Ceerigaabo Ciidan Uma Baahna Ee Cadaalad Bay U Baahan Tahay ( Abdi-Shotaly)!

Ciidan meel la soo dhoobaa, iyo askar kolba meel loo raro oo lagu bajiyaa ummadda, waxay leedahay dhibaata-deedda, taas oo deegaanka loo dan leeyahay, si loogu baqdin geliyo, hore baynu u sugu soo aragnay, micnaha ay sameyso, iyo waxa ay dhasho-ba, waayo’aragnimo la’aanta, mid awood sheegtaa, waxay-na ay ka mid tahay, talooyinka ugu waayeen ee wax lagu qaato, bani’aadm-kuna uu kaga digtoonado in uu ku kaco, wax-yaabihii hore ee ku soo dhacay, qofka uu shaqay-naayo xiskiisu ee aan balaayo u sacab tumayn ( Sidda

askartan), waxay siisaa talooyin wax ku ool ah. Waayo’aragnimadu waa duruus qaaliya, oo uu dib iskaga taago, qas iyo qalaan-qal uu ku kala dhex rido ummadda meel wadda degan, isaga oo ujeedo gaar ah ka leh, iyo isku sii adkaysi, uu is yidhaaho maanta awood baad leedahay, ee sidaad doonto u soco. waase maskax askareed iyo caada-doode, ma oga in uu xabaasha isu sii dheeray-naayo, oo u sii gogol-fidasaanyo siddii uu si xun ugu bixi lahaa, una soo dedejin lahaa wad-kiisii lagaga takhalusi lahaa. hore buu (IHN) Tima-cade u yidhi ” Duulkii Inkaar Qaba Jinaa Daasadaw tuma’e” labadan askari balaayo baa futadda u kala qaaday, malaha waxay ilawsan yihiin af-weyne, iyo arimihii uu samayn jirey, markii uu is biday awood iyo in uu ugu xoog weyn yahay Afrika, marka laga tago Masar, Koonfur afrika, Liibiya iyo Naajeeriya oo keliya, waa tii sidda kuwan, uu shaydaan meel baas uga gacan haadiyey, ee uu ku baxay silica, iyo in uu isu cayn-taariyo Naajeeriya, aakhir-kiina waa kii ku bakhtiyey, ee mayd-kiisii loo baryaayey in dib loogu soo celiyo Garba-haaray, akhristaw kuwana kama diimoona taariikh-daasiye, ee xaga illaahay baa kododda laga dhaafi-nayaa, ee daaya way ku socotaaye, dhaaxuu qof awood is yidhi wax baad ku muquunin kartaa, ay isaggii soo gabtaye.

Cudurka kaa gala fardaha, haddii laga gubo dameer, dawadi lama gaadhayoo, geed dheer bay saaran-tahay, waxa ay tahay ujeedadu, haddii Meesha ay dhibaatadu tahay ama ay ka jirto, aad farsama-deedda geli waydo, si aad u dawayso, oo aad adigu ula kas iyo badheedh u qalqa-loociso, meel kale-na aad ka baaddho, oo aanay wax-ba ka jirin, laga-ma yaabo in cudur-kaas wax laga qabto, maxaa yeelay, waxa aanad haynin qaabkii loo wejihi lahaa, laguna bogsiin lahaa, xanuun-kaas isaga ah ee aad adigu beerayso. ka bacdina meel daran baad roortaa iyo wado qaloocan, oo aan meel ku gaadhsii-nayn, adaana fartaadda ku sii abuura ( Waa sidda askar-tane), dabeed-na goor ay xeedho iyo fandhaal kala dhaceen, oo aanad wax ka qaban karin, sidda daad-xoorta, ay kolba gidaar ka soo gooyaan biyaha webiya sitaa, buu hadba derbi madax ku dhuftaa, Waa caynka uu yahay askariga la yidhaaho ” Raggii Ma Adigaa Ka hadhaye” waa sidaas oo aan laga gun-gaadhayne, aakhir-kana asaga baa dib uga shaleeya wixii baradda ka saaray, ee laga waayey ka daa sidda kjna dhasho’e, sidaas ayuun buu ku baxaa, waxana uu isku qooma-meeyaa may ahayn sidaase, meel baas baad ka qabasho baratay, waase goorma waa goor uu jar ka duulaye. Ceerigaabo ciidanka lagu faruuray, ee dul heehaa-baaya, dagaaladda ka socdda, ee ciidanka uu soo toomyey kii ay isku xaafadda ahaayeen ee Nuux Taani, iyo rebshedaha ka dhacay, rasaasta loo adeeg-saday shicibka tooddii u il daran, waxa keenay baqdin, ay labadda askri ku dhici waayeen, in ay cagaha soo dhigtaan magaaladda madax-dda Sanaag iyo nawaaxi-geedda. Hees uu qaadi jirey Mohamed Mooge (IHN) baa waxa ereya-deedda ka mid ahaa “Qof naftii u baydaday, rakaad-kiisa boqonaha, aluun baa ka bixiyee, is banbaanin waydee” Ceerigaabo Nabad, cadaalad, sinnaan iyo wax wadda lahaansho bay u baahan tahay, ee uma baahna askar guudka lagaga keeno, iyo hanjabaad loo caga jugleeyo, waase askar-taan ogayn iyo micno xumaan-tooddii, ee aan eegno halkay ku dambee-yaan.

