Al-Shabaab Oo Meel Fagaare Ah Ku Toogtay Shan Nin Oo Lagu Eedeeyay Basaasnimo

(SLT-Jilib)-Wararka ka imaanaya Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in shan nin oo Soomaali ah oo lagu eedeeyay basaasnimo lagu toogtay meel fagaare ah degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe galinkii dambe ee shalay.

Al-Shabaab ayaa dilkan fulisay, waxayna sabab uga dhigtay in raggan ay basaasiin u ahaayeen hay’adaha sirdoonnada ee waddamada Maraykanka, Ingiriiska iyo Soomaaliya.

Ragga la dilay oo da’doodu u dhaxaysay 22 jir ilaa 36 jir ayey maxkamad Alshabaab leedahay ku xukuntay dil toogasho ah, maanta ayaana goob fagaare ah lagu toogtay sida uu ku soo waramay weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan.