa shaaciyey in baaritaan lagu hayo 15 saraakiil amni oo Sacuudiyaan ah, kuwaasoo laba diyaaradood ku tegay magaalada Istanbul isla maalintii la waayey qorooga Jamal Kashoqgi, iyadoo isku beegay xilligii uu balanta ku lahaa Qunsuliyadda Sacuudiga.

Saraakiishan Sacuudiga ah ayaa ku tegay magaalada Istanbuul laba diyaaradood oo ka yimid Sacuudiga markii danbena u kala duulay magaalooyinka Abu Dhabi iyo Qaahiar, waxayna kireysteen Hotel ku dhow Qunsuliyadda Sacuudiga muddo afar maalmood ah, balse saacado qura ayey ku sugnaayeen dalkaasi.

Xogta kale ee la helay ayaa ah in baabuurta Qunsuliydda Sacuudiga ee Istanbul oo gaaraya 26, afar ka mida lagu tuhunsan yahay inay dibadda u saareen qoraaga, saacad kadib markii uu galay Qunsuliyadda, waxaana la tuhunsan yahay inay arrintan ka qeyb qaateen sirdoonnada dalalka Masar iyo Imaaraadka.

Saxafiyiin kala duwan iyo warbaahin caan ah ayaa baaritaan ku heysa kiiskan oo qabsaday wararka caalamka, waxaana wargeyska Washington Post oo qoraaga uu wax ku qori jiray uu shaaciyay maanta sawirka markii Jamal Kashoqgi uu galay Qunsuliyadda Sacuudiga Istanbul.

Arrinta kale ee shakiga dhalisay ayaa ah in shaqaalaha Turkiga ee ka shaqeynayey Qunsuliyadda magaalada Istanbul ka siiyey fasax degdeg ah oo lama filaan ahaa maalintii Taladaada ee kiiskan uu dhacay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in advertise

To Top