Wuxu yidhi Ismaaciil Cagaf (IHN), oo suugaan-tiisa heesaha qaraamiga ka mid ah ” Geedkii ka Magoola meel gebiya-ba, malagu geela waa ku madhin jirey, ee wad-kaygi dhun-kaal ma muudsaday” Aan idiin qeexo’e, wuxu yahay micnahu, neefka geela ahi, marka uu halacsado laan gebi ka sii laalaadda, oo hoos ujeedda, aad u qurux badan, baa wuxu is yidhaaha laan-taas soo daaq oo gaadh, dabeed inta uu tiigsa-naayo buu ku siibtaa, oo ku dhacaa ,intuu mar qudha hoboq ku yidhaaho, halkaas baanu ku naf waayeey, markuu haadaan-taas uu hunguri-giisu ka tuuro. Wuxu yidhi Ahmed Ismaaciil Diiriye Waa Qaasime (IHN) ” Faaruuq-ba koos buu lahaa, keli ku nooloowe, misna inuu kaba la’aan ku baxay, kaashif loo aragye, nin kalkii dhamaadaan arkaa, oo taagan koda-diiye” Waxan uga socdaa, oo aan u soo qaatay, kuwan askar ku sheega ahi, ma yaqaanaan, wadda hadal iyo wadda tashi, wanaag iyo side waxa khaldan loo saxaa, ee waa askar iyo caadadeed, waxa keliya ee ay garana-yaan amarkii la sii jirey ee ahaa ” Digtoonaw, dig, debci iyo kal dareera” oo weli in ay xero askareed joogan bay mooda-yaan, way ka melefan yihiin in ay shicib la hadlayaan-ba, waa kaa dalkii kala dareeray, ee iniba gees u dhaqaaqday, Puntland ay inoo hanjebayso nasiib darradda ina haysata. Wuxu Yidhi Abwaan Qaasim “Ab-tirsiimo ruuxii yaqan, aaya-tiin ma lahe, nimaan aabihii maali jirin, looma aamino’e, olol-keedu waa ii baxaa, oogta waaberiye, oon iyo haraad waa waxay, la alwanay-saaye, Waa-taa ilmaha loogu xidhay, geed adaahiyahe”.
Waxan ku soo af-jaray maqaalkan, tixddii Timacade (IHN) in yar oo ka mid ah aan damcay, in aan idin xasuusiyo, wuxu yidhi ” Waayahay hadaan lays lahayn, waa wax Kuma taale, Lama helo wadaadaw, waxan cidi ku hawshoone, isma waafa-qaan wiil yar, iyo waalidkii dhalye, iyadoo is-waday baa wiidda baa loo ridiye” waa dahab , waana la arkaa in wiidda loo riday, oo dadkii iyo dalkii dhamaan-tood, xaalka ay ku sugan yihiin inagama qarsoona, ee maxaad sugaysaan?.

*N . B Duulkii Inkaar Qaba Jinaa Daasadaw Tuma’e.
Qore:- Abdi-Shotaly.

ashotaly5@gmail.com